Damac Dad iyo… W-Q Abdulle Abdi Karim

 

Damac dadeed 🐓**

Beri baa nin lahaa digaag maalin kasta hal ukun u dhasha. Ukuntaas ayaa ninka noloshiisa wax badan ka beddeshay, marna suuqa ayuu ku iibin jiray, marna isaga ayuu cuni jiray jawiga waa u saxnaa.

Laakiin ninkii wuxuu bilaabay in uu hunguri galo.

Wuxuu is yiri:
“Maxaan maalin kasta hal ukun uga sugayaa horta? Waxaa laga yaabaa in digaaggu caloosha ku haysato ukumo badan oo aan hal mar wada heli karo.”

Markaas ayuu digaaggii qalay si uu waxa uu rabay u helo, laakiin markii uu eegay, waxba kama helin.

Kolkaas ayuu ogaaday inuu lumiyay ishii maalin kasta wax u soo saari jirtay ee noloshiisa ku tiirsaneyd.

Wuxuu yiri:
“Waxaan doonayay wax badan, laakiin waxaan waayay wixii aan haystay.”

Wax badso wax la’aan ayay ku dhigtaa; qofka aan ku qanacsanayn nimcada uu Eebbe ugu deeqay, mararka qaar hungurigiisa ayaa ka qaada waxa uu lahaa.

Damaca waa dilaha hanka, waana dedejiyaha burburka; waayo qofku hadduu han leeyahay, damac wuu yeelan karaa, haddaanse damacaas xad lahayn, wuxuu halis gelin karaa wixii uu horay u hantiyay.

Nolosha bani’aadamka waxaa mar walba ka dhexeeya laba waddo: midda qanacsanaanta iyo midda hunguriga. Qofka qanacsan wuxuu si tartiib ah u dhistaa mustaqbalkiisa, halka qofka hungurigu indhaha ka ridey uu mararka qaar hal maalin ku burburiyo wax uu sannado badan soo urursanayay.

Haddaba si aadan hog uga dhicin ama aad magudbe u noqon, waa in aad maskaxda shiisho oo aad isweydiiso faa’iidada ka iman karta iyo khasaaraha ka dhalan kara go’aan kasta. Mar walba waxaa jirta meel dhexe oo la yiraahdo “lafahaaga caynso”, taas oo macnaheedu yahay in qofku ogaado awooddiisa, kuna socdo waddo dhexdhexaad ah.

Casharka sheekadani ina barayso waa in nimcada yar ee joogtada ahi ay ka qiimo badan tahay faa’iido weyn oo hal mar la helo laakiin khasaare keenta. Qofkii samirka iyo qanacsanaanta bartaa wuxuu badbaadiyaa naftiisa, hantidiisa iyo mustaqbalkiisa. Damac aan xad lahaynse wuxuu qofka ka qaadi karaa wixii uu gacanta ku hayay iyo wixii uu rajaynayayba.

SHEEKOOYIN