YAA KA DANBEEYA OLOLAHA: W-Q : Maxmud Adan Jaamuus

Yaa ka Danbeeya Ololaha Ragga iyo Dumarka Soomaaliyeed isku

Diraya, oo Dumarka Soomaalida ku Dhiirigelinaya in ay Nimanka

Shisheeyaha Doontaan.

Waxaa qoray; Maxmuud Aadan Jaamuus

Dhawrkii maamlmood ee la soo dhaafay, waxaa baraha bulshada,

gaar ahaan Twitterka (haddeer, X) Soomaalida ku jirtaa ka doodeysey

film ay wada sameeyeen laba gabdhood oo Soomaali ah oo ay niman

shisheeya ahi qabaan. Labada gabdhood oo kala ah Ramla, oo ah

gabadha fedhyahannadda ah iyo Sabriin oo uu qabo Ninka Filimada

sameeya ee Idiris Alba. Filimku wuxuu ku saabsan yahay hooyo

Soomaaliyeed oo single-mother ah oo nin Jamaykaan ah keensatay.

Ninkii Jamaykaanka ahaana noqday nin aad uga fiican ninkii

Soomaaliga haa oo caruurteeda aabaha u ahaa.

Soomaalidu waxay filimkan u aragtay inuu qayb ka yahay olole

dumarka Soomaaliyeed ragga shisheeyaha ah loogu xayeysiinayo.

Haddaba aad ayaa Soomaalidu arrinkaas uga falceliyeen iyaga oo

tilmaamaya khatarta bulshada Soomaaliyeed lagu wado oo ololahaas

ku hoos jirta.

Ololahani Ma Aha Kii Ugu Horreeyey

Ololahani wuxuu beddeley olole ka horreeyey oo natiijadii laga rabey

aan laga gaarin. Ololahaasi wuxuu qayb ka ahaa magac xumaynta

Islaamka lagu wado. Waxaana Islaamka lagu eedeynayey inuu dumarka

xuquuqdooda duudsiyo, ninka Muslinka ahina uu yahay arxanlaawe

dumarka u daran, arrinkaasna ay diinta Islaamku sababtiisa leedahay,

gaar ahaan Kitaabka Quraanka ahi. Waxaa guud ahaan dumarka

Muslimiinta ah loogu tiraabayey in ay Islaamka ka tagaan ama ay in

badan oo ka mid ah aaney ku dhaqmin si ay xor u noqdaan. Haddaba

ololahaas natiijadii laga filayey lagama gaarin. Ma ay dhicin in dumar

boqollaal kun ahi ay hadhcad Islaamka ka baxaan oo ragga Muslinka ahka cararaan. Ma dhicin burburkii la rabey inuu mujtamaca Islaamka ku

dhaco. Waxaaba aad u tira batay dumarada reer galbeedka ah oo diinta

Islaamka soo gelaya oo xijaabka qaadanaya.

Wejiga Cusub ee Ololahan Islaamka laguma Weeraryo

Haddaba, dadka qorshahaas ka danbeeyaa ma quusan. Halkii uu olole

guud oo dumarka Muslimiinta ah lagu beegsanayo ahaa, waxaa loo

beddeley mid TAFAARIIQ ah. Waxaa loo beddeley olole aan haddeer

bulshada dhanka Islaamka laga marayn, hase yeeshee ujeedada laga

leeyahay aaney is beddelin. Waa in dumarka iyo ragga muslimiinta la

isku diro oo bulshada Islaamka loo burburiyo. Qorshahan cusub

waxaa muuqata in bulshada Muslinka ah waddan waddan loo

beegsanayo. Gaar ahaan waddamada dagaalka sokeeye burbur

baahsan bulshada ku keenay.

Sidee Ololahani uga Socdaa Soomaalida Dhexdeeda

Marka aynu xaaladda Soomaalida falanqeyno, ololahan lafdhabartiisu

waxa weeye in ragga Soomaaliyeed la magac dilo oo laga dhigo wax

ma tarayaal aan meelna ku fiicanay. Ololahan waxaa qayb weyn ka ah

galmada (seks). Waxaa la adeegsanayaa ‘psychology), cilmi nafsi.

Ololahan waxaa safka hore kaga jira dumar Soomaaliyeed oo aan

aaminsanahay in ay iyaga qudhoodu dhibane (victim) u yihhin

ololahan, hase yeeshee aan fahamsanayn.

Inkasta oo haddaba ninka Soomaaliga ah la magac dilayo, haddana

cidda loo dan leeyahay waa dumarka Soomaaliyeed. Waxaa la rabaa

in dumarka Soomaalidu aaminaan in ninka Soomaaliyeed sidiisaba

nin xun oo wax ma tare ah yahay. Lana gaarsiiyo in ay psychology

ahaan ku qancaan in ay ninka shisheeye ah u baahanyihiin, si ay

markaa u fududaato in ay isaga raacaan iyaga oo aan akhlaaq, diin iyo

wax kale toonna xeerinayn ’easily available for the ajnebi’

.Haddii qofku dhegeysto dumarrada Soomaaliyeed oo baraha

bulshada ololahan safka hore kaga jira, iyaga oo dabcan aan

fahamsanayn, waxay aad xoogga u saaraan galmada (seks). Waxana

aad mooddaa in la rabo in haweenta Soomaaliyeed lagu qanciyo in

waxa nolosha ugu muhiimsan oo ay u baahantahay ay galmo tahay,

ninka ay galma wanaagsan ka heli kartaana uu ninka shisheeyaha ah

yahay.

Saamaynta uu Ololahani Dumarka Soomaalida ku Yeeshay

Meelaha laga arki karo saamaynta uu arrinkani ku yeeshan dumarka

Soomaaliyeed waxaa ka mid ah baraha bulshada. Waxaa lagu arkaa

gabdha Soomaaliyeed oo ku faanaya ninka ajnebiga ah oo ay la nool

yihiin. Waxaa ka muuqata gabdhahaas dareen farxadeed iyo in ay

martabad gaareen. Dareenkaasi ama dhab ha ahaado ama iska

keenkeen ha ahaadee.

Waa Maxay Magaca ay Dumarka Soomaaliyeed Arrintan ka

Dhaxleen

Horta waxaa aadu muhiim ah in la tilmaamo in dadka ololahan

riixayaa aaney dan iyo heella toonna ka lahayn haddii arrinkani magac

xumo u keeno dumarka Soomaaliyeed iyo haddii aanu u keenin

toonna. Waxaaba dhici karta in ay magac-xumada uu arrinkani

dhaxalsiiyo dumarka soomaaliyeed ay qayb ka tahay burburinta

bulshada Soomaaliyeed.

Waxaase dhab in arrintani dumarka Soomaaliyeed dhaxalsiisey

magac-xumo ay ku dhex yeeshaan nimanka shisheeyaha ah iyo ragga

Soomaaliyeed labadaba dhexdooda. Gaar ahaan ninmanka

shisheeyaha ahi waxay gabdhaha Soomaaliyeed ka aaminsanyihiin

‘easily available’’

. Xitaa kuwa muslimiinta ah dhexdooda. Waxayna

saamayn ku yeelaneysaa sida ay nimankaasi ula dhaqmaan

dumarkaas haddiba ya wada noolaansho dhex marto. Sannadka 2025waxaa dhacday in ilaa shan dumar ah oo Soomaali ah nimankii

ajnebiga ahaa oo ay la noolaayeen dileen. Waxaa jira hooyo single

mother ah oo nin shisheeya ah oo ay keensatay uu gabadheedii da’da

yarayd in mudda ahba kufsanayey. Waxaa dhacday in gabdha

Soomaaliyeed oo niman Jamaykaan ah saaxiib lahaa ay nimankii

Jamaykaanka ahaa inta ay Jamayka geeyeen, soo noqodkii daroogo

shedadaha ugu soo dhex qariyeen oo inta la qabtay xabsi lagu

xukumay. Waxyaabahaas oo kale rag Soomaaliyeed oo ku kacaana

waa jiraan. Hase yeeshee waxa dhibaatooyinkaas ay ninmanka

shisheeye dumarka Soomaaliyeed u geystaan muujinayaan in

barwaaqada gabdhaha Soomaaliyeed loogu sheegay in ninmanka

shisheeye ka heli doonaan ay been abuur tahay.

Gebagebo.

Waxaan gabdhaha Soomaaliyeed ku leeyahay, Bani-aadam waa bani-

aadam. Xumaanta iyo samaantana bulshooyinka waa laga wada

helaa. Waxaa asal ah diinta, mabda’a, akhlaaqda. Nin aan kuu furi

doonini yaanu kuu

SHEEKOOYIN