IS-DIIDOOYINKA NOLOSHA Q. 2aad
W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)
Dadka qaar beenta ayey runta ka jecelyihiin
Dhacdo dhab ah: Dadku beenta rumeysan ogaa, Runtana diidi ogaa!
Dadka qaar badan, waa u jilcan yihiin inay Beenta rumeystaan, Runtana ka biyo diidaan ama ay liqi waayaan, taana waa guusha shaydaanka iyo xuma wadaha ka gaaraan dantooda beenta.
Ammin ku aadan gu’gii 1978/1979 ayaa magaalada Muqdishu, waxay afar dhallinyaro ah oo asxaab ahaa, isla garteen inay burcadnimo nooc aynan Soomaalida horay u arag sameeyaan, si ay si fudud lacagaha dadka jeebkooda ku jiro uga la soo baxaan, mid gaajaysan iyo mid dherganba!
Afartooda laba waa reer Muqdishu, midna waa reer Baydhabo midna waa reer
Jilib. Afartuba, waxay waxbarashadooda dugsiga Hoose ilaa Dugsiga Sare kaga baxeen Magaalada Muqdishu, keddib kolki ay dugsiga sare dhammeysteen, ma aynan helin shaqo iyo duruuf u oggolaaneyso in ay sii wataan waxbarasho jaamacadeed, xaalado iyo sababo ay iyaga is tuseen inay jiraan awgeed.
Waxay ka tageen Muqdishu, waxayna tageen koofurta dalka, degmo ku taal oo ay
dhul ku lahaayeen reerka mid ka mid ah afarta wiil. Waxay dhulka bartankiisa ka dhisteen waab leh dhawr iyo toban irid, dhulka waxaa ku wareegsanaa ood, wuxuuna ahaa dhul weyn.
Intaa kaddib, afartoodi waxay isu qeybiyeen shaqadi ay dadka ku furan lahaayeen. Midka koobaad, xoogaa ayaa uga bilawnaa ama uu kuwa kale kaga fiicnaa Diinta Islaamka, waxay isku raaceen in ay isaga ka dhigeen Shiikh ama madaxa kooxda, si ay dadka u furan lahaayeen, saddexda kalana xernimo doorkeeda ayay qaateen. Shiikha, hawshiisa waxay ahayd inuu Waabta meel gees ah ka fadhiisto, una labisto sida lagu yaqiin Cullimada waaweyn ee Soomaalida ee dadka siyaarada ugu yimaado Tahliil ugu tufaan, Quraana ku aqriyo tahliishaas sida ay caadada badanaa ahayd.
Midka labaad, waxay hawshiisa ahayd inuu si joogta ah u joogo iridka hore oo xerada laga soo galo oo isaga halkaa looga dhisay waab yar.
Midka Saddexaad, waxay hawshiisa ka dhigeen in uu noqdo, ilaaliyaha joogo iridka hore, ruuxi Shiikha siyaara ugu yimaadana uu dhinaca Shiikha iyo waabta u soo galbiyo, inta ay sii socdaanna ka wareysto xaaladiisa ama xaaladdeeeda guud ahaaneed iyo muxuu Shiikha ugu yimid, haddii ay Jiro ama Cudur tahay iyo haddii ay weydiin Diini ah tahay.
Midka afaraad, waxaa loo diray in magaalooyinka ugu dhaw halka ay waabta ka
dhisteen, dadka deggan deegannadaas uu ku wargeliyo si aan toos ahayn (Dacaayad u sameeyo Shiikha). In shiikh weyn oo laga yaabay uu meel hebel soo degay, ciddi uu Quraan saarana ay horay ka reysaneyso ama ka kaceyso jirrada heyso ama mudda yar gudahooda dhul joog yeelaneyso/yeelanayo.
Afartoodi hawshi waa bilaabeen, waxaana u yimid Hooya waayeel ah oo cunug yar oo Dheg xanuuneyso wadato, kolki ay iridka hore ee Xerada soo gaartay waxaa qaabilay (ay aragtay) ilaaliyihi Xerada, waxayna weydiisay in uu joogo Shiikh loogu soo sheegay inuu degan yahay halkan, ilaaliyihina wuxuu ku daray Saaxibkiis oo ay shaqadiisa ahayd inuu dadka yimaado horay u sii raaco, Shiikhana u geeyo, kana wareysto Jirrada ama Cudurka ay ka sheeganayaan. Hooyadi ayuu la dhaqaaqay wuxuuna iyada iyo wiilki la socday waabta ka geliyay irid loo calaamadeeyay Dadka ka sheeganayo cudurrada dhegaha la halmaalo. Kolki ay Hooyadi soo gaartay Shiikha oo meel gees ah fadhiyo, agtiisana ay yaaliin dhawr Ashuun oo biyo ku jiraan, ayey Islaanti waxay tiri: Salaama calaykum Shiikh, Shiikhina wuxuu ugu jawaab celiyay: “Calaykum al salaam. Hooyadi marki ay damacday in ay Shiikha uga warranto, waxay u timid ayaa Shiikhi ku yiri: “Hooyo iska naso ,waa laguu og-yahay waxaad u timid “.
Hooyadi oo yaabban, afkana kala tegay ayaa Shiikhi ku yiri: “Waxaa kaa jirran willkaa yar, waxaana xanuunayo dhegaha, daawadiisana waa la hayaa, durbana Shiikhi waa istaagay hooyadi oo aan weli hadlin, wuxuuna mid ka mid ah dhawrki ashuun ee agyiil uga soo shubay Tahliil wuxuuna ku yiri “Sii wiilka Tahliishan” saddex beri keddibna igu soo noqo, haddii Allah idmo wiilkaada oo ka
roon jirradan dhegaha ka haleeshay, Eebe Idinkiis“.
Hooyadi waa yaabtay, iyada oo is weydiineyso: “Sidee Shiikha ku ogaaday xaalka jirrada wiilkeeda?” keddibna waxay ku noqotay degmadeedi, iyada oo waddo ama xambaarsan sheekadan(qisadan) ka yaabisay, waxayna dadki u sheegtay in meel hebel uu soo degay Shikh Weli ah, wiilkeedana tahliil u soo qoray, waxayna laba maalmood keddib aragtay calaamad ah, in willki uu sidi ka soo roonaanayo, waxayna maalinti saddexaad ku noqotay Shiikhi, waxayna u sheegtay inuu siiyo tahliishi, si wiilkeeda uu daawo uga sii helo Tahliishan.
Hooyadi mar kale waxay ku gurya noqotay degmadeedi waxay haddana dadki deegaanka u sheegtay in wiilkeedi ka reystay cudurki dhegaha ka galay oo ay in mudda ah la tacaaleysay, Shiikhaasna uu yahay Shiikh karaama badan leh ee afkiisa lala jiro.
Waabta waxay lahayd laba iyo toban irid, irid walba waxay ka dhigneed xubin ka mid ah xubnaha jirka sida Qalbiga,Dhegta,Indhaha, Beerka Iwm.
Wixi aan ku calaamadeysneyn irid gaar ah, waxay lahaayeen caalamad ay adeegsadaan shiikhana aqoonsado, sidaas wuxuu Shiikha ku ogaanayay ruuxa u yimid xubinta uu jirkiisa ka ashtakoonayo oo xanuuneyso ama ka jirran yahay.
Dadki Degmada, waa ku soo jabeen Mowlaca cusub ee Shiikhan soo degay meel u dhaw deegaanada ku xeereysan Agagaarka waabta xertan Burcadda ah.
Wuxuuna u la wada dhaqmi jiray, si aan wax badan ka duwaneyn sidi Hooyadi kow u keensatay wiilkeeda dhegaha ka sheeganayay ay ula dhaqmeen, badanaa dadki u yimid waa ka reysteen jirrooyinka ay ka sheeganayeen ,wuxuuna ruux walba Tahliil uga shubi jiray mid ka mid ah Ashuunnada biyaha la yiilay aktiisa, ilaa Aakhirki ama ugu dambeyn uu Mowlaca yimid wiil Hooyadiis oo in badan jiranayd wado, meel kastana la geeyay, wax haayana la aqooni waayay, Wiilki kolki uu soo galay Waabta, durbaba Shiikha ayaa u sheegay in Hooyadiis ay ka sheeganayso Beerka, wuxuuna siiyay Tahliil. Wuxuuna ku yiri toddoba maalin keddib “Hooyada noo keen”, haddii Eebbe idmo waa ku reysanysaa Tahliishan.
Wiilki inta uu Shiikha la joogay waa aamusnaa, mana hadlin, lamana aamusneyn in uu la yaabay Karaamda Shiikhan, bal wuxuu la aamusnaa in uu soo xasuustay in Shiikha iyo midka iridka waardiyaha ka ahaa ay wada dhigan jireen fasalka koowaad ee dugsiga sare, keddibna uu isaga waxbarashadiisa u soo bedashay gobalki ay reerkiisa deganaayeen. Wiilkan waa aqoonsaday Xertan, wuxuu arrinti u sheegay walaalkii oo Sarkaal ahaa, kana tirsanaa guuta ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo saldhig ku lahayd deegaankaas.
Sarkaalkina wuxuu dhacdadan ku wargeliyay, ciidanka nabadsugidda ee gobalkaas, Ciidanka nabadsugida baaritaan, wardoon iyo xuuraansi badan keddib waxay hubsadeen in raggan aynan shaqo ku lahayn Diin, balse ay ahaayeen dhallinyaro caqligooda u adeegsatay furashada ama dhaca dadka jilcan oo dhegaysiga iyo rumeynta Beenta u nugul.
Wiilashan afarta ahaa waa la xiray, waxayna dadka deegaankaas dhac ku haayeen ku dhawaad laba sano, waxaana loo soo gudbiyay Xabsiga dhaxe ee Muqdishu, waxaana dacwadooda qaaday maxkamadda Badbaadada ee Somalia, waxaan mar uu qaadigi maxkamadda weydiiyay kabiirki dhallinyarada ama matalayay in uu Shiikh yahay, “Maxaa idinku qaaday arrintan?”, wuxuu ku jawaabay Shiikhi ” Dadka Waa u Jilcan Yihiin inay Beenta Rumeystaan, taana Shaydaanka waa u daawo”, sidoo kale Shiikhan burcadkaa wuxuu maxkamadda ka sheegay sababaha ay dadka badanaa u reysanayeen in ay ahayd, in dadka aaminsanaayeen in tahliishaas in ay daawo u tahay, sidaa darteedna, Allah wuxuu siin jiray sida ay jecehashaay niyadooda, qadarkana uu sidaa ahaa, laakin wuxuu yiri “annaga wax jirro ah ma daaaweyn, wax aan gacanta ku heynana ma jirin oo aan ahayn Been, wiilashi waxaa lagu kala xukumay lix sano ilaa Toban sano xarig ah.
La soco q.xigta
W/Q. Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)


