Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

GARBADUUB Q2AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q2AAD 

Guhaad markuu sidaa ugu jirey ammin dhawr maalmood ah, waxba iska doorin qaabkii loola dhaqmayey oo maalin walba iyo habeen walba inta la garaaco lagu soo tuurayey qolkii madooba, isaguna uusan  haba yaraatee wax xog ah sheegin ee ma ogi iyo maxaa layga rabaa uu ku dhammeystay.

Haddase wuu is dhiibay oo wuxuu isu diyaariyey geeri, xanuunka iyo werwerka joogta ah ee haya uu ka dhigay mid dhabaandhawsan oo aan wax talo ah haynin keeninina karin,.

Guhaad oo quustu iridka u soo garaacday qabatimayna dilka iyo iyo hatigaada  lagu hayo ayaa maalintii dambe laga soo saaray qolkii uu ku jiray,  waxaana la geliyey mid ka sii cidhiidhi badan oo aan dhan loo nuuxsadaana jirin,  inta laga saaray dharkii oo dhan oo laga dhigay muddug ayaa biyo qaboowna dusha iyo dhulkaba loogu shubay,  salka ma dhigi karo inuu kadaloobsado maahine oo dhulka oo dhan biyaa buuxa, dhana uma jeesan karo dhinaca albaabka maahine labada dhinac jilbahaa  qabsanaya,waa meel gumaystihii dalka ka tegay iyo saancaddaalihii u samaystay dadkii gobonnimo doonka ahaa inuu ku dhibaateeyo kuna xakaariyo.

Waxay sidaa ahaataba oo maalinba kadeed iyo dhibaato la marsiiyo Guhaad,markii in ammin ah ka badan saddex toddobaad lagu hayey kadeed iyo xakaar aan kala joogsi lahayn, ayaa maalintii dambe ayaa laga soo saaray qolalkii mugdiga ahaa, waxaana la keenay qol uu ku jiro oday garweyn oo diif badan iyo dacdaro ka muuqato, oo aan kii hore wax dhaamin, haddase waxaa la siiyey, buste uu dhaxanta ka huwado iyo xalaaf yar oo uu dhinaca dhigo, haba iska injir iyo kutaan badnaadee, waxa kale uu la keenay qol daaqad yar oo saddex dalool leh oo halkaas iftiinka iyo dhawaqa bannaanka laga maqlayo.

Guhaad markan dil iyo garaac midna waxba uma  arko waa hayimay, waana la qabatimay, waayo? Maaha arrin uu wax ka doorin karo ee waa dhibaato qabsatay noloshiisana la soo deristay, sidaa awgeed meel uu ciirsado iyo meel uu u cararaa midna ma jiro.

Odayga loo keenay waa nin da’ ahaan markaas lixdan jirka madaxa la galay,  labadooda midna midka kale uma bogin ee isha ayuu ka dhawrayaa, wax wada hadal ahina ma dhexmarin.

Odayga meesha loogu keenay waa Oday Dirir wuxuu ahaa nin aqoonyahan ku xeeldheer dhaqaalaha, wuxuu u shaqeynayey ammin dheer dowladda iyo laamaheeda kala duwan ee dhaqaalaha,  waxaase lagu oogey inuu xatooyo xoole dadweyne  galay, sidaas ayuuna ku muteystay xadhigan iyo garbaduubkan.

Markuu Dirir arkay wiilka yaree ee loo soo geliyey, waxaa galay dareen waxa uuna u qaatay in malas iyo dabin loo dhigayo oo mid ka mid ah askartoodi ay usoo xareeyeen intay soo yara baha buheeyeen lana rabo in war ka qaado oo isaga dhigo nin xidhan oo isaga oo kale ah, juuq iyo jaaq uma odhane  intuu ka sakidey ayuu is duuduubay.

Guhaadna maaha nin war hayee, daal iyo diif haysay awgeed ayuu la dhacay, oo la gataati dhacay, mararka qaarkood hurdadaaba dhaymo u ah oo xanuunka iyo kaarka naftu dareento markay soo jeedo.

Labadoodi oo aan midna eray iyo arrin weydiin ka kale ayaa waagi u baryey, waxaa loo keenay nin walba xabbad rooti ah iyo koob shaah oo madoow, markan waxaa ileys waa lays arkaa midba meeshiisa ayuu la fadhiistay, Dirir oo si feejigan isha ugu xaday ayaa arkay  ninka nabarada korkiisa ka muuqda, iyo dhaawaca jirkiisa ku yaal ee meel walba dhiiga guntamay iyo gunaadka madoow ee jugtu ka sii muuqato, iyadoo meelaha qaar dheecaan cad ku jiro aan ciddina dhayin, Dirir ayaa ayaa garowsadey inuusan ahayn sidii u maleynayey, balse waxba kuma darsan.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

SHEEKOOYIN