Dalanrog Sheeko Gaaban W/QSeynab Ugbaad

Dalanrog

Sheeko Gaaban

Seynab Ugbaad

 

“Quruxdaas ayaad leedahay ee sideed u cunaysaa bariis bariido ah?” ayay isku canaanatay, markay daboolka u celisay digsi bariis ku qaboobay. Markii la karinayay iyo markii la cunayayba way hurudday.

 

Markaas ayay ka soo kacday. Waa galab ay baahi iyo feker la soo toostay. Waa siday saaka aroortii u seexatay. Waa garteed oo xalay oo dhan bay saamalaylaysay. Baashaal dhallinyaro ayuu waqtigii kaga dhammaaday. Badda ayay gelinkii dambe ku soo qaadatay. Fiidkii horana waxay la dabbaaldagaysay gabdho magaalada ku cusub oo lahaa fadhi sawirro casri ah iyo barasho magaalo.

Aroortii markay soo gashay waxay la kulantay hooyadeed oo ku dul sugaysa sallagii ay salaadda subax ku tukutay gacantana ku haysata tusbax ay ayeeyadeed ka dhaxashay. Hooyadeed lafteedu waxay marti ku tahay gurigan ay gabdheeda Riyaad ku nooshahay. Waxay ku celisay waanadii ay saddexdii toddoobaad ee la soo dhaafayba u jeedinaysay. Waano iyo wacdi habeen baa lagu seexdaaye, Riyaad waanadaas waxba uma tarin kamana beddlein. Sideedii ayuu socodkeeda gurigan laga dhibsaday u badanyahay.

Hooyadeed waxay is xusuusisaa meeshii ay ka timid iyo miyigu, sida gabdhaha da’da Riyaad ah, subax kasta shaqadooda guriga u billaabaan, halka gabadheedu ka seexato. Waa kaaf iyo kaladheeri laba casri oo qarniyaal u dhexeeya u muuqda. Waase hal jiil oo laba nololood leh.

Intaas waxaa dheer, markuu abtigeed dibadda ka yimaado, wuxuu ka codsadaa inay lugta yarayso, weliba wuxuu u sheegay wuxuu uga lugdambaydinayo wadisteeda ay tahay socodkeeda badan. Mar hore inuu dhoofin lahaa ayuu u sheegay, hadday dabeecaddeeda iyo dhaqankeeda beddesho oo noqoto, gabadh deggan oo tirsan.

“Abti, sideen guriga isugu xabbisayaa?” ayay weyddiisay.

“Waxbarshada haddaad ku ekaato, iyadaa bannaan wareeg kuugu filan.”

“Sannadka la joogo ma ogtahay abti!” ayay yaab u weyddiisay, “Adigoo qurbe ka yimid miyaad sidii odayaashii hore u dhaqmaysaa?”

“Waddanka dhexdiisa miyaa lagugu dhaqancelinayaa?”

Isagoo ka xun kana xanaaqsan ayuu sidii qof kaligiis isla hadlaya yiraahdaa:

“Dhaqanku ma aha wax mudan in laga tago. Waa xarig ina wada xira, haddii la lumiyo ama la sii daayo, waan wada lumaynaa waana kala haraynaa.”

***

Hooyadeed miis bagaash xun ay furatay, maadaama ay joogisteedu dheeraatay, ayay ku dul sugtaa gabadheeda. Markay soo kacdo iyo markay seexanaysaba. Subaxdii markay furayso miiska ayay seexataa , galabtii markay xiraysana way baxdaa. Waxbarashadiina maalmahan waxay ku noqotay seegseeg. Laakiin, taas iyada uun baa og. Iyada uun baana go’aansatay inay waxbarashada hakiso.

Sabab kale ma aha ee waxay isku qancisay inay shaqo helayn, hadday sidaas ugu mashquulsanaato, waxbarasho ayan waxna ka baranayn. Gabdho aynigeeda ah ayaa horteed caan noqday oo horteed hantiyaystay. Kuwaas ayaa koor u lulay kuna daysataa.

Hooyadeed, mar bay ku fekertay inay baadiyihii ay ka timid u celiso. Haddana, taas in aysan sinnaba u suuragelayn, lafteedu way ogeyd. Mar ay ku soo hadalqaadday taas, Riyaad waxay ku sigatay inay gurigaba isaga tagto.

***

Cunto bariiskaas u dooriyo ma haysato. Mana aha cuntadu, mid u qalanta qiimaheeda. Waayo, hadday hadda bannaanka joogi lahayd, cuntadii ay rabto ayaa loo dalbi lahaa. Weliba midda ay ugu jecshahay nafteeda waa laga garanayaa.

Iyadoo aanan is diyaarin, sidiina u gaajaysan baa hooydeed oo soo xaranaysa miiskii ka hor timid. Wejigii ayay ka dadbatay. In aysan su’aalin, inay wax cuntay, goortan waxa ka soo kiciyay iyo inay caawa baxayso, dhammaan weyddiimahaas hore ayay ugu daashay. Laakiin, ereyo kale oo uurkeeda beddelay ayaa hooyadeed afkeeda ka soo baxay.

“Sidaan haddaad ku sii socoto, waad guur seegaysaa.”

“Guurku muxuu yahay hooyo?” ayay tiri, iyadoo sii socota.

“Aniga waxaan rabaa, adigoo sharaf leh in lagu guursado.”

“Hooyo, hooyo, aniga guur iyo arrimihiisa hadda kuma jiro.”

“Haddaadan wax baranayn, maxaad qabanaysaa?”

“Waa shaqaysanayaa.”

“Maxaad ka shaqaynaysaa? Haddaadan wax baran, maxaad ku shaqaynsaa?”

“Noloshu, waxbarasho iyo guur uun ma aha hooyo.”

Markay intaas isdhaafsadeen ayay qolkeedii gashay. Sariirtii ay ka soo kacday mar dhoweyd ayay ku noqotay. Ma seexan ee way sahwisay.

‘Sidee hooyadeed iyo xaafaddan uga lugbaxda? Intee ayay degdeg xaafad ay u guurto uga heshaa? Yay la sii degtaa asxaabteeda oo ugu roon?’

Hooyadeed oo soo tukatay ayaa u soo gashay.

“Ma soo tukatay maqribkii?”

Riyaad ma jawaabin. Daaqadda ayay u jeesatay iyadoon hooyadeed xaggeeda soo eegin.

“Salaaddii Ilaahay ma tukatay?” ayay ku celisay.

“Maya,” ayay ku tiri cod aysan ka taxaddarin.

Cabbaar ayay la feker la ag fadhiday. Intay soo istaagtay ayay soo dhinac  fadhiisatay. Gacanteedii oo fidsan ayay Riyaad dhabarkeeda ku soo qabatay. Iyadoo codkeedu xabeebsan yahay ayay ereyo ay aad uga baaraandegtay kula hadashay.

“Waan ogahay in aadan rabin in aan maalin kasta ku waaniyo,” intay u sii dhowaatay ayay sii wadatay: “laakiin waxaan rabaa in aan wax kuu sheego aan waano ahayn…”

Riyaad way jeesatay, laakiin ma durkin.

“Anigu, markaan da’daada ahaa, wax badan ayaan ku riyoon jiray, illowse, aan heli waayay. Waxaan rabay in aan wax barto, in aan magaalo ku noolaado, in aan naftayda wax u qabsado — laakiin waqtigaas, taasi ma ahayn wax gabari ku dhiirran karto. Xeerkii aan ku koray wuxuu ahaa mid aad u adag: gabar aan guursan in aysan qiimo lahayn, mid guursatayna aysan doorasho kale lahayn…”

“Markaas maxaad iigu cadaadisaa dhaqankaas meelna ku fiicnayn?”

“Waxaan ka baqayaa in aad cidlo ku soo dhacdo, iyadoon cidna kuu turayn. Waxaan rabaa in aad degto guri aad adigu leedahay.”

Iyadoo isha ka dadbaysa wejiga hooyadeed ayay is-weyddiisay haddii hooyadeed hadalkan ka run sheegayso, ama uu yahay hadal caadi ah oo hooyooyinku yiraahdaan, had iyo jeer. Laakiin qalbigeedu wuxuu dareemay farqi u dhexeeya labadooda — hadalkani ma ahayn canaan iyo waxsheeg ee wuxuu ula muuqday cabsi iyo welwel.

“Waxaan ogahay in aad naftaada adigu leedahay.”

“Waad mahadsantahay hooyo.” ayay tiri, iyadoo sii istaagaysa.

Habeenkaas, Riyaad ma bixin mana u seexan si dhakhso leh. Waxay fikirtay inay jikada aaddo oo bariiskii qaboobaa cunto. Hasa ahaatee, waxaa niyaddeeda ka faaruqi waayay, waxbarashadii ay hakisay iyo hadalkii hooyadeed. Aroortii, iyadoo sii seexanaysa ayay ka dhaadhacday in cabsida iyo canaanta hooyadeed aysan ahayn xakamayn, balsa ay tahay jacayl aysan  qaabkiisa hore u fahmin.

Waxay u muuqdeen laba qof oo safarkoodu isla lughelay.

Dhammaad

W/Q. Saynab Ugbaad

SHEEKOOYIN