Maansada: IILASHO

Maansadan ‘Iilasho’ waxay qayb ka Tahay maansooyinka baroordiiqda ah, ee loogu baroordiiqayo buuni Cali Jimcaale Axmad, oo geeriyooday maarso 31, 2026, Eebbe ha u raxmado. Maansada waxaa curiyey Dr. Aamina Shariif Xasan, ee ka bogasho wacan.
Buuni Ina Jimcaalow
Axmadoow abwaanoow
Abbaanoow qoraayoow
Intaad ummadda taartaan
La illoobin abidoo
Abaar iyo diraac baan
Qalinkaa engeginoo
Aqoon kordhin ku foogneyd
Taariikh awoowiye
Hooyo iyo ayeeyaad
Abtirsiin ku heysoo
Ka hadleeysay asalkoo
Anshax hoga tusaale leh
Ubad toosineeysoo
Soo abaabineeysee
Bulsho oomaneyd baad
Ku habeeysay oontiyo
Ereyada afkeennee
Ilbaxnimadii hore baad
Ku aglooshay buugtee
Ergo baad unkeysoo
Taariikho aasmaad
U aftiimineysee
Waxaad oran lahayd baa
Ku ekaa intaasoo
Amar Eebbe keenoo
Horay loo ogaayoo
Allihii abuurtaa
Nafta oofsanaayee
Ku kaxeystay eeggoo
Alxamdu Lillaahi waaye
Axmadoow carrawdaye
Aakhiro u hoyatee
Iilkaa ha nuuroo
Oofna ku ma wareemoo
Imtixaanka qabrigana
Alle kugu aflixiyaa.
Waxay talo ahaataba
Magacaaga Eebbaa
Aduuyadu ku reeboo
Howlahaaga idilkood
Ardaydii wax barataa
Dib u eegi doontoo
Kutub laga ablaalaa.
Kuwa aan ku aragoo
Weli aan imaanoo
Dhabar aabbahood iyo
Uur hooyo jiifaa
Ku ammaani doonee
Alley kuu baryaayaan
Aammiino badan iyo
Ubax iyo Qur’aan bey
Iinsha Allaahuye
Kugu Ilaxiraayaan.
Qofna la ma illaabee
Udgoonoow Rasuulkaa
Nafta laga aqbadayoo
Ajashiyo waqtiga baan
La ogaan kareeynoo
Naxariitaa Eebbaa
Sidaas noo aqooshoo
Alxamdaanu leennahay.
Waxaan nahay addoomo
Khalqigii Ilaaheey
Xaqa inaan abbarnaa
Amar nalagu siiyee
Waxaan Eebbe rabin baan
Afka soo mareeynoo
Innaa Lillaahiye
Wa innaa Ileeyhi
Raajicuun
Ku afjaray warkeegii.
Dhammaad.
Aprile 02, 2026
Dr. Amina Shariif Xasan



