Hooyadu waa lama huraan W-Q Abdulle Abdi Karim

Hooyadii Wax Walba U Hurtay Wiilkeeda
Waxay ahayd dabayaaqadii siddeetamaadkii. Tuulo yar waxaa ku noolayd haweeney noloshu si adag u imtixaantay, balse aan marnaba u jabin.
Hooyad waxa ay heysatay ilmo yar oo weli socod barad ah ayadoo xaalad adag iyo daruufuhu harreeyee ayaa ninkeedii dhintay.
 Maalintaas wixii ka dambeeyay, culayskii reerka oo dhan wuxuu ku soo dhacay garbaheeda. Waxay isku noqotay hooyo iyo aabbe isku mar, sida caadada ah dumaal baa loo bandhigay waana ku gacanseyrtay.
Subax kasta waxay u bixi jirtay shaqo ka hor inta aan qorraxdu soo bixin, habeenkiina waxay soo noqon jirtay iyadoo daal la liicaysa. Waxay u adkaysatay gaajo, harraad, qabow iyo kulayl, iyadoo mar kasta qalbigeeda ku haysay hal rajo oo keliya—inaan wiilkeedu la kulmin noloshii adkayd ee ay iyadu soo martay.
Marar badan iyadu cunto ma cuni jirin si wiilkeedu u dhergo Waxay xidhan jirtay dhar duugoobay si uu isagu u xirto dhar wanaagsan oo uu dugsiga ugu tago isagoo madaxa kor u haya ooAabbe la’aan dareemeynin.
Habeenno badan ayay si qarsoodi ah u ooyi jirtay, laakiin aroortii waxay wiilkeeda ku qaabili jirtay dhoolla-caddayn, si aanu u dareemin culayska ay keligeed sidday.
Sannado ayaa iska daba yimid.
Wiilkii yaraa wuxuu noqday nin wanaagsan.
Wuxuu helay waxbarasho, shaqo wanaagsan iyo mustaqbal ifaya Wuxuu guursaday haweeney akhlaaq leh, waxaana Alle ku mannaystay wiil yar oo aan laga aqoo.
Markii hooyadii gabowday oo tabarteedii yaraatay, waxay la degtay wiilkeeda waxa ay qalbigeeda ka rumaysnayd in cimrigeeda intiisa hadhay ay ku dhammaan doonto jacaylka qoyskeeda dhexdiisa.
Laakiin gabowgu ma naxariisto.
Gacmaheedii way gariiri jireen. Indhaheedii way daciifeen, markay qaaddada afkeeda u qaaddo, maraqu wuu daadan jiray. Mararka qaar cuntadii ayaa dhulka ku dhici jirtay.
Ma ahayn ula kac.
Jidhkeedu mar dambe ma yeelayn wixii uu samayn jiray yaraanteedii waa ay tabar beeshay.
Bilowgii, wiilkeeda iyo xaaskiisu way iska samri jireen. Hase yeeshee, maalinba maalinta ka dambaysa samirkii wuu sii yaraanayay.
Waxay ka xanaaqi jireen nadiifinta miiska, dhaqista dharka iyo cuntada dhulka ku daadata.
Naxariistii waxay isu beddeshay xaasidnimo iyo gees gelin.
Arinkii wuxuu isu beddelay xanaaq iyo far ku muuqid marba marka ka danbeysa ka sii dareysay.
Ugu dambayntiina waxay gaareen go’aan qalbi jabin lahaa oo qof kasta oo maqla uu la murugoonayo.
Waxay sameeyeen miis yar oo alwaax duug ah laga farsameeyay, waxayna geeyeen geeska ugu fog uguna mugdiga badan guriga.
Waxay ku yidhaahdeen:
“Hooyo, halkaas ayaad hadda ka  dib wax cuni doontaa.”
Laga bilaabo maalintaas, looma oggolaan inay qoyskeeda la fadhiisato miiska cuntada.
Iyadoo qoysku wada qoslayo oo sheekaysanayo, iyadu kaligeed ayay geeska ku cuni jirtay baaquli alwaax ah.
Mararka qaar si naxariis leh  ayay indhaha ugu eegi jirtay wiilkeeda iyo qoyskiisa.
Qalbigeedu wuu uu la dildilaacay murugo joogta ah, laakiin afkeeda cabasho lagama maqal.
Galab galbaha ka mid ah,  markii cuntadii la dhammeeyay, wiilkii ay ayeeyada u aheyd ayaa qaatay baaquligii alwaaxda ahaa ee ayeeyadii, wuxuuna ku qariyay armaajo gadaasheeda.
Aabbihii ayaa arkay, wuxuuna ku yidhi:
“Wiilkaygiiyow, maxaad u qarinaysaa baaquliga ayeeyo?”
Wiilkii yaraa ayaa dhoolla-caddeeyay, isagoo aan waxba ka qarinayn, una xogwaramaya Aabbihii wuxuu ku yiri:
“Waan kaydinayaa, Aabbe.”
Aabbihii ayaa weydiiyay:
“Maxaad u kaydinaysaa?”
Wiilkii yaraa wuxuu ku jawaabay hadal aan qalbiga qofna ka bixi karin, oo naxdin iyo walaac u abuuray Aabbihiis wuxuu yiri:
“Markaad adiga iyo hooyo gaboowdaan ayaan idinku quudin doonaa baaquligan, geeskaas ayaadna ka cuni doontaan, sida aad maanta ayeeyo u fadhiisiseen.”
Gurigii oo dhan waxaa qabsaday aamusnaan iyo argagax , Aabbihii hadal baa ka dhagay wajigiisii wuu is beddelay.
Hooyadii waa ay ilmeysay dhulkaa la wareegay.
Markaas ayay aheyd markii ugu horraysay ay isku arkeen muraayaddii runta ahayd, indhaha wiilkooda yar.
Waxay garteen inay dulmi u geysteen haweeneydii nafteeda oo dhan u hurtay.
Haweeneydii gaajada u adkaysatay si ay u quudiso.
Haweeneydii hurdada ka tagtay si ay u koriso.
Haweeneydii nolosheeda oo dhan u bixisay farxaddooda.
Iyagoo ooyaya ayay u ordeen.
Waxay jilbaha u dhigeen horteeda.
Waxayna ku yidhaahdeen:
“Hooyo… na cafi. Waxaan hilmaannay wixii aad noo qabatay.”
Waxay si adag u habsadeen.
Ilmadii sannado badan qalbiga ku qarsoonayd ayaa ka daadatay labadeeda dhaban waana iska cafisay
Maalintaas wixii ka dambeeyay, miiskii yaraa waa la jebiyey.
Hooyadii waxay dib ugu soo noqotay miiskii qoyska.
Markasta oo gacmaheedu gariiraan oo ay qaaddada qaadi kari waydo, wiilkeedu gacantiisa ayuu ku quudin jiray asagoo u yara turaya. sidii ay iyadu u quudin jirtay markii uu ahaa ilmo yar.
Gurigii waxaa dib ugu soo laabtay jacayl, ixtiraam iyo barako.
Waxay ogaadeen in qofka weyn aanu ahayn kan lacag badan leh ama mansab sare gaadha.
Qofka weyn waa kan aan hilmaamin waalidkii markii ay tabar beelaan.
C
Ha illoobin gacmihii ku soo qaaday, sababtoo ah maanta way gariirayaan.
Ha quudhsan waalidkaa markay gaboobaan, waayo adiguna maalin ayaad halkaas gaadhi doontaa.
Carruurtu wax badan kama bartaan waxa aad ku tiraahdo, balse waxay bartaan waxa aad sameyso.
Sida aad maanta ula dhaqanto waalidkaa, ayay carruurtaaduna berri kula dhaqmi doonaan.
Waalidka oo la ixtiraamaa waa furaha barakada nolosha.
Inta ay nool yihiin u naxariiso, u adeeg, oo qalbigooda farxad geli, waayo marka ay tagaan, adduunka oo dhan ma soo celin karo hal daqiiqo oo aad la qaadato.
Abka Xaaji Qalin-Weyne

SHEEKOOYIN