Ammintu waa abbaar ku beegan 1980kii Reer Aw Jimcaale oo ka soo qaxay arrin halis ah oo deegaankooda ku qabsatay, Adduun waa wax walbaale adigoo nabad ku seexday ayey mararka qaar dhibaato kuu salaaxo meel soo foodsaartaaye. Qoyskani waxa ay ahaayeen qoys iska dan yar oo aan cidna dhibaato u geysan, balse utun hore iyo Aanno loo qabay ayaa sababtey oo keentay geerida qoyska aaabbahood iyo gabar ka mid ah.
Qoyska waxa ka koobnaa 5 carruur ah iyo hooyo iyo Aabbe, 7 qofood hadda waa 4 qof oo uu Cali Miskiin u weyn yahay.
Labo gabdhood oo Cali Miskiin ka weynaa mid ka mid ah halkii ay ka soo qaxeen bay ku soo duugeen kadib maalmo ka dib dilkii arxandarrada ahaa ee loo geystay Aabbahood.Gabartii labaadna dhawaacii soo gaaray markii gabarta kale la dilay ayey u geeriyootey intii ay dhax soo socdeen waana u dhimatay.
Muddo toddobaad gudihii ah ayaa saddex qof iska raacday reer Jimcaale weheliye.
25 sanno ka hor ayey aheyd markii Cali Miskiin Hooyadii xaadsan uu meher xaday Aabbihii Jimcaale Wehliye , buuq iyo qeylo badan xil iyo xumneyn iyo xaal mastuur, baa howshii lagu dhammeeyay Axmed Dhoore oo xaadsan la ilmo adeer ahaa korna ka ilaashan jiray arrinkaa wuu liqi waayay waxa uuna go’aansaday inuu ina adeertiis asaay u saaro si ay u madax bannaanaato.
Deeggaanku waa Beeraleey waa dad is wada yaqaan inkastoo ay qabiilo ku kala abtirsadaan haddana waa qaaraan wadaag sababta oday Jaamac wehliye uu gabarta ula baxsaday waa ogaa in aan la aqbaleyn oo xoolo badan ma laheyn reerkooda agoon bay ahaayeen taas waxa u dheereyd in tuulada looga tunweynaa.
Waagii horana waa dhici jirtay in gabar lala baxsado ka dibna laga xaalo.
Axmed Dhoore oo Toorey ku hubeysan baa oday jaamac oo beertiisa joogo weerar ku soo qaaday si lama filaan ah balse sidii uu wax u rabay uma dhicin oo jaamac waa ka booday mar labaadkiina waxa uu la qabsaday Tooreyda wax ay isla raftaanba Axmed Dhoore xaqii baa lagday oo tooreydiisii baa lagu daabbay kolkaasuu baryootamay, jaamac na gobanimada ayuu ka raacay oo inta dhaawacii geedo uga dhayay buu soo qaaday oo tuulada keenay.
Kolkii la xogwareystay Jaamac sidii ay wax u dhaceen buu sheegay.
Gartii baa la galay Axmed Dhoorana wuu qirtay inuu asagu duullaanka ahaa balse sababta ku riixday ma sheegin ee waxa uu iska soo jaray ma gayo gabarteena nin Sabool ah
Axmed waxa lagu xukumay in halkaas iyo magaalada muqdisho aado si loogu daaweeyo dibna uu ugu soo noqon tuulada.




