Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Raja soo celintii Nasiibku dhaawacay! Curiye: Saciid Muse Axmad (Ustaadka)

Sac

Raja soo celintii Nasiibku dhaawacay!

Waxey aheyd hooyo soomaaliyeed oo cimrigeeda nuskeedii ku qaadatay mid ka mid ah qurba nacaseedyada dalalka carabta. khamiis kala haadkii 1991, ayeey caruurteedii iyo saygeedii u qaxeen dalka kenya iyaduna xiligaa waxey ku sugneyd dibada. Waqti badan ayaan la iska warhayn oo uu qoyska kala firaarsanaa, ilmaheedii waxa eey kala galeen wadamada Yurub iyo America, qaarkoodna waxey ku milmeen Jamaykaan. Aakhirkii mid ka mid ah hablihii yurub tagay ayuu illaah ku soo hadiyeeyay ineey mar labaad isku soo ururiso qoyskii, waqtiga iyo waayuhu uu kala dhax dhigay sadkii Maarib(Biyaxireen)

Waxaana u suurtagashay ineey soo galiso aabaheed oo kenya joogay, dabadeedna u tafaxaydato sidii eey u keeni lahayd Hooyadeed.

Hooyada oo aheyd qof karti iyo firfircooni u dhalatay, waxeey Mudo sodan sana ah tumaysay adeegtanimo(Khadaamo) waxeyna gacan dhaqaale siinaysay iyada hooyadeed oo cad ah, kuna noolayd dalkii. Si kastaba ahaatee gabadhii yurub joogtay waxaa u suurtagashay ineey isbonsar u xareyso hooyadeed kana joojiso shaqadii xumayd ee (fara-adaga) dhowr mar ayaan safaarada u raacay si aan kaga saacido dokumentigii, waxeyna ahayd mid walbo ku hamiso dib ula noolaanshaha saygeeda iyo caruurteeda. Waxaan arki jiray xiliyada danbe iyadoo salaad u taagan, alla xuska wardiga iyo tusbaxa ayaa u caada ahaa.

Xili dheer iyo dadaal badan dabadeed, waxaa u suurtagashay hooyadii ineey hesho fiisihii eey in badan sugeysay, ” illaahey mahadii ayeey dhowr mar ku soo celcelisay” markii eey passport iyo alaabtiyoo dhameeystiran galabtaa la soo carowday, Farxad maamuus ahna wey u dhigtay dariskeedii, waxay gashay isu diyaarinta in eey dhoofto, Aduun tala kama dhamaatee, waxey maalin iigu yeertay inaan u hubiyo xilliga ka harsan fiisaha. mudo sanad ah ayuu valid yahay(la ogolyahay in lagu baxo) ayaan u celiyay. Waa xili fiican ayeey tiri, markaasan weydiiyay in wax isbadal ah jiraan iyo inkale? waxey tiri, Waxad igala talisaa in aan ku hormaro gabadhayda iyo saygeyga ama aan ku hormaro hooyadey oo aanan sodan sano arkin waayelna ah? Waxan iri waa tala fiican inaad hooyadaa ku hormarto, iyadoon la ogeyn in dib la isku arki doono, hase ahaatee marka hore la tasho dadkii dadaalka dheer u galay, Raja soo celintii qoyska, sidaas baan ku kala tagnay.

Waxaa lagu heshiiyay in eey yurub ku hormarto, Subixii danbe ayeey tickitkii soo jaratay, lacag kale oo shopping iyo pocket money isugu jirto ayaa dahabshiil u doono la yiri, sideed saacadood ayaa ka harsan xilliga eey diyaarada ku qorantahay sidaa daraadeed ayeysan dhigin dukumentiga oo eey faraqa ku haysataa!.

Waxey doonatay lacagtii dahabshiil waxeyna sii raacday gaari BL ah, Kaasoo rakaabka oo ku yaraa awgiis, dhax ku dajiyay iyada iyo laba qof oo kale, xarunta dahabshiil oo aan ka fogeyn meesha lagu dajiyay ayeey si tartiib ku gaartay, Lacag bixiyahii ayaa weydiiyay Aqoonsigeedii, Mise hadey sidaa tidhaaba, Maxaad ii dhiibatay! laa Visa walaa Pasport walaa ticket iyo bidhaaqaba, Hal mar ayeey dib ugu soo booday taksi kale waxeyna ugu timid firsada Gaarigii Baska ahaa ee iska dajiyay, Darawalkii ayeey weydiisay Alaabtii ka maqnayd isaguna dhaar buu maray inuu ill saarin ,waxa ey sheegayso, Sidaas bay galabtii gurigii ugu soo noqotay iyadoo faramaran.

Meel kasto waan ka baafinay, Reportina waan ka geynay Airportiga si aan logu bixin, inkastoo meelahaasoo kale laaluushku ka taliyo, Rajadii midabkeedu haruudka ahaana waxey isu badashay tiiraanyo iyo caloolyow.

Waxii ku qabsanaayo kun sano kaa weyn aqristow maxaad ka oran lahayd?

Curiye: Saciid Muse Axmad (Ustaadka)

SHEEKOOYIN