Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Baaq nabadeed ku wajahan daminta buun colaadeedka yeeraya!.

Bashiir Cali Xuseen sawir

Guud ahaan bah weynta afmaallada soomaaliyeed ee hoobal iyo hal-abuurba leh, waxey baaq nabadeed u dirayaan goobaha uu ka soo yeerayo buunka colaadda iyo caga jugleynta leh ee lagu sii qaxinayo maatada aan waxba galabsan ee muddada 25ka sano ah soo daalaa dhaceysay.

Bulshada soomaaliyeed waxey ehel u noqotay musuq iyo abaaro ka dhashay qabyaalad iyo colaad natiijadoodu ay tahay meyd iyo xinjiro aan xaq iyo damaanad laheyn, tusaale ahaan wiilka iyo gabadha soomaaliyeed dhiiggooda badda gunteeda ayuu wada daadsan yahay oo waxaa wax ka wada dhadhamiyay xuudka amaba nibiriga oo ah kan noolaha ugu weyn, sidoo kale, waxaa dhiigga bulshada soomaaliyeed berriga ku dhedhemiyay quraanshada iyo inta ka sii yar ee wax cunta, taasi waxey ku tuseysaa in meydka soomaaliyeed bad iyo berriba ay xaywaannadu ka wada dhergeen!.

Dhibaatada intaa la’eg, waxaa dhaliyay colaadda iyo caqliga aan shaqeyneyn ee buunka colaadda sii afuufaya welina u sii hamuun qaba dhiig sokeeye oo daata, iyada oo la wada ogyahay dhaxalkeedu inuu yahay un daar la dumiyo iyo dad la dilo oo faa’iidadeedu ay noqoneyso oo kaliya murugo qaawan oo berrito laga shallaayi doono.

Waxaan ku talineynaa in la joojiyo wararka qadafka iyo qab weyninka leh ee ay dhinacyada iska soo hor jeeda mareegaha war lalintu isu marinayaan, sidoo kale saxaafadda waxaan ka codsaneynaa in aysan ka qeyb qaadan isku dirka shacabka walaalaha ah buun buunintana ay ka daayaan sii horinta dagaallada aan natiijada laheyn ee ma dhaleyska ah.

Haddaba dhammaan fannaaniinta soomaaliyeed waxey ka digayaan 25 sano ka dib inaan lagu deg degin dagaallo sokeeye iyo dab laga sii holciyo geyiga soomaaliyeed, waxeyna walaalaha ay farriintani ku socoto gaar ahaan seeriga dagaalka ee mudug ka yeeraya u soo jeedinayaan qodobbadatan hoos ku qoran:-

1. In ay naga aqbalaan in ay maskaxdu shaqeyso ee uusan muruqu shaqeyn.
2. In khilaaf walba oo jira, wada hadal iyo gogol nabadeed lagu wada dhameeyo.
3. In luuqadda lagu wada hadlayaahi aysan noqon adeegsiga gumuca rasaasta.
4. In derisnimada, xididnimada, soomaalinimada iyo islaanimadaba la xaq dhowro.
5. In cuqaasha iyo indheer garadka hoortooda si garnaqsi ah loogu kala cad goosto.
6. In la wada abuuro heshiis waara oo yeesha xeer iyo dukomiinti dib loo raaca leh.
7. In laba kun oo dhallinyara ah guurkooda leys weydaarsado si cuqdadda iyo colaaduhuba u dhamaadaan.

Ugu danbeystii tixo dhanka ujeeddada isaga soo dhaca ayey midiba oraneysaa ( Dagaal wiil kuma dhasho, ee wiil baa ku dhinta…. Nabad iyo nagaadi, baa lagu nimceystaa… War hooy dunida yaan lagu kibrine, nabad ha loo daayo )

Bashiir Cali Xuseen.
Barbaariye@hotmail.

SHEEKOOYIN