Dhafane
Qof kastaa waa dhowr qof oo isku dhex jira. Taas macneheedu ma aha in uu qofku dhowr wajileyahay, ee waa sunnada nolosha sidaasi. Hal qof ayaa mari kara dhowr xaaladood oo lid isku ah.
Maan tusaaleeyo warkayga oo aan ku idhaahdo: waxaa jira ruux adiga kuu muujinaya
xasilloonaan iyo dhoollacaddayn, balse noloshiisu sidaas ka duwantahay oo dhinbiilo ka
baxayaan. Been muu sheegin e, saw maahmaahi may ahayn: “Haddii aad dhimanaysana
dhareerka waa layska duwaa.”? Waa dhiirrane dhabar adaygaya.
Isla qofkaas, waxaa laga yaabaa in uu qof kale agtiisa ka yahay ruux badhaadhe badhtanka ugu jira oo aanay balaayo habeen baashiisa iman! Waa gartii, oo wuxuu taabka ku hayaa dhowrka maahmaahood ee ereyada ku kala duwan, se isku wada nuxurka ku arooraya ee yiraahda: “Wixiicasarkii la is ku arkaa cishihii la isku caayaa,” “Nacaska iyo iyo iduhuba diiftay isku eegtaan” iyo“Ina adeerkaa fayna kuuma oggola fildarrana wuu kugu caayaa!” maahmaahyadu ma aha uun ereyo la iska taxo, ee waa tabbar nololeed oo wax kala bax iyo wax ku qaadasho leh.
Isla ruuxii ayaa laga yaabaa, isaga oo liicaya sida laan hareeri ah, inuu bir aan jabin u muujiyo koox ay colaadi dhex taallo, iyaguna ay u arkaan birlibaax aan bawdadiisa bahal jabin karin; illeen maahmaah baa tiraahda: “Cadawgaaga dhuux sagaaro ayaa loogu soo dhaashtaaye!” Isla qofkaas, waxa laga yaabaa isaga oo buka ama baahan in uu beerkiisa adkaysto, oo kolka ay dadka qaar bariidiyaan uu barkhad sheegto; illeen waxaa la yiri: “Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaaye.” Sidoo kale, maahmaah Kalana waxay tiraahdaa: “Shir looma wada uunsiyo;” In aanad noqon buug furan oo baalashiisa kii arkaaba akhriyaa, waa awood iyo adkaysi; waa karti iyo kasmo sare, maxaa yeelay xogtu waa awood.
Qofkaas ma jixinjixa ula muuqda dadka qaybtood, waxa jira cid kale oo uu sida kuul qubtay isu hoos goglo, isaga oo illin iyo ereyba isku daraya; illeen: “Nafiba naftii urroon raacdaye.”
Naf iyo niyad aan mararka qamaaybtood deggenayn, ayaa isla koox kale ula muuqata bir aan la liicin karin. Dareenndaas is diiddan iyo falalkaas isku lidka ahi ruuxa kama dhigayaan beenaale, ee waa jilaa bartay siduu mawjadaha nolosha ula jaanqaadi lahaa noloshana u maarayn lahaa; illeen wata la yiraa: “Erey kastaa goortiiye.” Ruuxaasi wuxuu adeegsaday jidadka nolosha lagu socodsiiyo; illeen waxaa la yiri: “Raqiba waa ku raggeed.” Maarayntiisa ku dhaliili maynno, dhowr waajiilana ku tilmaami maynno, ee wuxuu la socdaa maalmaha iyo waayaha; illeen murti baa ahayd: “Waa maadays adduunyadu, dadkuna
way malayaane” “Xaajo nimaan ogayni indhuhuu ka ridaaye;” waxaad markasta maanka ku haysaa in aadan dadka kula degdegin dhaleecaynta iyo xukunkooda, maxaa yeelay ma ogid duruufaha uu ku dhex jiro iyo nolosha uu la halgamayo. Xasuusnow, inta kaaga muuqata ee uu kuu muujinayo mararka qaar in aysan wada ahayn xaqiiqda, ee uu xanbaarsanyahay xaalado kale. Waa halka ay Soomaalidu ka tiraahdo: “Laba kala bariday, kala war la’! “
Qofna ha ku canaanan wax uu falay ama uu faliwaayay, maxaa yeelay tirada 9 kolba waa dhanka aad ka eegto -oo qof baa lix ku sheegi kara! Midkiinna ma qaldana, ee midba dhankuu ka is taagay waa ku sax. Ogsoonow: “War helaa talo hela,” ee ha ka talin xaajo aadan gunteeda ogayn.
Lahigsadeheennu waa Rasuulkeennii Maxamed N.N.K.H. Anas -oo muddo dherer nebiga u
adeegayay- waxaa laga hayaa in uu yiri: “Weligay rasuulku wax aan qabtay ‘maxaad u
samaysay?’ Ima oran, wax aanan samaynna ‘maxaad u qaban wayday?’ Ima oran.” Taas
macneheedu ma aha in uu Anas ahaa wax walba sexe aan seerayn, ee waa in nabigu N.N.K.H. garawsanaa nafsadda iyo waayeheeda.
Dunidan casriga ah, waxaa batay cadaadiska iyo culaysyada soo food saaraya ruuxa casrigan nool. Ha ahaato hami uu leeyahay oo hawaawi badaya, himilo u muuqata oo uu haaban kari la’yahay ama wax uu doonayo oo uu dabooli kari la’yahaye waxaa jira cadaadis badan oo ruuxa maskaxdiisa iyo madixiisa saran, taas oo sababi kata ciriiri iyo xanuunnada maskaxda ama nafsadda oo qofka haleela.
Maxaa kula gudboon adiga? Waa in aad xoojisaa habdhaqankaaga qof ahaaneed iyo bulsheed labadaba, oo aadan erey iyo addin toona ku dhibin ruux aadan xogtiisa wada haynin.
Qoraaga: Dayax Axmed-Iley
Taariikhda: 19 Ogos, 2026 – Muqdisho, Banaadir


