Ani maansadaydaan
Murugaa u sababoo
Maqaamkuu mudnaa Cali
Ma gaarsiin ka raayee
Macallin Cali Jimcaalow
Miftaaxii aqoontoow
Mufakirkii dadkeygoow
Mowjadaha cilmiga sida
Afka muunaddiisiyo
Halmuceedka erayada
Midki marin yaqaannee
Maay iyo maxaa tiri
Dhiganiyo maqaallada
Waa hore ku muujiyoow;
Mirqiyaas hormuudow
Meecaadki guushiyo
Maareeye noloshaba
Mu’allifki qoraallada
Maskaxdiisa tuujiyay
Muhashada dareenkiyo
Moraalkaa dhisaysana
Mugdi buu dareemee
Tiiraanyo murugiyo
Mahureenno geerida
Muslin baan u nahayoo
Mabda’ Eebbe weeyaan
Aan la moodi karinee
Marku mowdku kuu yimid
Murugaan dareenne
Allow noo miciin abid.
Maanfur iba furkiisiyo
Marjac iyo aqoontiis
Mahadhooyinkiisii
Mufti caalin weeyaan
Mawi’ aan gureyn iyo
Masraxyada adduunkeey
Dhax mushaaxayaanoo
Ishu milicsataa abid.
Maalmisooyin taariikh
Murti iyo oraahyada
Malihiyo oddoroskiis
Maadiisha sheekada
Ma illoobi doonnee
Allow noo miciin abid.
Qof muraad mar soo bida
Maya maadan oran jirin
Mansab doonna maahayn
Mid maciina maatada
Manfac iyo wax duni yaal
Maankiisa ku ma jirin.
Mabda’iisu wuxu ahaa
Maqaraaruf diidnimo
Dad la maago ma oggola
Magansade cadliga fala
Macruuf buu ku caan baxay
Mintid aan baqaynoo
Dooddiisa meel adag
Muujiyay wanaag falid.
Cali inuu maqaam sare
Uga jiro maktabadaha
Madowgiyo caddaankuba
Way ka marag kacaayaan
Marla’arag inuu ahaa
Middaasa u maragfuri.
“Horizontal” ma moogiye
Mahuraanki Eenow
Qalinkiisa miidda leh
Mugi uu lahaay iyo
Ma macneeyay, Caliyow
Masna aragtidiisii
Masafadiyo jiiftada
Magaciisa ma ku laray
Mar kalana misaal wacan
Maasadii “iliidee”
Ina Cubtan hab maamuus
Meerisyada tusaalaha
Magiciisa ma ka dhigay
“The Invention” ma ku daray
“Daybreak” ma raaciyay!
Markalana maqaan sare
Madal qiimo badanoo
Laashino midoo hala
Milgo waxey u siiyeen
Maamuus haldoornimo
Farax maansadeedii
Ma daalow Jimcaalow
Marin guula baa tahay
Laashin maamulkeydiyo
Masuulkii Wadaadee
Mahad soo u muu celin.
Mawlow Ilaahoow
Allow, macallinkeennii
Marti wacan ka yeeloo
Miisaanka khayr badan
Marxuum aad u roon tahay
Micigiisa aad tahay
Midigtiisa qabo oo
Milgo jano u siiyoo
Eebbe meertadaadiyo
Mudantii Fardowsiyo
Ku manayso meel wacan
Muslixiinta wehel iyo
Anbiyada la maaxgee.




