Dhadhanka walaalnimada:
Muscab iyo Mucaad ma ahayn oo keliya laba wiil oo walaalo ah; waxay ahaayeen laba qalbi oo isku si u fakara, oo naxariista biyo degtay, dhiiggooduna isku shaqeeyo.
Dadka xaafaddu waxay ku tilmaami jireen “Far iyo Faraanti” waayo yaraantoodii waxay ku soo barbaareen jacayl, isku duubni iyo is-garab istaag. Inkastoo waalidkood geeriyoodeen iyagoo weli da’yar, haddana waxay nolosha u sii wateen wadajir, geesinimo iyo isku kalsooni. Biyo kama dhibcaan ah.
Markii ay weynaadeen, Muscab wuxuu noqday dhaqtarka xanaanada xoolaha, halka Mucaad uu noqday injineer beeraha. Labadooduba way guursadeen, carruur bay yeesheen, waxayna degeen laba guri oo iska soo horjeeda, sida ay noloshoodu hore ugu ahayd laba dhinac oo is taageera, marna hoos igama dhicin in ay kor u kacdo mooyee.
Murankii Kala Fogeeyay Walaaltinimada
Hase yeeshee, maalin ka mid ah maalmaha caadiga ah, muran yar ayaa ka dhex qarxay. Muran kaas oo si degdeg ah u xargo goystay ilaa ay derisyadu dibadda ugu soo baxeen. Dadku waxay isku dayeen inay u caqli celiyaan, laakiin labadii walaal dheg uma dhigin oo waa ku diideen.
Maalmo ayaa isu beddelay toddobaadyo, toddobaadyo waxay isu beddeleen bilo, ugu dambaynna sannado. Salaan ma aysan is dhaafsan, jirin, waji gabax diidmo mooyee wax kale ma jirin. Carruurtoodiina waxay bilaabeen inay ka dhaxlaan culayskii iyo kala fogaanshihii waalidkood oo islama cayaaraan mana is walaashadaan. Nin walba wuxuu fuulay “raar dheer”, mid walbana wuxuu moodayay inuu saxan yahay.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Muscab magaalada nin kula dagaallamay, si xunna u garaacay. Ninkaas oo la oran jiray, Cabdi Kuus nin xaafadda laga yaqaanay oo edeb-darro iyo qalqal gelinta bulshada ku caan baxay qofkii uu u arko inuu ka awood roon yahay waa uu faduulin jiray.
Habeenkii dambe ayuu Cabdi Kuus yimid guriga Muscab, isaga oo ay la socdeen afar nin oo kale.
Cabdi Kuus wuxuu ogaa in Muscab hal walaal leeyahay, isla markaana uu walaalkii muddo dheer la dirirsanaa. Wuxuu u qaatay in fursad heysto uu uga aar guto.
“Soo bax haddii aad nin rag ah tahay!” ayuu ku qaylinayay bannaanka guriga Muscab Cabdi Kuus.
Muscab markii uuarkay duullaanka waa uu ka labaolabeeyay inuu u babac dhigo laakiin waa dani tiri meel uu ku waabto ma joogin oo golihiisii baa loogu yimid.
Dhanka kale Mucaad wuxuu ka daawanayay dhacdada irridda gurigiisa isagoo shaah cabaya. Cuqdaddii sannadaha ahayd ayaa qalbigiisa ka guuxaysay.
“Cadowgaagii maanta ayuu wadkiis galay,” ayuu hoos iskula hadlay.
Mucaad Xaaskiisa Ilwaad ayaa si adag ugu soo hor jeesatay, waxayna ku tiri:
“Hooge, miyaadan u hiilineyn walaalkaa?”
Mucaad wuxuu ku jawaabay cod qallafsan oo xanaaq ka muuqdo:
“Walaaltinimadeennu mar hore ayay dhimatay. Dan kama lihi waxa ku dhaca.”
Ilwaad ayaa istaagtay iyadoo indhaheedu ololayaan, dibnaha qaniineysa nolosha ku soo koobantay Waxay tiri:
“Ma maanta oo kale ayaa cuqdad la isku qabsadaa? Wacad baan ku maray inaan dumaashigay iyo carruurtiisa hortayda lagu dhibaateyn.”
Waxay qaadatay ul weyn oo ay bannaanka ula carartay.
Carruurtii Mucaadna mid walba wuxuu soo qaatay wixii uu heli karay, hooyadood ayeyna daba galeen.
Markaas ayuu Mucaad gartay inuusan meel dambe ku haro jirin, sidaas darteedna isaguna wuxuu soo qaatay ushiisii oo bannaanka u baxay.
Macaanka Walaaltinimada.
Markii Muscab arkay qoyska walaalkii oo garab taagan, qalbigiisa waxaa soo galay awood cusub cabsidii waa ka haadday Mucaadna markuu hortiisa istaagay, sannadihii xanafta iyo aamuska ahaa hal daqiiqo ayay ku burbureen.
Cabdi Kuus iyo nimankii la socday markay arkeen safka dheer ee qoyska isu taagay, geesinimadii way ka baxday Iyagoo dib u guranaya ayay baxsadeen cCowrslooy cago ayaa ku dhacday.
Markii colkii cararay, Muscab iyo Mucaad halkaas ayay isku habsiiyeen. Mid walba midka kale ayuu raalli gelin siiyay Ilmada ka qubanaysay wejiyadooda waxay ahayd tii walaaltinimo oo sannado qarsanayd, wixii horena halkaas ayay ku dhammaadeen, dib-u-heshiisiin dhab ahna waa ay dhalatay xalay dhallay baa laga noqday.
Dulucda Sheekada
1. Walaalo is neceb waa xoolo yareeyaan waana xabaalo badiyaan, waxayna keeni karaan burbur iyo kala fogaansho.
2. Walaaltinimo iyo wadajir waa awood aan wax lagu beddeli karo jirin.
3. Waxa ugu qaalisan ee la dhiso waa xiriirka dadka.
4. Cadow dibadda ka yimid waxba kuma yeeli karo haddii gudaha la isku hayose waa sahlan tahay in lagu wiiqo.
5. Soomaali waxay wadaagaan af, diin iyo dhaqan, balse kala shaki ayaa dib u dhigay.
6. Dalal badan oo kala duwan ayaa nabad ku wada nool.
casharka aan halkaan ka baran karno waa wadajir iyo kalsooni in hurumar lagu gaaro.
*Dhiiggu waa dhaxal; muranku waa marti. Walaaltinimada haddii ay dhaawacanto way bogsan kartaa, balse haddii la dayaco, qoys dhan ayay dhaawacdaa.”
W-Q: Abka Xaaji Qalin-Weyne*



