Waxaa jiray nin dhalinyaro ah oo lumiyay wax kasta oo uu haystay.
Saboolnimo ayaa si lama filaan ah noloshiisa u soo gashay, balse imaanshaheedu waxay beddeshay wax walba ee uu heystay ama ku haminaayay.
Saaxiibbadii uu mar la qosli jiray, wax la cuni jiray, una ballan qaadi jiray inay mar walba garabkiisa ahaan doonaan, mid mid ayay uga dhuunteen.
Farriimahoodii way istaageen. Booqashooyinkoodii waxay isu beddeleen marmarsiyo. Aan joogsi laheyn,waligood dib uguma soo noqon gurigiisa.
Si lama filaan ah, adduunku wuxa uu u noqday mid xanuun badan, oo uu waxba ka qaban karin, noloshii ayuu ku kaliyoobay.
Qofna ma weydiin sida uu yahay ,qofna ma danayn inuu wax cunay iyo in kale , dadka waxa ay ahaayeen kiwa aanba arag in uu Bini’aadam yahay iyo in kale.
Ugu danbeyn xanuun baa ku khasbay inuu dhulyaal noqdo, isagoo tabar daran oo keligiis ah, qofna uma oga xanuunka soo wajahay, booqasho daaye agagaarka gurigiisa kuwii dad u xigay waa la fogaadaan si ay wajiga ay Ugandan qarsadaan.
Laakiin markaas waxaa bilaabatay wax yaab leh oo ku fajac gelin doona.
Subax kasta, si joogto ah, wuxuu albaabka gurigiisa ka heli jiray cunto diyaarsan oo loo dhigay , cunto diirran oo ku filan inuu maalinta ku sii noolaado, dhadhan macaan.
Waligiis ma fahmin cidda u keenta, ma jirin warqad, ma jirin magac, mana jirin mahadnaq la doonayay.
Maalmihii waxay isu beddeleen toddobaadyo, sirtaasina way sii socotay oo si joogto ah baa loogu keenaa cuntooyin kala duwan of maalin mood ah.
Ilaa maalin maalmaha ka mid ah, uu goor hore ka soo kacay sidii caadiga ahayd, kolkaas buu daaha gadaashiisa ka arkay qof si fiican uu u yaqaan oo si tartiib ah cunto ugu dhigaya albaabkiisa, dabadeedna sanqar li’i u sii baxaya.
Waxa uu ahaa mid ka mid ah saaxiibadiisii hore laakiin ay muddo is arkin waxa uu uga mashquulay saaxiibadiisa cusub.
Ninkii dhalinyarada ahaa wuu ka daba orday isagoo ku qaylinaya:
“Adiga miyaa qofka maalin walbo i quudinayay ee Eebbe ii soo diray?
Saaxiibkiis ayaa si deggan u dhoolla caddeeyay, hoosna u eegay, dabadeedna wuxuu yiri erayo uu ninkaas dhalinyarada ahi weligii qalbigiisa ka go’eynin.
“Waligay ma rabin inaad kalinimo dareento.”
Xilligaas, ninkii dhalinyarada ahaa wuu bururay oo ooyay ma aha cuntada darteed, balse sababtoo ah qof baa u sara kacay markii dunida oo dhan ka jeesatay ee waqtigu haleelay, markii dad kuwii u xigay kala dhuunteen hey la’aanta awgeed.
gooranhaaba walaaltinimada u shidneyd heestii
Waqtigu nacaseynaa
waayuhu yaab badan ogaa
dhallintu wadi garadsan.
weelkaagu haddaanu buuxin
waxsaarku ku qaban ogaa
weedhaadu itaal yaraa.
walaalkaa koley ku tahay
baryadu weydeysanaa
waxheyntu mar fiicanaa.
Maalintaas wuxuu bartay run ay dad badan noloshooda oo dhan raadiyaan:
Saaxiibka dhabta ah ma aha kan kula jooga marka noloshu qurux badan tahay.
Saaxiibka dhabta ah waa kan sii jooga marka quruxdu baaba’do, marka lacagtu dhammaato, iyo marka dunida oo dhan kaa jeesato.
Dulucda sheekada.
Saaxiibtinimada dhabta ah laguma cabbiro qosolka xilliyada farxadda, balse waxaa lagu cabbiraa daacadnimada xilliyada dhibaatada.
Mararka qaar, Ilaahay naxariistiisa kuma soo diro mucjisooyin cirka ka yimaada, balse wuxuu ku soo diraa merl aadan ka filaneyn oo saaxiib daacad ah oo diida inuu ku arko adigoo dhibban kaligaa.
Qof socotaa oo aad weligaa arkin, irsaaqadda Eebbe waa mid waasac ah.
Qaddari dadkaas, waayo waxay ka mid yihiin nimcooyinka ugu quruxda badan ee Ilaahay bixiyo.
Xisaabtana ku darso waqtigu waa macalim kula jooga aad ugu fiirso oo wax ka baro.
Dhibaatadu ma aha joogto.
Xaajo haddey kaa wirqanto waa la sugaa inta habaar qabe uu ka dhinto ama duce qabe u dhasho.
Guntii iyo gebogabadii muhiimadda waa in aad ogaato in aad keli ku aheyn dunida



