Hal-abuur Bashiir iyo Hawlkarnimadiisa

Muddo ku dhaw hadda 20 sano ayaan isnaqaannay aniga iyo Bashiir Maxamed Xersi ina Cubtan.
Waxa aanu isku barannay silsilad suugaaneed aan ugu magacdarnay “MUQAAWAMO” oo waqtigaas uu billaaabay Bashiir Maxamed Xersi kana hadlaysay halgankii bulshada Reer Koofur, gaar ahaan reer Muqdisho uga soo horjeedeen hororkii xabashida iyo dabadhilifkoodii.
Waagaas ma xoogganayn adeegsiga Facebook iyo aalladahan badan ee baraha bulshada, waxaana aaraahda iyo aragtida laysugu gudbin jirey mareegihii Afka Soomaaliga lagu qori jirey, haddase wada baabba’ay.
Bashiir waxa aan ka bartay wax badan qofnimadiisa habfekerkiisa iyo hal-abuurkiisaba.
Bashiir maaha marka hore qof aragtidiisa la gabbada ama ku tixgeliya qof iyo koox midna. Geesi dhiirran. Waa hal-abuur fiiri dheer oo leh codkarnimo iyo qoraalkarnimoba. Aftahan.
Waa nin og waxa uu diiddan yahay iyo waxa uu doonayo labadaba, waa nin ku fiican wada shaqaynta, ku adag balanta, tixgeliya aragti kaladuwanaanta, han leh oo hal labuurkiisu uusan ku koobnayn keliya qoraalka iyo suugaanta ee leh hindisayaal aqooleed badan.
Sanadkii 2009kii bishii Desember qaraxii ka dhacay Soobe ayuu Bashiir mar kalee furay silsilad maanseed cusub, isaga oo curiyey maanso nagacedu ahaa “DAREEN” oo iba furtay silsiladda dib ka noqon doonta buugga: “Deelleeygdii Qarniga iyo Diiwaanka Nabadda” ee aan buugeyney isla ururinnay. Waxaa silsiladdaa ka qaybqaatay 13 hal-abuur.
Hal-abuurrada qaar ayaa dhawr jeer ku soo noqnoqdey mana aysan ahayn silsilad mucaarad iyo muxaafid, ee waxa ahayd dood suugaaneed qofba dhan iska taagay xalka iyo dhibaatada Geeska Afrika, iyo geyiga bulshada Soomaaaliyeed.
Markii aan la wadaagay Bashiir aragtida buugeynta silsiladda, waxa aan kala kulmay aragti ka duwan dadkii kale, taasoo ahayd: “Maxaan kula qabtaa? Kaalintee ayaanan kuu buuxiyaa?”.
Kaddib waxa aan go’aansannay inaan isla saxno tifaftirno oo aan midhiftirno hab suugaaneed iyo hab qoraaleedba.
Hawshu waa nagu ugub labadayaba, maqaal, faallo iyo qoraallo kale maahine hore mid kaayana buug uma qorin. Ugu dambeyn waxa aan ku dhaqaaqnay hawshii buugeynta silsiladda waanna ku guulaysannay, waxa aanna daabacnay sannadkii 2012kii, waxaanna soo bandhignay 2013kii. Jaldiga waxaa noo naqshadeeyey Cali Siciid Xasan, halka tifaftirka uu gacan naga siiyey qoraa C.Casiis ‘Xildhibaan.
Kaddib waxa aannu bilownay inaan gu’ walba mar kulanno oo aan aragti cusub soo saarno.
Sannadkii 2012kii ayaa waxa bilaabatay silsilad suugaaneed la odhan “SALLAAMALEY” oo gaadhay ilaa 40meeyo Gabay oo ay iba fureen abwaan Xasan Daaci iyo abwaan Khaliif Faarax Xayir oo ahayd dood ku saabsan midnimada iyo kala go’ a Soomaaliya iyo Somaliland.
Aniga iyo Bashiir waxa aannu ka mid ahayn hagayaashii silsiladda, gaar ahaan waxa aanu u qaabilsaneyn faafinta iyo u gudbinta mareegaha afka soomaaliga lagu qoro, in aan gabayo ku lahaa ka sokow, sidoo kale Abwaan Xasan Daaci iyo Alla haw naxariiste laashin Axmed Xaayoow waxa ay iyaguna qayb weyn ka qaateen tifaftirka iyo turxaan bixinta gabayada iyadoo laga eegayo, habdhaca, anshaxara erayga iyo miisaanka maansada.
Isla sannadkaa 2012kii ayaan facebook dhexdiisa ka furnay Group la odhan jirey “Golaha Tartanka iyo Suugaanta” oo ay ku kulmi jireen hal-abuurro badan, golahaas oo silsilado suugaaneed badan ay ku soo baxeen sida:
Silsiladii Dabargoynta Qabyaaladda( Gabay)
Silsiladii Ismaandhaaf( Gabay)
Silsiladii Beled iyo Baaddiye( Gabay)
Silsiladii Tiriig (Saar)
Iyo silsilado kale.
Gugii 2014kii ayaa waxa aan bilaabay inaan aas aaso Mareegta Laashin, sababtoo ah ma jirin mareeg ka madaxbannaan arrimaha siyaasadda oo soo gudbisa aragtiyaha hufan, dhiirrigelisa qorayaasha iyo arrimaha bulshada.
Kaddib Bashiir iyo saaxiibo badan oo kale ayaa igu taaggeeray ilaa Laashin ay ka noqotey madal ay maanta qorayaal badan ka aflaxeen oo urur iyo madbacad dhisan ah.
Dedaalkii halkiisa ayuu ka sii socday, Bashiir waxa uu qoray buugga “Hilaadin” oo ah wax soosaarkii ugu horreeyey ee Madbacada Laashin. Balse bahda Laashin buugga ugu horreeyey waxa uu ahaa Nasiibka Nolosha oo alla haw naxariiste uu Qoray Abwaan qoraa Axmed Xaayoow oo wax soo saarkii noogu horreeyey ahaa.
Buugga Hilaadin ee uu qoray ayaa ibafuray oo nasiib u yeeshay inuu noqdo buugii ugu horreeyey oo madbacada Laaahin soo saarto, in ka badan 50meeyo buuga ayay Madbacaddu soo saartay 12kaa sano.
Haddaba Bashiir ayaa mar kale ambaqaaday Xarunta dhaqanka iyo suugaanta Faarax Shuuriye (2011) taasoo leh mareeg, bar facebuug iyo Youtube ah.
Sidoo kale qabata barnaamijyo lagu dhiirrigelinayo lagu wacyigelinayo bulshada, lagu waraysto laguna xuso aqoonyahanka iyo Haldoorka bulshada. Sidoo kale leh dhawr barnaamij oo kala ah.
1. Aqoon iyo Ogaal
2. Ayaanka Abwaanka
3. Mudnaanta Marwada
4. Dhawaaqa Dhallinyarada
Bashiir ilaa maalintaa iyo ilaa maanta marnaba kama uusan daalin kama uusan gaabin hirgelinta hal-abuurka iyo tayeynta afkiisa.
Hadda bishan Oktoober waxa uu ku qabtay Magaalada Muqdisho, Xuskii Alla haw naxariiste Qoraa Cabdiqaadir Aroma.
Bashiir waa nin leh karti hufnaan, hal-abuur toolmoon, hubantina hawsha uu dhaqaaqo, jecelna inuu ka midhadhaliyo.
Waxyaabaha aan ku taageero waxaa ka mid ah inuusan ahayn nin uga baaqda ama uga cabsooda hal-abuurkiisa; ma awoodid iyo suurtagal maaha.
Inaan qoraalkan maanta idinla wadaago waxa igu kellifay in ay fiican tahay qofka widaaygaaga ah inaad ka sheegto inta aad ogtahay inta uu noolyahay, kuna bogaadiso hawlaha nafhurka iyo isxilqaanka ah ee uu bulshadiisa u qabtay una hayo.
Bashiir isaga ayey halhays u tahay:
“U qir waxay galaan
U quur waxay gudaan.”
Marka anna aniga oo oraahdiisaa qarada weyn ka duulaya, ayaan qormadan ugu qoray, in yar oo ka mid ah, inta uu galay, ka sokow in aan rabay in aan idin la wadaago qayb ka mid ah waayihiisii iyo widaaynimadeennii.
Bashiirow, guulayso goor iyo goob walba.
W.D. Abwaan C.Raxiin H Galayr


