Arday iyo macalinkii
Jamaal waxa uu ahaa arday u soo tafaxeytay inuu waxbarashada Diin iyo maaddiba inuu heer sare ha gaaro, waxa uu ahaa xerow macalinkiisa u dhago nugul, u khidmeeya ilaa uu fasaxo aan meel uga dhaqaaqin, macalinkuna waa u hagar bixi jiray si walba uu ku xifdisiin karo waa ku dadaali jiray.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa si lama filaan ah macalinkiisa Macalin Axmed Shiikh aad u xanaaqay, maxaa ka xanaajiyay qof og ma jirto.
Jamaal oo ku wareersan waxa uu haleeyay baa aamusnaanta miciin biday.
Jamaal oo ahaa mid faraxsan waqtigii uu soo galayay dugsiga ayaa murugo hareysay, asagoo weli dhakafaarsan baa Macalin Axmed ku yiri: Wiiloow i dhageyso waxaan kaa doonayaa 2 sanno ee soo socota in aad adduunyada soo aragto aadna ii soo noqoto adigoo waayo arag ah.
Jamaal waa uu aqbalay amarka la dul-dhigay lugta ayuuna furay.
Jamaal waqtigaas quraanka iyo Axaadiistaba waa xifdiyay intioda badan, oo qalindaar yar baa u dhinaa waxa uu is weyddiinayaa sababta Macalin Axmed uu u doonayo inuu dunida soo arko sow lama joogin waqtigii uu dhabarka iga dharbaaxi lahaa? Alleylehe waa in aan ka salgaaro ayuu iskula showray.
Jamaal muddo labo sanno ayuu maalinba meel ka buskicinayay intaana shaqo xoogsi uu nolol maalmeedkiisa ku maareeyo ayuu fulin jiray inkastoo Jamaal nin adduunyo aheyn si uu gaajeysan waa ka yaqyaqsoon jiray inuu gacanta hoorsado sida maanta dhallinyarada ugu badan yihiin tuugsiga dadban (Shaxaadka) xooggiisa ayuu maali jiray.
Wax waqti is guraba 24 kii bilood markii uu dhammeystay ayuu macalinkiisa u laabtay.
Sida caadada u aheyd gacanta ayuu ka dhunkaday waana ag fariistay asagoo u diyaar si’aalaha wixii uu la soo kulmay inuu ja jawaabo.
Macalin baa ku yiri: Igaarkey maaddaama aad soo aragtay xaalka adduun ka jira iiga jawaab su’aashaan , Danbi muxuu yahay?
Argagax baa ku dhacay oo ma filaneyn in su’aal sidaa u fududeyn la weyddiin doono waxa uu yiri: Jamaal haddii aan isku dayo waa qof , qof kale dulmiyay ama hanti ha ka dhaco ama si uun eed u galo.
Macalin Axmed fadhiga ayuu ka istaagay waxa uuna yiri: Ma heysid jawaabta ee bax ku laabo dunida adigoo jawaabta heyna ha igu soo laaban.
Jamaal talo ayaa farihiisa ka baxday xujo ayey ku noqotay waxa uu joogaa waqtigii loo cimaamadi lahaa hase ahaatee waa ku margaday jawaabta saxdaa inuu helo.
Markaan Jamaal waxa uu soo aaday magaalooyinka waaweyn mid ka mid ah, bil baa dhaaftay, bil kale sannad baa ka tegay weli waxba uma kordhin, asagoo wuus joogo ayuu maalin maalmaha ka mid ku hakaday guri ka mid ah guryaha Xaafadda wax uu meesha iska fadhiyo uu dhaqdhaqaaqa dadka isha la raaco gurigii uu japbeebkiisa fadhiyay ayaa gabar qurux badan ka soo baxday kolkaas bay weyddiisay maxaa meesha ku dhigay?
Waxa uu ugu jawaabay anigaa kuu sheegi doonee horta i waraabi ( biyo aan cabo i sii) deedna biyihii bay u keentay.
Markii uu biyihii dhammeystay buu ku yiri: Waxaan agay xerow (Arday) jawaab baan raadinayay igu qaadatay saddex sanno ee adigu maxaad aheyd? Sayteen waxaan ahay gabdhaha jirkooda ka ganacsada.
Inta uu aad u carooday buu yiri: Sun baad i siisay haddaan ogaan lahaa inaad noocaas biyahaa ma cabeen .
Gabadhii ku tiri: yeelkeeda waa maxey su’aasha aad jawaabta u raadineyso?
Waxa uu ku yiri: Waa maxey Danbi?
Waxa ay ku tiri: Ma intaas anigaa kuu sheegaya ee marka hore waa in aad aqalka gudihiisa soo gashaa.
Waxa uu yiri: Taasi dhici meyso in aan gurigaan nacaladdu biyo-dagtay.
Waxa ay ku tiri: magacaa. Suuye Jamaal.
Haddaba Jamaaloow jawaabta ha noo danbeysee guriga soo gal 500 doolay ku siinayaa.
Jamaal waa ka labalabeeyay waxaa u sawirmay gaajada iyo rafaadka uu ku nool yahay waxa uu iska dhaadhicay nin raggaa Alle kaa dhigay guriga gal lacagtana ka qaado ma naag baa wax ku yeeli karta waa uu ka ogolaaday.
Markii uu guriga is dhex taagay bay ku tiri 500 kale ayaan kugu darayaa haddaan cunto noo kariyo oo aan wada cuno .
Jamaal damac baa galay shan + shan wow 1,000 doolar meel cidlo ah ka qaado ahaa.
Waxa uu yiri maya maya ee 500 i sii waan sii baxayaaye
Sayteen 1500 baan ku siinaya adiga cuntada gacantaada ku karso deedna waa wada cuneynaa.
Jamaal xisaab badan baa u sawirmay markaana lacagtii baa la soo hor dhigay.
Inta aruursaday oo jeebka ku ritay ayuu jikada galay.
Kolkii uu in door ah la raftay bay ku tiri: bal fariiso anaa shan daqiiqo ka soo tuuraayo..
Gabadhii baa jikada gashay cunto caraf badan bay ka soo tuurtay oo udigeeda dhareerka aad u qubeysid.
Markii uu bilaabay inuu cuno ayey ku tiri 1500 doolar kale baan kugu daray haddaad ii ogolaato in aan afka kuu geliyo.
Jamaal na waa uu aqbalay markii uu afka saa u kala furay bay dharbaaxo indhaha goysay.
Jamaal oo ka naxay falka ay kula kacday baa ku yiri: Maxaad ii dharbaaxday? Sayteen tani waa jawaabtii aad raadineysay ee orod macalinkaaga ula noqo.
Jamaal oo aan weli fahmin gunta baa yiri: Ma dharbaaxsho?
Maya ayey ku tiri markii aad biyaha i weyddisay waxa aad aheyd nin asluub iyo qiyam leh, han sare leh markii aan kuu sheegay qofka aan ahay xataa biyihii aad cabtay baad ka shalaayday haddaba ka dib maxaa dhacay si tartiib tartiib baad sharaftaada ku iibsatay sandareero adduun haddana waxa aad tahay mid aan wax qiimo ah laheyn oo xoolahaa kaa fiican teeda kale anigu ma ihi dumarka jirkooda ka ganacsado ee sidaa waxa aan u sameeyay in aan ku tuso jawaabta aad muddo badan raadineysay.
Jamaal waxa uu u mahadceliyay lacagtii uu jeebka ku gurtayba farta ayuu ka saaray , waxa uu ku yiri Barasho wanaagsan magaceygu waa Jamaal ee adiguna magacaa?
Waxa ay ku tiri Warsan.
Jamaal ku yiri magacaagu iyo adigu waa is leedihiin haddii aad ii ogolaato waxa aan jeclaan lahaa markii aan soo qalin jabiyo in aan kula kulmo haddaad ii ogolaato si aan wax badan kaaga barto ku darsoo waxa aan ah Doob oo weligeey ma guursan.
Waxa ay tiri: Warsan hagaag aniguba weligey ma guursan laakiin hadda guur diyaar uma ihi ilaa sannadka danbe ilaa jaamacadda ka dhammeynay.
Balan adag bay dhigteen Warsan iyo Jamaal halkii ayeyna isku macsalaameeyeen.
Jamaal waa Cusub u baryay waxa uu ogaaday wax uu ogaan laheyn haddii uu agagaarka macalin Axmed joogo.
Jamaal asagoo cashar lama ilaabaan oo ay daruufuhu bareen buu ku laabtay macalin Axmed salaan kaddib su’aashii baa la weyddiiyay waxa uuna ku jawaabay malaha xun ay naftaada kuu qurxiso, waayo malaha xun waxa ay kaa dhigtaa damiirlaawe doonistiisa hoggaamiso mana jiro danbi ka weyn .
Dulucda sheekada waa mid na quseyso adiga iyo aniga Jamaal hal mar debinka kuma dhicin ee waa ku sii siqay ilaa uu gunta hoose si xowli ah ugu mirqaday.
Soomaalida waxa ay dhahaan Macsi iyo tuuggo taa-taabashaa lagu galaa.
Dhowrista sharafkaa ga waxa uu astaan u yahay in aad leedahay iimaan buuxa sidaa darteed xumaha waxaa xarig u ah xakameynta naftaada haddii ay naftaada kaa adkaato waa adduun iyo Aakhiro beel.
Waxaa jira labo sifo oo aad naftaada wadaagtaan ma jirto sifo saddexaad, labadaas oo kala ah in ay naftaada ku hoggaamiso iyo in aad hoggaamiso waa adiga iyo dooqaaga.
Sheekadan Jamaal iyo Warsan tusaale ahaan, waxaa ku qarsoon mawduucyo waaweyn sida:
- Dagaalka u dhexeeya caqliga iyo damaca.
- Xiriirka aqoonta iyo waayo-aragnimada.
- Habka uu qofku ugu siibto khaladka isagoo aan dareemin.
- Barbaarinta macallinka iyo bislaanshaha ardayga.
Abka Xaaji Qalinweyne



