ISU – DUME Q.2aad
W/Q. Xuseen M. Cabdulle (WADAAD)
huswadad@gmail.com
Dhiiranaanta iyo feejignaanta, waa kuwa wax kaa dhiciya, kaana yureeya. Haddana, mugmug kaligood kuguma filna ee walaxyo kalood kaashataad u baahan tahay, si aan xitaa laguu dagin. Isdagiddu, ma iyadaaba dad iyo duunyaba ku cusub. Adigoo feejigan, indhahaaguna shanta yihiin ayaa lagu marsahaa. Indhasarcaadkuna malaha waa jiraa! Calal aqal go’aan aad dhiibatay musbaqan yuusan ku dilin ama ku dagin.
Wiligaa, ha ka maqnaan maha taladu taal, noqo mid talada wax ka gooya, wax ku darsada, wixii qaloocanna wax ka saxa, haddii lagu dirqiyana iska diida, wixii qumanna taageera, waana hee aad hore noo tiri; Tol waa saddex:
″ Nin qumman qumayntiis,
Nin qaldan qabashadiis,
Nin qatan quudintiis″.
Minii sama la rabo waa in intaas aad sheegtay lagu haayaa oo ayna ka farabaxsan. Kolka ay intaas dhaafto, waa ha la walaaqdo, waxa ay dhashaba ha dhashee!
Ha noqon weligaa mid la yiraa docdaa day, inta aad ku maqan tahayna wax kasta lagaa xaabsado. Mar jaw wehella, indhahaagu ha haayaan rabtaas fog iyo docda hareertaada ahba.
Hadda minii kale, u dul yeelo digniintii maldahnayd ee widaygayn noooga tegay.
“Waa sahal. Aaya dooro waa tii tiri, ‘Wixi go’aan ah oo meesha ka soo baxa waa aqbal.’ Maxaaba laga hadlaa. Iyada haloo hibeeyo Aw Aadmi, shirkuna saa ha noogu dhammaado.” (Gaso b 73) Hadda, waxa hibeyay waa Faranfar.
Runtii waa Buug dhaxal ah oo bog kastaad geddisaba wax ku anfaca ka gurahayso, hal tabiin oo boobsiis lagu aqriyo kagama bogatin, ku celcelin ayuu kaa dalbanayaa iyo u dhug lahaansho.
Dooddii dheerayd ee xikmadaha dardaaran u ekaha ahaa ee wehsigu dayacay, waxa aan iri, waa wax aan loo noqon doonin dayacii dhacay hamiinkaas mid la mid ah, waana halkii Cigaal ina Shidaad ka lahaa: ″Waxa aan loo noqon doonin dheelmad habeen″.
Ummaddu, waxa ay tiraa: ″Baqashii Fardo la daaqdo, faras bay ismooddaa″! Middaasu, waxa ay qalow igu soo siisay weer/jumlo dhiman oo ka mid ahayd dheelmadkii humaagga widaaygay/walaalkey, waana kan ee adigu meel u la qun: ″Oo Baqal bay ba ahayd…″.
Xuseen M. Cabdulle (WADAAD)


