Hambalyada Qalinjebinta Ina Cubtan

”Waxa aan indhuhu qaban

Dareen baan ku eegaa!” Bashiir M. Xersi ’Ina Cubtan’

Waa Bashiir M. Xersi (Ina Cubtan) oo sidoo kale loo yaqaan jiray (Bashiir Diraac), Waa qofka aan rabo in aan iraa Hhmbalyo mug wayn iyo duco aan la koobi karin iga guddoon. Waa mid ka mudan hambalyooyinka kale ee dhalashada ama qalinjebinnada ama bedelashada Jaamacadeed, xitaa midda la yiraa waa ta u dambeysa Ph.D da lafteeda ha ka reebine ka mudan.

Midda aan maanta wado, waa iga la culus tahay iga la na mudan tahay midahaas kale. Dadku waa qof waxbartay, shaqaysta kuna shaqaysta waxa uu bartay, kuna gaara isku fillaan qofeed. Qofna, waa qof waxbartay, waxa uu bartay dheefteedana aanay isaga ku ekaan ee baahda, laguna wada intifaacsado.

Haddaba, Ina Cubtan oo maanta shahaaddada labaad ee waxbarashada Suugaanta ka qaatay jaamacadda Napoli ee dalka Talyaaniga, waa hubanti shaki lay ah in aqoontaa ku korortay la la wadaagi doono, weli si ballaaran looga wada faa’iidi doono.

Wax waa la baran jiray, jaamacado waa laga qalinjebin jiray, tanuse waxa ay leedahay tilmaamo gaar ah, waana tu gooniya.  Haddaad qoraalkeyga saluugto, waxa aan kaa codsanaa dib u dhugo buugaagta kala ah: Hilaadin, Dhimaal Dhaqan, Agnaanyahan, Uurkubaalle iyo kuwa kaleba. Waa hubaa in aad muggaas ii garaabayso, dhankaagana ka hambalyeynayso aqoonyahanka.

Suugaanyahan/qoraa Bashiir, wax badan ayuu hore noogu soo bandhigay, noogu kordhiyay, haddana waa hubanti in halkiisii ummaddiisa uga sii adeegi doono, halgankuna uu sii wadi doono.

Waxa aan qoraalkan Hambalyada iyo Ducada ah ku afmeerayaa Xikmad/Murti qiima badan oo aan ka kororsannay Abwaan Bashiir.

Wax lagu faray

Fariid lagu ma noqdo!

Xuseen M. Cabdulle (Wadaad)

huswadad@gmail.com 

SHEEKOOYIN