Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Soomaalaay shuushku ha baxee shakiga jira aan ka showrno.

156585_10150852611965878_341235953_nSoomaalaay shuushku ha baxee shakiga jira aan ka showrno.

Duul wada dhashay oo ehel iyo qaraaba ah … xigto sokeeye iyo ilma adeer walaal ah … ilmo abti iyo ilmo habreed intuba isu wada ah … Seeddi iyo dumaashi, soddog iyo soddoh wada xidid wadaag ah, haddana kala shakisan oon is aamineyn oo dakane isu wada qaba, weliba u sii diyaara dhiig daadin dano gaara huwan iyo aarsi qabyaaladeed soomaalaay innaga un baa leynaga arkaaye miyuusan caqligeennu shaqeyneyn?, waxa dhacayaahi sow kugu dhimayoo kaa dhimay un maaha?.
Uumiyaha kale ee dunida ku nool miyeynu ka fikir liidannaa?. Ma cid caqliga si gaar ah loo siiyay baa jirta, mise dadaal baa leysku dhaafay?. Maxaa soomaalaay adiga ilbaxnimo kuu diiday? Sow aadmigu sagaal kuma wada dhalan?, maxaa xurmada kaa qaaday? ” is fahmi weynaye, aan is fahamno oo shakiga jira aan ka showrno, maxaa xal inoo ah?”.
Haaddii uu Soomaalaay beri daad soo rogmaday dareen kaaga wax u dhimay waa masiibo rabbaani ah oo duufaantaasi cid waliba wey ku habsatay waana dhibaato 25 jirsatay oo nagu wada dhacday, isla markaana saameyn ku yeelatay dalka, dadka iyo diintaba, taasina iney cidi cid kale ku eeddo maaha, dib ha eegin walaal ee horay u sii soco, xalku wuxuu ku jiraa wada hadal daacad laga yahay iyo heshiis aan laga daba keeneynin (looma dhamma) ”runtii soomaalaay is fahmi weynaye, aan is fahamno oo shakiga jira aan ka showrno, si aan shisheeye uga maaranno!”.
Dowladnimo haddaan loo tafa xeydan waa tacab khasaar… Tiirka taagan haddaan tiirar kale lagu lamaanin waa tacab khasaar , weligaaba meel cidla ah taagnow waa tacab khasaar, dalkaaga hooyo tacbaan ku ahow waa tacab khasaar, tacliin iyo tayo la’aan qurbaha u tubnow waa tacab khasaar, ee soomaalaay aayahaaga ka tasho. Runtii is fahmi weynaye aan is fahamno, shakiga jirana aan ka showrno.
Mid hadduu mid dal dhisaayo
Midna uu sii duminaayo,
Mid hadduu maslax doon yahay,
Midna uu dulmilow yahay,
Mid hadduu wax daweynaayo
Midna uu wax un dilaayo,
Deggani lama gaarayee
Aan u doodno qarannimo
Midnimaa duggaashi lehe
Danta guud aan u istaagno
Dayra maaha dhulkeennee
Nacabka aan ka difaacno
Daah ma saarin taladuye
Inta u damqataay kaca oo
U daneeya dalka hooyo.

Bashiir Cali Xuseen
Barbaariye@hotmail.com

SHEEKOOYIN