IS-XIL-SAAR
Nolosha jiraalkeeda, waxaa sal u ah waxyaabo aasaasi ah oo la’aantooduna aanay nololi jirteen, sidaa darteedna waa muhiim si loo noolaado in xoogga la saaro waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha.
Kuwaa aan xusnayna, ma ahan kuwo si fudud ku imaan karo ama iska yaalyaal meel walbo. Waa kuwo kaa rabo dedaal, orod iyo halgan joogto ah in aad u gasho. Hadda waa si aad u jirto una noolaato ayay kuwaasu bilow u yihiin.
Jihada aad wax ka jirihayso iyo tabta aad wax u jirihayso, waa mid adiga kaa rabto garasho iyo xeelad kuu gaara. Waxaana jiro xayndaab xiran oo ay waajib kugu tahay dhexdiisa uun in aad ka daydaydo lagama gudbaanadaas iyaga ah.
Awooddaadu, waa xaddidan tahay. Adigu bood ama dhac… Qayli ama shib dheh… Rabataad rabto bacleel, xagaashaad rabtana wax ka daymoo, araggaagu ma dhaafi karo kob cayiman oo kooban. Ufuqiga iyo camuudigu, wax isma doorshaan mugmug. Bilaan dhalan cirka kama keeni kartid.
Minaad rabto isku day in aad dabbaqdo aragtidii Ina Cubtan ee ahayd: (Waxaan indhuhu qaban dareen baan ku eegaa).
La soco Q.Xigta
Xuseen M. Cabdulle (WADAAD)



