KALA ARAGTIDUWANAAN  Q. 3aad  Xuseem M. Cabdulle (WADAAD)

KALA ARAGTIDUWANAAN  Q. 3aad  Xuseem M. Cabdulle (WADAAD)

Haddaba, si loo xaqiijiyo himilooyinka iyo ujeedkaa fog ee hadafkiisu yahay in uu mirodhalo xaqiijintiisa, maxaa bud-dhig u noqon kara?

Su’aashu, mug waa mid fudud oo ku soo bood looga jawaabi karo, mar kalena waa ka kakan tahay waxkastoo adag.

Waxaa la rabaa in la wadajiro, iyada oo isku aragti la yahay, la islana jaan qaado. Milay kalena waxaa la rabaa in wax la isla himliyo iyada oo la kala aragti duwan yahay. Hadda, garo oo yaanay kaa hoos bixin halkaan malaha hoos gelis ayaa ku jiro oo garashadeeda adiga uun laguu hambeeyay.

Waxa loo socdaa oo loo ruclaynayo waa in la gaaro bartilmaameed aan inta wada socotaa u wada muuqan. Qolo waxa ay u aragtaa in la daba socdo dhaan dabagaalle, qola kalena waxaa si qumman ugu muuqdo doog, aaran iyo iftiin.

Isla jaanqaadka labadaa riyo, ayaa la rabaa in la isla dhaqaajiyo. Ma la ha waxa ay kuugu muuqdaan wixii la dhihi jiray: (KAAF iyo KALADHEERI).

La soco Q.xigta

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

huswadad@gmail.com

SHEEKOOYIN