Fallanqayn kooban Buugga Doodda Diinta iyo Dowladda W/Q. Xuseen M. Cabdulle (WADAAD)

Fallanqayn kooban Buugga Doodda Diinta iyo Dowladda

Buugga, waxa qoray aqoonyahan/Siyaasi/Mufakir/Falanqeeye iyo Naaqid Danjire Doodishe.

Buugga waxa uu ka koobmaa 137 bog.

Jaldiga Buugga, sawir ma saarno. Waa Madow iyo Jaalle, farta ku qoranna ay tahay Madow iyo Caddaan oo aan u fasiran karno in ay tahay aragti, marka aad fiiriso cinwaanka buugga. Aragtiduna ma lahan sawir iyo hummaag muuqda, sidaa darteed ayay ila tahay in loo doortay sawir la’aanta iyo Madowga iyo caddaanka oo ka tarjumayo labada aragtiyood ee uu sida mugga leh buugga u gudbinayo, kuwaas oo aad arkayso kolka aad buugga dhex maquuranayso.

Fasiraadda cinwaanka buugga, waxa si qurxoon saafan oo waafi ah u qeexay qoraaga, waxa aad eegtaa bogga 9 – 13.

Dhabarka buugga, waxa aad ugu imaanaysaa nuxur shaandhaysan oo saran kuna saabsan buugga.

Buugga, waxa uu ku bilaabanayaa GOGOLDHIG oo uu qoruhu nooga dhigay: Inta aadan bilaaban akhrinta Buugga. Waa cutub si fiican kuugu iftiiminaya waxa qoraha ku riixay qoridda buugga iyo waxa ku xeeran buugga laftiisa, sida buugaagta caadiga u ahna ah Albaabka laga galo aqrinta buugga ama buugta.

Waa qayb si qurxoon kuu soo jiidaysa, fartana kuugu sii fiiqayna in aad baalasha sii kala furto, si aad uga gun gaarto mucda laguu tolmaamay.

Buugga, waxa uu u qaybsamaa laba qayb oo kala ah: Hordhac oo isaga ay hoos imaanayaan cinwaanno kala duwan oo muhiim ah, waxa uu ka bilaabanayaa bogga 14aad – 62aad. Waxa hoos imaanayo lix cutub oo muhiim ah.

Qaybta kale ee furaha u ah buugga, waxa ay ka bilaabanaysaa bogga 63aad iyo cinwaanka (Qoraaga Buugga) oo ah buugga uu qoruhu faaqidayo wax badanna innaga tusayo, waa qaybtan midda aan is leeyahay waxa ay ka tarjumaysaa cinwaan yaraha buugga ee ah Aw Muuse iyo taariikhda baraarugga Islaamka Soomaaliya.

Buugga Danjire Doodishe, ma ahan buug halxiraale ah oo aan furfurayno, balse waxa ay ila tahay in uu yahay mid aan wax ka baranayno, balse aan isku dayno in aan wax ka niraa, maxaa ku riixay in Danjiruhu uu qalinka u qaato in uu mowduucan wax ka qoro. Inkasta oo uu noo sheegay, dibna noogu sheegi doono, haddaba waxa ay ila tahay, waxa u muuqday in ummaddiisu ay ku jirto dhibaato dalambaabi iyo habaaw  ku salaysan aragti.

Aragti la’aantuna, waa midda horseedda halaagga iyo dib u dhaca.

Aragtiyuhuna sidoodaba sida aad la socotaan waxaa laga soo maray dhibaatooyin badan, welina xal waara looma helin, si gaar ah midda uu qalinka u qaatay ee ah cinwaanka buugga. Waxaana kol walbaaba muhiim ah in aragtidu ay ka horreyso falka, falkuna uu daba socdo aragtidaa la tashiilay. Waana ta soomaalidu tiraa ”Intaadan falin ka fiirso”.

Dr. Doodishe, waxa uu falanqeeyay Buugga Aw Muuse, meelo gaar ahna farta ku goday, laakiin ujeedka waa ka qota dheeryahay falanqaynta buuggaa AwMUUSE, balse waxa uu ka dhigtay marin uu u sii maro rabta uu ku socday, maankana ku hayay oo ahayd, xaggee sartu ka quran san tahay oo arrinka iska qaban la’yahay? Waa kolka ay timaad doodda cinwaanka buugga. Middaas oo ah mid adag, aqoonyahanka iyo mufakiriinta badankood ay dib uga durgeen ayuu is yiri ku dhiirro, kuna dhiirraday in uu soo jeediyo, naguna dhiirrigeliyo in doodahaas laga doodo la qoro, la falanqeeyo, ugu dambaystiina kolka la shaandheeyo laga soo saaro miid ummaddan anfacaysa oo ay aakhirka ka harqato, kuna hagta dhabbaha horumarka iyo guusha.

Buugga, waxa aan ka arki karnaa taariikhaha fog ee laga soo maray fikirka aragtida siyaasadeed guud ahaan, ha noqoto midda bidixeed ama midigeed ama xitaa abuurankii xarakaadka islaamiga.

Buuggu, waxa uu si mug leh u tilmaamayaa isbeddeladii siyaasadeed ee dowlad-dhiska islaamiga xilliga uu soo bilowday dhimashadii nebi Muxamed NNKHA kaddib, weliba xilligaa ka dambeeyay khilaafada, iyo wixii dhacay iyo aragtiyihii kala jiidashada iyo wixii dhacay.

Docda kale, waxa uu buuggu tilmaamayaa aragtiyaha kale ee sida midda diinta,  iyaguna saamaynta nagu yeesheen, waxa uu xusayaa aragtiyaha bidixda oo aan kol si wayn ugu janjeersannay iyo halkii ay ku dhamaatay.

Waxa aan buugga ka baranaynaa, aragtiyaha sida wayn uga hirgalay waddamada carbeed ama dunida islaamka wixii ka dambeeyay bilowga dowlad-dhiska casriga ah. Ka xuroobiddii isticmaarka iyo gadaashii kacdoonnadii ama inqilaabyadii ciidamadu kula wareegeen xukunnada dowladihii rayidka ahaa ee xukunka kala wareegay gumaystaha oo aan ka xusi karnaa kuwii Dubaad al-axraar ee xukunka ka xoogay Boqor Faaruuqii Masar 23kii Lulyo1952di iyo bilashadii fikirka Qowmiga ee mandiqada ka curtay.

Waxa ay ila tahay sida uu buuggu, i noo tilmaamayo fikirka ah in dowlad-dhiska sal looga dhigo diinta, waxa ay ka bilaabanaysaa bilawgii curashada dawldnimada soomaaliyeed 1960kii, kaddibna waa midda sii fidday oo ilama maanta farqaha la isku haysto.

Buugga, waxa uu faaqidayaa xarrakaadkii diiniga ahaa ee dalka ka hana qaaday, isaga oo na tusaya mudakarada(Xusuusqorka AwMuuse), kaas oo aan si wayn uga arki karno xarrakaadkii ama dhaqdhaqaaqyadii diiniga/siyaasiga ahaa ee dalka ka bilowday, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen: Xarakatul NAHDA, Xisbiga Allaa Wayn iyo Dhaqdhaqaaqa dhallinyarada Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Sh. M. Ciise Guduri, Aw Muusena ka midka ahaa.

Kolka aan dhuganno halkaas, waxa aan ka baran karnaa farqiga u dhexeeyay saddexdaa urur siyaasad/diineed iyo waxyaabaha ku xeernaa xilligoodaas.

Dhinaca kale lafteeda, waxa buuggu uu si dadban i noogu ifinayaa dhaxalkii aan ka helnay Hantiwadaaggii cilmiga ku dhisnaa aan qaaddanay bilowgii 70aatanki.

Waxa aan qabaa, aan buugga aqrinno, diiradda saarno kolka aan aqrinayno innagoo dhiirran, kaddibna doodahaas si cilmiyaysan aan u faaqidno, maxfallada aqoonta iyo cilmi baarisyadana ku darno, waa hubanti in kolka dambe inta cabsida naga harto ay ka soo bixi doonto aragti toolmoon oo loo aayo, waana halkaas ujeedka qoraaga.

Gabagabo:

Buugga doodda Diinta iyo dowladda, ma ahan buug tororog cidlaa oo la iska xarxarriiqay, balse waxa uu leeyahay caddaymo iyo tilmaamo muujinaya in uu yahay buug si cilmiyaysan loo qoray, wax badanna laga baran karo.

Waxa uu leeyahay xigashooyin sugan oo aad dib u raac ku samayn karto.

Waxa uu leeyahay waxa la yiraa (footnote) oo si qurxoon kuugu sii sharraxaya waxa qoruhu is leeyahay armay mugdi ka galaan aqristaha. Marka ay halkan joogto, waxa ila qumman in aqristaha laftiisa adeeg loo diro oo laga yareeyo fasiraadaha badan, waxa aan sidaa leeyahay aniga oo og dedaadlka iyo ku talagalka qoraha iyo qaababka qoraaleed ee caalamiga ah oo salka u ah isticmaalka footnote fara badan.

Waxa aan u hambalyeeynayaa Dr. Doodishe, waxa aan leeyahay waad nagu bar goysaye qaybaha kale noo soo dedeji.

Xuseen M. Cabdulle (WADAAD)

huswadad@gmail.com

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN