Bad Jaceyl Badanaa
Jacaylka dhabta ahi muuqaal kuma koobna, qalbiga ayuu degaa, waqtiguna ma tirtiro, halkaan waxaan idinkula wadaagayaa dood kulul oo aan waxba la isku reeban oo dhex martay lammaane ku dayasho mudan.
Waxaa hadalka bilaabeydo Samiiro:
Samiiro: Gacaliye, su’aal ma ku weydiin karaa?
Samiir: Dabcan, macaanto, i weydii.
Samiiro: Haddii reerkaagu aysan aniga i jeclayn, maxaad samayn lahayd?
Samiir: Maxaad sidaas u weydiinaysaa?
Samiiro: Su’aasha kaliya iiga jawaab.
Samiir: Marka hore waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado sababta aysan kuu jeclayn.
Samiiro: Haddii aysan haysan sabab macquul ah?
Samiir: Markaas ra’yigoodu waxba kama beddeli karo dareenka aan kuu qabo.
Samiiro: Marka aniga ayaad i dooran lahayd?
Samiir: Arrintu ma aha inaan dhinac doorto, ee waa inaan caddaalad sameeyo.
Samiiro: Hagaag, laakiin haddii ay kugu yidhaahdaan iga tag?
Samiir: Talo way i siin karaan, laakiin go’aannadayda iyagu ma gaadhi karaan.
Samiiro: Xitaa haddii ay dhibaato idinka dhex abuurayso adiga iyo reerkaaga?
Samiir: Haa.
Samiiro: Waxaad ka dhigaysaa arrin aad u fudud.
Samiir: Ma aha mid fudud.
Samiiro: Haddaba maxay dad badani uga tagaan xiriirkooda jacaylka marka cadaadis qoysku ku yimaaddo?
Samiir: Sababtoo ah dadka qaar waxay u arkaan inay ka fududahay inay niyad-jabiyaan qofka ay jecel yihiin, intii ay niyad-jabin lahaayeen dadkii soo koriyey.
Samiiro: Marka reerkaaga ayaad iga doorbidi lahayd inaad ka xanaajiso?
Samiir: Waxaan ka xanaajin lahaa qof kasta oo iga doonaya inaan ka tago qof si wanaagsan iila dhaqma.
Samiiro: Ka warran haddii ay kuu sheegaan inaanan kugu filnayn?
Samiir: Waxaan weydiin lahaa waxa ay uga jeedaan qof kugu filan.
Samiiro: Haddii ay bilaabaan inay ceebahayga iyo qaladaadkayga mid mid u taxaan.
Samiir: Waxaan u sheegi lahaa inaan anigu qaladaadkaaga kava aqoon badanahay qof kasta.
Samiiro: Runtii ma taqaan iimaheyga?
Samiir: Dabcan waan aqaan.
Samiiro: Haddaba maxaad weli ila joogtaa?
Samiir: Sababtoo ah waxaan jeclaaday qof dhab ah, ee ma jeclaan qof kaamil ah oo aan qalad lahayn.
Samiiro: Taasi waa jawaab khatar ah.
Samiir: Maxaa khatar dhigaya?
Samiiro: Waayo hadda su’aal kale ayaan ku weydiinayaa.
Samiir: I weydii.
Samiiro: Ka warran haddii maalin maalmaha ka mid ah aad la kulanto haweeney iga qurux badan?
Samiir: Waxay u badan tahay inaan la kulmo.
Samiiro: Maxaad tidhi?!
Samiir: Dunidan waxaa jooga malaayiin haween ah oo kaa qurux badan.
Samiiro: Waa hagaag, aad baad u mahadsan tahay!
Samiir: Bal aan hadalkayga dhammeeyo.
Samiiro: Waan ku dhegeysanayaa.
Samiir: Quruxdu waa waxa ugu fudud ee la heli karo.
Samiiro: Maxaad uga jeeddaa?
Samiir: Waji qurux badan wuxuu soo jiidan karaa indhahayga, laakiin qalbigaaga ayaa ah waxa igu haya inaan kula sii joogo.
Samiiro: Marka waxaad leedahay…?
Samiir: Waxaan leeyahay, kugulama aanan joogin sababtoo ah waxaad tahay haweeneyda ugu quruxda badan dunida.
Samiiro: Haddaba maxaad iila joogtaa?
Samiir: Sababtoo ah marka noloshu adkaato, quruxda wejigu mar walba kuma siin karto qalbi-dejin iyo garab istaag.
Samiiro: Haddaba maxaa ku siin kara?
Samiir: Qofka dhinacaaga fadhiya, gacantaada haya, kuna xusuusinaya inaadan keligaa ahayn.
Samiiro: Taasi miyaa jawaabtaadu?
Samiir: Waa jawaabtaydii weligeedba.
Samiiro: Kaalay halkan.
Samiir: Maxaa jira?
Samiiro: Waayo mararka qaarkood waxaad tidhaahdaa erayada aan u baahanahay inaan maqlo.
Samiir: Mararka qaarkood oo keliya miyaa?
Samiiro: Ha isku dayin inaad nasiibkaaga tijaabiso oo aad buur isa saarto.
Samiir: Waa hagaag.
Samiiro: Hal su’aal oo kale ma ku weydiin karaa?
Samiir: Waxaan ogaa inay mid kale soo socoto!
Samiiro: Ka warran haddii maalin maalmaha ka mid ah aan isbeddelo?
Samiir: Sidee ayaad isu beddelaysaa?
Samiiro: Ka warran haddii aan daalo, quruxdaydii yaraato, oo aanan mar dambe u ekaan sidii aan maanta ahay?
Samiir: Taasi waa qayb ka mid ah nolosha.
Samiiro: Runtii ayaan ku weydiinayaa.
Samiir: Aniguna si dhab ah ayaan kuugu jawaabayaa.
Samiiro: Ka warran haddii aanan mar dambe u ekaan haweeneydii aad markii hore jeclaatay?
Samiir: Taasi macquul ma aha.
Samiiro: Maxaa ka dhigay wax aan macquul ahayn?
Samiir: Sababtoo ah haweeneyda aan jeclaaday kama koobna weji iyo muuqaal oo keliya.
Samiiro: Waa jawaab qurux badan.
Samiir: Waa runtaa.
Samiiro: Dadka badankoodu marka hore muuqaalka ayay ku soo jiitaan.
Samiir: Waa run.
Samiiro: Haddaba maxaa dhacaya marka quruxdaasi is beddesho oo ay gabowdo?
Samiir: Markaas ayaad ogaanaysaa inuu jacayl dhab ahi jiray iyo inuu ahaa soo jiidasho muuqaal oo keliya.
Samiiro: Ka warran haddii uu ahaa soo jiidasho keliya?
Samiir: Ma sii jiri karo marka waqtigu tijaabiyo.
Samiiro: Laakiin jacaylka dhabta ahi ma sii jiraa?
Samiir: Jacaylka dhabta ahi waqtiga ayuu la sii xoogaystaa.
Samiiro: Xitaa marka wax walba is beddelaan?
Samiir: Gaar ahaan marka wax walba is beddelaan.
Samiiro: Ma ogtahay waxa qosolka leh?
Samiir: Waa maxay?
Samiiro: Markii ugu horraysay ee aan is barannay, saacado ayaan ku qaadan jiray inaan isku diyaariyo si aan kuugu muuqdo qof aan ceeb lahayn.
Samiir: Waan ogahay.
Samiiro: Sidee ku ogaatay?
Samiir: Sababtoo ah mar walba waad soo daahi jirtay!
Samiiro: Alla! Haddaba haddii aan is beddelo maxaa dhacaya?
Samiir: Aniguna waan is beddeli doonaa.
Samiiro: Ka warran haddii maalin maalmaha ka mid ah labadeenuba aynaan u ekaan sidii aan maanta nahay?
Samiir: Markaas waxaan noqon doonnaa laba waayeel ah oo isla fadhiya, kuna murmaya midka kan kale jacaylkiisu badan yahay.
Samiiro: Anigaa guulaysanaya!
Samiir: Fursad ma lihid!
Samiiro: Aad baad isugu kalsoon tahay.
Samiir: Sababtoo ah go’aan ayaan hore u gaadhay.
Samiiro: Waa maxay go’aankaasi?
Samiir: Kuma jeclaanayo jacayl xilli kooban oo keliya.
Samiiro: Haddaba intee in le’eg?
Samiir: Inta ay noloshu ii saamaxdo inaan kula joogo.
Samiiro: Taasi waa waqti dheer.
Samiir: Weli kuma filna.
Samiiro: Mar walba waxaad i taabataa merlo halis ah oo iga ilmaysiiso.
Samiir: Waa hagaag.
Samiiro: Maxaa ku farxad gelinaya?
Samiir: Sababtoo ah mar kasta oo aan arko dhoolla-caddayntaadaas, waxaan xusuustaa sababtii aan markii ugu horraysay kuu doortay.
Dhammaad:
FG: Jacaylka dhabta ahi ma aha inaad hesho qof weligiis dhallinyaro ahaanaya, quruxdiisu aanay is beddelayn, ama aan lahayn wax qalad ah.
Waa inaad hesho qofka aad doonayso inuu qalbigaaga ku sii jiro xilli kasta oo noloshaada ka mid ah.
Quruxdu way ku soo jiidi kartaa, laakiin dabeecadda wanaagsan ayaa ku haysa.
Muuqaalku wuu is beddeli karaa, duruufuhu way adkaan karaan, qoysaskuna way kala aragti duwanaan karaan, balse jacaylka dhabta ahi wuxuu ku dhismaa daacadnimo, is-faham, ixtiraam, dulqaad iyo ballan-qaad.
Ha ku jeclaan qof muuqaalka uu maanta leeyahay oo keliya, ee ku jeclow qofka aad weli u dooran lahayd marka waqtigu wax walba beddelo.
Abka Xaaji Qalin-Weyne


