IS-DIIDOOYINKA NOLOSHA Q. 1aad B     W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

IS-DIIDOOYINKA NOLOSHA Q. 1aad B

W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

moallem10@hotmail.com

 

Dad badan kuma baraarugsano, in jidka suubban ka fudud yahay ama ka gaaban yahay jidadka xunxun. Qaadista jidadka xun,dad badan ayaa ku dhaco dabinka shaydaanka ama rabitaanka nafta oo kuu horseeda, in ay si dhaqsiya ku gaarto adduunyo qurux oo loo maro jid xun.  Run ahaanti doorashada jidka toosan, waa bilidda noloshaada, bilicda adduunyadaada iyo u dhaawaanshaha rabbigaaga.

“irid Allah ood ma saarno” haddii aad istiraahdo irid kaa xiran fur, furitaankeedana kugu qaato mudda dheer, shaydaanka wuxuu kuu tilmaamayaa jid qaloocan oo uu si fudud kuu tuso, in aad ku furi karto iriddaas kaa xiran, gelidda iriddaasna waa balaayo iyo dhib adduunyo&aakhiro bilawgiis, ka soo noqoshadiisana ay aad u adag-tahay, waayo shaydaanka kaaga harimaayo in aad istusto ama haweysato doorashada jid toosan oo ka duwan kaa uu kuu fududeeyay, waana ku daba joogayaa ilaa iyo intaa ku joogto waddadiisa, balsa haddii aad rabbigaaga u noqoto, dibna u xasuusato in aynan jirin cid wax kuu qaban karto Allah mooyee, iyo in aynan jirin cid wax kaa halleyn karto kol haddii aad qabsato xarigga Ilaahey.

Diinteena suuban ee islaamka, waxay na bartay in uunan Allah weyn dulmin cidna, balsa ay dadka iyaga naftooda dulmiyaan.  Allah wuxuu noo abuuray in aan caabudna isaga oo kaliya, wuxuu noo jeexay jidka quman ee lagu gaarayo Addunya suubban, Aakhira suubban iyo Janno iyo jidka xun oo lagu muteysanayo ku dhicidda Adduunyo xun, ku dambeynta Aakhira xun iyo Cadaab kulul.

Xussuunow marwalbo, isdiidmooyinka nololeed ee kor ku xusan, in ay iyaga yihiin midki aad doorato, midki aad ku gaari lahayd nolol wacan ama nolol xun.  Naftaada u caddalad fal, fiira dheeerna yeelo, si aad u dooraato jidka bilayo noloshaada iyo ka wareegsiga ama ka dheeraanshaha jidka kuu horseedayo nolol xun adduun iyo aakhiraba.

Qoraallada soo socdo, waxaan ku soo qaadan doonnaa tusoolooyin, dhacdooyin lagu qotomiyay, sheekooyin gaagaaban oo ay ku wada jiraan isdiidmooyinkaas kore.

Waxaana ku bilaabeynaa dhacdadan oo iyada ah mid xambaarsan barasho nololeed oo ku saleysan kala doorashada wanaag iyo xumaan.

La soco q.xigta

W/Q. Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

moallem10@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN