DABIN IYO DAKANO Q-4aad W-Q : Abdulle Abdi Karim

Dabin iyo Dakano Q/4aad
Markii gabalku dhacay, Hooyo Xaadsan iyo caruurteedii oo shillinkii u danbeeyay beeqaaminaya ayaa go’aansaday guri mar hore laga guuray oo burbursan in ay dugsadaan habeenkaa subiciina dad raadsadaan caawiyo .
Habeenku waa mid dheer cabsida waxaa u dheer gaajo  kolkii dad iyo duunyo la kala gartay ayey bannaanka uga soo baxeen Hooyo Xaadsan waa qof gobanimo ku edashahay dan baa xalay u geysay in ay idam la’aan ku hoyato aqal dadoow waa ku meel gaareen, hase ahaatee bannaanka markii ay u soo baxeen ma aqoon dhabba ay cagta saaraan halkoodii bay iska fariisteen si ay qof uun u helaan ugu yaraan meel suuq ay wax ka iibsadaan u tilmaanto.
Barqadii ayaa waxa meesha soo maray Xaliimo Kulmiye oo adeeg u socota,  markii ay ishu ku dhufatay dadka safarka ah, oo cidlada joogo, ayadoo maanka iyo maskaxdeeda tuujineyso by si fiican u sii dhugatay in ay aqoonsato, durbadiiba waxaa u sawirmay in ay carruurta meel ku aragtay, inta soo dul istaagtay bay bariidisay sayteen maxaan idinja caawiyaa,? Hooyo Xaadsan aad ayey ugu faraxday in ay hesho qof ay u xog warranto.
Waxa ayna hadalkeedii ku bilowday xalay baan magaalada soo gaarnay mana helin qof na marti sooro  ama noo geeyo ilmaheyga eeddadood Xasno Muuse Xirsi oo Aabbahood la ilmo adeer ah intaa markii ay mareyso bay xaliimo kulmiye baa ka dhex gashay oo tiri: Maanaan garan in aad reer Boore tihiin carruurta ma ilmo Jaamac Wehliyaa?
Hooyo Xaadsan neef baa ka soo fuqday weligeed Xamar ma imaan haddaba wof heyb aqoonsaday , inta aysan jawaab ka sugin bay ku tiri: Soo baxa kolkaa bay gurigeeda geysay oo si fiican u agaasintay.
Saddexdii uu Cali Miskiin u weynaa waa kuwa durba ciyaar iyo orod bilaabay  halka xaadsan iyo Xaliimo kulmiye isku kaliyeysteen.
Waxa ay hadal uga bilowday kol haddey Xasno Muuse Eeddadiin tahay anigana Eeddo baan idiin ahay ku bishaareysta sababta oo ah aniga iyo xasno ilmo habar wadaag baan nahay wixii ay idin tari laheydna ka badan anaa idin taraya haddii Alle idmo walasheyna Eebbe ga u naxariisto oo 2 sanno ay sii mootan tahay waxaase joogo ilmaheedii oo gabarteeda curadda Xamar jajab dagan tahay oo waa xaas wiilka ku xigay yaaqshiid  ayuu degan yahay awalba reerka asagaa isku haayay afar kale IYO adoogood asagey la joogaan , dhibsa ma leh 5 taan qol labadaas ijaar loogu jiraa saddexdaan kaligey iyo kariimkey Ayala Dagan marka adiga iyo ilmahaaga inta degeysiin ciddaasna anaa war galinaa oo waad kulmeysaan.

Galab gaabkii ayey Xaliimo Kulmiye u qalab qaadatay ilmaha habaryarta u tahay iyo dumaashigeed in ay ku wargeliso in marti culus u joogto ayna tahay hiil iyo hooba garab istaagaan.

La soco Qeybaha xiga

SHEEKOOYIN