Faallo Kooban Maqaalka: Ali Jimale Ahmed: Muujeya lé waaye me Magaashey mé dhimmédaw,Professor Maxamed Xaaji Mukhtaar W/Q. Prof. Cabdulqaadir Cismaan Faarax

Faallo Kooban
Maqaalka: Ali Jimale Ahmed: Muujeya lé waaye me Magaashey mé dhimmédaw,Professor
Maxamed Xaaji Mukhtaar

W/Q. Prof. Cabdulqaadir Cismaan Faarax

Soomaali haddaan nahay, culumadeenna ma qiimeyno/ma tixgelinno. Xaaladda murugada aan ku jirnana waxay ka tarjumeysaa qiimeyn la’aanta culumadeenna. Waxaa muhiim ah in culumada, maadaama ay risaalo weyn xambaarsan yihiin, aan loo eegin qabiilka, gobolka ama xataa fakarka iyo culuumta gaarka ah ay ka soo jeedaan/wataan. Prof. Mukhtar, in kastoo ay Prof. Cali Jimcaale “widaay” ahaayeen, haddana qoraalkan uu ku xusay “widaaygiis” waxaa laga fahmaa in Prof. Mukhtar uusan Prof. Cali Jimcaale u arkeynin aqoonyahan ku kooban qabiil, gobol, waddan, dad, ama ummad gaar ah. Ee uu yahay aqoonyahan caalami ah oo ku sifoobay/u dhaxeeya bin’aadanka, insaaniyadda iyo adduunka oo dhan. Prof. Mukhtar laftiisa, inkastoo asal ahaan Soomaali yahay, haddana waa hanti adduun (transnational human capital) oo u dhaxeeya bini’aadanka iyo adduunka
oo dhan.

Tusaale cad waxaa ah, in qoraalka uu ku xusaayo Prof. Cali, Prof. Mukhtar uusan ka

hadlin taariikhda nolosha gaarka ah (the biography of Prof. Cali). Taas booskeedii, Prof. Mukhtar wuxuu isu keenay/xiray socdaalo/safarro cilmiyeed iyo bin’aadanimo (existential human knowledge and wisdom generating/creative journeys). 1986-kii, Professor Cali Jimcaale oo cilmi-goobis uga soo safray galbeedka adduunka (Ameerika) iyo Professor Maxamed Haaji Mukhtaar oo cilmi-raadis uga soo safray bariga adduunka (Malaysia) (minalsharq, wa minal garb) — ay ku kulmeen Roma (laa sharqiya, walaa garbiya). “All roads lead to Roma!” (Tutte le strade portano a Roma!).

Kulankaas muhiimka ah/barakeysan ee labada caalim ee Soomaaliyeed oo ka qeybgelaaya shir cilmiyeed, waxaa ka abuurmay taariikh/nolol/faham cusub. Taa waxaa caddeyn u ah in Prof. Cali oo fiirinaaya/darsaaya sida qoraalka sheeko-abuur (novels), oo Soomaalida ku cusbaa, khaasatan, ku qoritaanka Af Soomaaliga (maxaa tiri), loo isticmaali karo in lagu sameeyo Soomali cusub, siyaasad ahaan iyo bulsho ahaan. Saameyn ka gedisan Soomaalidii horay u jirtay. Taas oo xoojineysa siyaasad ahaan khilaafka u dhaxeeya reer guuraaga (xoolo dhaqatada) iyo reer beeraleyda/reer kalluumeysiga — ama waqooyi iyo koofur. Iyo cilmi-baarista taariikhda siyaasadda xisbi/siyaasad sameynta ay abaabuleen siyaasiyiinta dhulka hadda loo bixiyay “Koonfur Galbeed”. Prof. Cali iyo Prof. Mukhtar waxay isku raaceen fikradda ah, in bulshada aysan aheyn wax la go’aamiyay oo lagu kala baxay/la isku raacay.

Fikradda ah in aan bulshada la sameyn karin oo isbeddel lagu sameyn karin. Waxay cilmi-baaris ku caddeeyeen, in bulshada la baddeli karo, waliba dhinac wanaag ama dhinac xumaan loo dhaqaajin karo/lagu hagi karo. Taa micnaheedu waa in dadkaan iyo dalkaan aan la iska helin asagoo meel cidla ah iska yaalla, ee qaabka/sida hadda uu yahay laga shaqeeyay oo la sameeyay (socially and politically created by elites including colonial, foreigners and others). Waa meesha la isku heysto, yaa Soomaali dhab ah, yaasan dhab aheyn, xudduudada dadka u dhaxeeya halkay maraan, yaa hadalkiisa, afkiisa/lahjaddiisa la dhegeysanaayaa, yaasan la dhegeysaneynin, yaa loo dulqaadan karaa in ay sii jiraan oo la aqbalaa jiritaankooda, doorkooda siyaasadeed, yaasan la icraafeynin, la aqbaleynin.

Prof. Cali iyo Prof. Mukhtar waxay wadaagaan fikrad/dood ah in dadka oo dhan, maadaama uu kulligood Ilaahay karaameeyay, isku si/isku mid loo aqbalo, loo ixtiraamo, loona dhageysto. Xaqiiq, ay siyaasiyiinta Soomaalida hadda horjoogta ay diiddan yihiin, maadaama ay umadda si rasmi ah u kala qeybiyaan, una kala sarreysiiyaan (4.5). Waxaa la isku heystaa, yaa Soomaali dhab ah, iyo yaasan aheyn. Yaa sareeyo, yaa hooseeyo. Yaa laan dheere ah, yaa laan gaab ah. Yaa hadalkiisa, fikraddiisa micno sameyneysaa, yeysan micno sameynin. Isfaham la’aan weyn oo Soomaalida dib u dhigtay, colaad joogta ahna ilaa hadda ka saari la’. Sidaas awgeed shirarkii la qabtay (kii uu ka soo baxay buuggii The Invention of Somalia), iyo qoraalladii badnaa ee kaleba, ujeedada guud waxay aheyd in dib loo eego qeexidda iyo fahamka Soomaalinimada kooban (ee la soo xadiday). Iyo in la ballaariyo oo ayadana la qeexo in ay dad Soomaali ah oo badan oo xadaarad, cilmi iyo taariikh soo jireen ah leh ay jiraan.

Dadkaas oo qeyb ka ah qeexidda, ka doodidda iyo wax ka qabashada, yaa Soomaali ah iyo sidee Soomaalida loogu taliyaa, loona horumariyaa. Yaa u talinaaaya. Waxay aheyd shaqo muhiim u ah umadda in shirar badan loo qabtay. Buugaag iyo maqaallo muhiim ah oo badanna oo ay adduunkoo dhan hadda ka faa’iideystaan la daabacay/faafiyay.

Cilmi-baaris Soomaaliyeed oo mug leh, khaasatan jiilalkii dambe ee wax akhriya, ay ka faa’iideystaan/kana faa’iideysan doonaan. Wax weyna ka beddashay sida ay uga
fakaraan Soomaaliya, Soomaalida iyo nolosha adduunka guud ahaan.
Yaa xaq u leh in ay Soomaalida qeexaan, ka hadlaan, fasiraan. Isbeddel-doonkaas oo ay Prof. Cali, Prof. Mukhtar iyo culumo kale hormariyeen, waa isbeddel si rasmi ah cilmi-baarista Soomaalida iyo tan adduunka wax weyn ku soo kordhiyay.

Xiriirka Prof. Cali iyo Prof. Mukhtar u dhaxeeyay (isweydaarsi qoraallo noocyo badan oo joogta ah, wadahadal telefoon, seminaarro, shirar iwm.) hadda wax baa iska beddelay. Inkastoo Prof. Cali ruux ahaan uu weli nala joogo. “Wakam min rajulin/naas maatuu, wahum ahyaa yamshuuna beynanaa”. Laakiin xiriirka aqoontii iyo cilmigii la soo saaray, weli waa nool yahay. Safarka cilmigaas ee caalamka oo dhanna weli waa socdaa, waana socon doonaa, haddii Ebbe idmo, inta adduunku jiro. Gaar ahaan xilka sii wadidda iyo xoojinta xiriirkaas iyo taariikhdaas, sii kobcinteeda iyo wax ku darideeda/ka baddalideeda wuxuu saaran yahay Prof. Mukhtar iyo culumada kale ee nala joogta, xafidahumullaahu jamiican.

W/Q. Prof. Cabdulqaadir Cismaan Faarax

SHEEKOOYIN