Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Khilaaf Dhaqan Noqday! W/Q; Cabdinaasir Xirsi iidle

Khilaaf Dhaqan Noqday!

Cabdinaasir Xirsi iidle

W/Q. Cabdinaasir Xirsi iidle |La yaab ma laha in maanta iyo beriba shacabka Soomaaliyeed maqlaan waxaa is khilaafay madaxda ugu saraysa dalka sida Madaxwaynaha iyo RaIisul Wasaaraha, markaan sidaa leeyahay khilaaf u dhexeeya labada nin ee hada cirka isku shareeyey hada sooma bilaaban oo Madaxdii soo martay Soomaalia ayaa waxa uu u ahaa dabiici,

Tusaale waxaa Khilaaafkii ugu horeeyey ee dhex mara Madaxwayne iyo Raisul Wasaare dhex maray Alaha u wada naxariistee Madaxwaynihii ugu horeeyey Soomaaliya Aadan Cabdule Cismaan iyo RaIsul Wasaaraihiisii ugu horeeyey markii xoriyada la qaatay kasoo ahaa Rai’sul Wasaare C/rashiid Cali Sharmake, waxayna labada nin isku qabteen xiriirkii la doonayey in lala samaysto Quwadihii waagaas ee reer Galbeedka iyo Midowgii Soofiyeeti.

Waxaa kale oo is qabtay ka dib Alaha u naxriistee Madaxwayne Cabdi Rashiid Cali Sharmake iyo Rai’sul Wasaarihiisii Maxed Xaaji Ibraahin Cigaal oo la sheego iney isku qabteen in loo hogaansamo ama si hoose loogu dhega raariciyo Dowladii Maraykanka oo dano badan ka lahayd Soomaaaliya.

Intaa wixii ka danbeeyey waxa dalka la wareegey ciidamadii milatariga  kuwaasoo mabda’oodu ahaa qaybi oo xukun taladana  waxaa laga qaadanayey  Hal qof oo kaliya cidii ka hor timaadana waxay wajahaysay Cawaacib xun.

21 sano ka dib waxaa meesha laga saaray Dowladii awooda badnayd ee Soomaaliya, Soomaliyana waxay ka baxday Saaxada Siyaasada Caalamka waxayna u gacan gashay Caaqilo Dagaal oo Qabiil Qabiil u abaabulnaa, waxay Soomaaliya caalamka ku soo laabatay markii Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele ku yaboohay shirwayne Qaran oo ka dhacay  Tuulada Carte ee Jabuuti.

Shirkaas waxaa ku soo baxay Madaxwayne C/qaasin Salaad iyo Raisul Wasaare Cali Khaliif Galayr waxaana Khilaaf hareeyey sababsaday inuu meesha ka baxo Raisul Wasaare Cali Khaliif oo ay xilkii si Musuq uga qaadeen Baarlamaankii waagaas, waxaana xigey oo lagu bedelay Xasan Abshir Faarax oo durba ay is qabteen C/qaasim Salaad waxaana Raysul Wasaare Xasan Abshir  ku fikir noqday kooxdii Mucaaradka ee Hawase iyo Soodare.

Shirkii xigey kii Carte waxa uu ahaa kii Imbegaati ee Kenya waxana ku soo baxay Alaha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf oo Rai’sul Wasaare ka dhigtay Cali Maxed Geedi, waxaana dhex maray Khilaaf kii ugu xumaa oo gaaray markii dambe in Dowlada Itoobiya oo ay Ciidamo badani ka joogeen Soomaliay ku qasabto inuu xilka ka dego Rai’sul wasaare Cali Max’ed Geedi, waxaana marka ka dib saaxada siyaasada Soomaaliya soo fuulay Nuur Xasan Xuseen oo Raisul Wasaare noqday isla markiiba ,waxay isku dhaceen Madaxwaynihii Magacaabay waxaana djexdhexaadin ka dib Beesha Caalamku ku qasbeen in Madaxwayne Cabdulaahi yuusuf meesha isaga tago.

Xukuumadii Nuur Cadde oo an Madaxwayne lahayn ayaa waxay Heshiis la gaartay Ururkii Asmara oo uu Madaxda u ahaa Sheikh Shariif Axmed oo wax yar ka dib ku soo baxay Dooradsho ka dhacday Jabuuti waxa uuna Raisul Wasaare u magacaabay Cumar Cabdi Rashiid Sharmake waxaana Khilaaf hareeyey sababay in Sheikh Shariif xilkii ka qaado, oo uu diido Raisul Wasaare Sharmake waxaana qasab noqotay in Sheikh Shariif ka noqdo go’aaankiisii aan sharciga ahayn.

Markaaa ka dib waxa dhacday in waxa loogu yeero Beesha Caalamka ay abaabulaan in saaxada Siyaadada Soomaaliay ay ka soo muuqdaan Soomaalida  dibedda ku nool, waxayna taasi sababtay in Rai’sul wasaare loo magacabo Max’ed Cabdulaahi Farmaajo, sanad badhkii ka dibna Sheikh Shariif Qamaar Siyaasadeed oo  ay wada dheeleen isaga iyo wadamo daneeya soomaaliya meesha uga saaro oo uu magacabo mid ka mid ah Golihiisii Wasiirada, Cabdi Weli Max’ed Cali, wax yar ka dibna waxaa soo if baxay Khilaafkooda kasoo Aakhirkii gaaray in Rai’sul Wasaare Gaas uu beeniyo wixii uu Madaxwaynihiisu  ku dhawaaqo isagoo sheegaya in aanay sharci ahayn, waxaa kaloo dhacday khilaafkas u dhexeeyey Sheikh Shariif iyo Cabdi Weli Max’ed Cali in Rai’sul Wasaaruhu ka hadli waayo Radiyo Muqdisho xiligii uu ahaa Musharaxa Madaxwayne amaba si kale hadalkiisa loo dhigo mark uu ka baxayo Radiyaha Dowlada.

Waxaa la soo gaaray intaa ka dib in soomaaliya ka baxday xiligii KMG waxaana markii ugu horaysay Magaalada Muqdisho lagu doortay Madaxwayne Xasan Sheikh oo ka mid ahaa Bulshada Rayidka, waxa uuna RaIsul wasaare u magacaabay Saacid Faarax Shirdoon waxayna ahayeen labo nin oo aad isugu dhow marka loo eego Madaxdii iyaga ka horeeyey, waxaana sanad ka dib soo shaac baxay KHilaafkooda lamana garanayo wax uu salka ku hayo ,waxaana dhinaca kale xaqiiq ah in xubnaha Baarlamaanka oo ay wehliyaan hogaankoodu aanay dhexdhexaad ka noqon Karin waxa labada nin isku hayaan Oo ay meel dhexe isugu keenaan ,waxaana taas u leeyahay sida khilaafka Madaxda Soomaalidu  dabiiciga  u yahay ayaa la kala safashaduna dabiici ugu tahay.

Si kastaba dad badan ayaa iswaydiinaya in Madxwayne Xasan Shiikh u adkaysan karo iyo in kale sidii Madaxwayne Aadan Cabdule  Cisman oo RaI’sul Wasaarihiisii C/rashiid Sharmaake u daayey xilkiisii tan iyo intuu uu ka idleeystay Waqtigiisii.

 W/Q. Cabdinaasir Xirsi iidle

SHEEKOOYIN