IS-diiddooyinka nolosha Q. 1aad   W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)                                        

                                  IS-diiddooyinka nolosha Q. 1aad

                W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

                                        moallem10@hotmail.com

 

Adduun iyo Aakhiro, Shar iyo Khayr,  Jaceyl iyo Naceyb, Samaan iyo Xumaan, Qurux iyo Fool xumo, Iftiin iyo Mugdi, Caddaan iyo Madow, Xaq iyo Xaq-darro, Cadaalad iyo Dulmi, Hiil iyo Hagar, Toosnaan iyo Qalooc, Xade iyo Maxade, Dhawre iyo Dhabjiye, Geesi iyo Fulay, Deeqsi iyo Bakhiil, Dherer iyo Gaabni, Buurnaan iyo Caato, Caafimaad iyo Bushi, Run iyo Been, Kor iyo Hoos, Qabow iyo kulayl, weynaan iyo Yaraan, Nabad iyo Colaad, Bilaw iyo dhamaad, Nolol iyo Dhimasho…..

Waa sidaas adduunyadu, waana marin aad intaa kore ku qaabileyso, waana wax maalinle ah la kulankooda.

Nolosha adduunyo, ayaa ah sideedaba si aad adiga ku dhaqanto iyo si laguugula dhaqmo. Waa uun nlabadaas, fiiro gaar ah; Adduunyada intaa kore waa nolol aad dooraneyso la dhaqanka sifooyinkaas mid walba iyo hortiis iyo sida aad adiga u kala doorato  weynaw ama yaraw, rag ahaw ama dumar, wiil ahaw ama gabar, nin ahaw ama naag. Waxaa kuu dheer taa in laga yaabo in aad leedahay sifooyinka fiican oo ka mid ah sifooyinkaa kore, balsa waa mid aad u gaaban in ay kaa maqnaadan qeyb ka mid ah sifooyinka xun noloshaada, balsa waxaa lama huraan ah in aad taqaanno sifooyinka aad leedahay si ay kuugu fududaato xakamynta sifooyinkaada xun, si ay noloshaada u ahaato farxad, nabad, deganaan, barwaaqo iyo reynreyn, inta aad ku guda jirto safarka addunyo.

Dhinaca kale haddii ay sifooyinkaaga ku bataan kuwa xun oo aad leedahay, taa naf ahaanteeda adigaa lagaa rabaa doorashada sifooyinka san, balsa haddii ay dhacdo la noolaashada sifooyinkaaga xun xun, waa xumeynta in aad nolosha aakhiro ula gudubto middaas ilaa uu Allah kuu raxmado mooyee.

Addunyo lagu kala nasiib badan, Ruux walba oo dhasho waa fitro inuu ku dhasho ogaashaha in Allah waaxid yahay, Rasuulkiisana Maxamad (NNKA) yahay, waxaana noloshiisa iyo hab-dhaqankiisa adduunyo wanaajiyo ama ku dheelo qoyska uu ka dhasho, haddey yihiin Muslim ama Gaalo, taa macnaheeda ma ahan in ruux ku dhashay Muslinnimo uunan wax ka bedelin muslinnimadiisa ama uu gaalnimadiisa uga tilaabin Muslinnimo.

Jidkaa adduunyo ee marinka ah inta aad ku guda jirto, waxaad galeysaa imtixaanno fara badan oo kuu horseedo Adduunyo wacan iyo Aakhiro suubban ama kuu horseedo Adduunyo xun iyo aakhiro xun. Imtixaannadaas laguugu ebteleeyo, waxay ahaan karaan ebtelo adag ama mid fudud.  Imtixaan walbana in aad ku guuleysato waxaa fadhi u ah hadba sida aad ugu sabarto, haddii aad sabar ku gaariweysana aadan uga quusan ka guul keenida ebtaladaas.

Sifooyinkaas kore mid walba, waa hadba sida aad ula fal-qaado ama ugu dhaqanto. Adiga oo og in ay jiraan laba waxyaabood oo iyaga dadka ku qaado jid toosan ama qaloocan. Labadaas mid waa naftaada midna waa shaydaan oo isaga dhaar cad ku maray, in uu kaa marin habaabinayo jidka khayrka, kuguna dhiiri-gelinayo jidka sharta ah.  Tan labaadna, waa naftaada oo kuu horseedi karto hawo beenaad  kuu qurxiso jidka xun oo hubaal ah in lagu hungoobo ama waxay ku tustaa wax qurux oo aad kaga weecan karto jidka xun, kuuna horseedi karto doorashada nolol ku bisha, qurxiso adduunyadaada iyo aakhiradaadaba.

La soco qaybaha xiga

W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

moallem10@hotmail.com

 

 

SHEEKOOYIN