ISU – DUME
W/Q. Xuseen M. Cabdulle (WADAAD)
huswadad@gmail.com
“Isku dume, Isu dume, Molder of nations, where are you now?
WHEN DONKEYS GIVE BIRTH TO CALVES: Totems, Wars, Horizons, Diasporas, Poems, by Ali Jimale Ahmed
Saaxiibkey/Walaalkey,
Waa naga horreysaa, waana ku soo daba joognaa.
Waa halka aad jirto, maha lagu soo wada aroorayo, Wanaaggaagi, dadnimadaadi iyo aragtiyahaagi wax dhiska ahaa iyo Taqwadaadi badnayd abaalkeeda Rabbi ku sii.
Saddex cawo oo isxigxiga, ayaad hummaag iigu timid, wax badanna iigu sheegtay, su’aalana igu waydiisay. Nasiibdarro, waaga muggow baryay waxa keliya aan ka hayay waxa ay ahaayeen: ” Molder of nations iyo Isku-dume”. Aad baan isu ciilkaambiyay…Maxaa cillan oo hurdada kugu sii dhejiyay oo aad fursaddaan u dayacday ayaan isku la calaacalay. Hadda ogow, muddada kooban ee kulanka ka dambeeyay wax kastaa waa ii muuqdeen, iina caddaayeen. Belose, waxa ay ka dhacday hurdo camiiqa ku noqoshadeed, waa taa midda aan eersanayo, wixii na dhex marayna ka reebay labadaas eray iyo mid kale oon ku la wadaagi doono gunaanadka.
Soomaalidu, waxa ay tiraa: ”Booddo qoyaankaa lagu qabtaa”. Saddex tabiin fursad ku soo martay oo aadan inta is giijiso u kicin, kana faa’idaysan, ma helo mugga kale oo ay imaahayso. Ka gudub catawga ee hortaada u toos ayuu maanku i leeyahay. Haye, warkaaga jira.
Bal dhugo xikmadda ummadadeed ee tiraa:
″Nin maqan meeshii lagu tebo, nin joogo ayay ceebtii tahay″’
Rabbow na astur, waa mas’uuliyad iyo xil culus. Waase uun ciddii garata!
Aqoon durugsaney rabtaa… Garasho fogiyey rabtaa…Damqashiyo dareen jilicsaney rabtaa…Mug kalena karti iyo ad-adayg miisaan lehey rabtaa…Geesinimo aan xaqa ka leexaney rabtaa…Maan iyo il fiiqnaan arag dheer lahey rabtaa… Xigasho diini iyo maadi lahey rabtaa…intaa iyo in kale oon la gaari kariney rabtaa…wadar sifoo hal ahey rabtaa…
Waa halkii uu shiribka ka ahaa: ″Garsaale midba goof ku yaal, ninkiisu geeyo waa gartaa″.
In la isu geeyo, oo la isu dumo ayay rabtaa maanta. Waana midda cinwaanu yahay. Garsaalaha, adiga kii u qaado ama kaan tilmaamayo.
Waxa uu yiri: ″Lama gaarinaa ku dishee, lammo geed xaadan u goyn″. (Gaso b18)
Jiifka lagu barqoheraadsado dheef ma leh, dhanuux ma leh, wax loo aayana ma leh. Hadda sow gar iyo gar noqon mayso waxa uu yiri. Haa, waa hubanti in shalaayi dambeyso, hadda waa run ee fadhiga ka kac ee u qun hawshaa iyo middaa kale ee ku sugayso dantaadana ah. Haddaadan garanse yeelkaa oo maalin uun waad dhihi: ″yaalaytanii″. Waxayse noqon kol ay talo faro ku jirin. Alla, maxaad wax noo sheegtay, darfo aan wax laga arag nooga bidhaamisay. Maxaan xasuustaa hadalladaadi debecsanaa, naxariista lahaa, tilmaamaha iyo toosinta qumman lahaa.
Maxuu ahaa, hadalkii aan kaa guntay, dagaalkii Dameerka iyo Maroodiga ee kolna aad beenaale ku noqotay, kolna qoraa farta ka xiran laguugu qiray.
Sawirkii ballaarnaa ee Queens college albaabka laga galo surnaa, maxaa ku qornaa? Build your future. Tusaalahaa lagu faanayo in aan ka ahaanno (Lax dhukani) waa tan na haysata.
Sow adiga uun maahayn kii yiri: Dictation Maya…Wixii horena naqtiimin iyo daymo hor leh oo loo celshey rabtaa, middaana waan kaa hayay.
Mid kalena waxa ay ahayd, markii aad kal hore i tiri, Gasana ku sheegtay, in waxa maqan oo la raadihayo ay yihiin wax aan la arag. Hadda waa wax aan la arag, ishuna qaban, asii loo baahan yahay in la arko, lana helo. Waa muggaas mugga laga baxayo tiiha iyo shililiqoonka lagu raagay, mushkiladuhuna yeelanayaan bar dhammaad.
Kol kaleetana, waadigii si cad u sheegay in baadi mugdi ku maqan aan ka raadinayno meel iftiimayso. Rajo beel aan inta, inta ugu badan ka sii badan u muuqan kuu muuqatay, asii aad tilmaantay. Nasiib darraduse, waxa ay noqotay in lagaaba hoos qaadi waayo. Kuwa ugu roonina madax ruxid aan ficil wehliyin ayay uga jawaabeen baaqyadaadi mar la aragga ahaa.
Mugga aan raja dhigaba, waxa aan dib u xasuustaa erayaadii xikmadda badnaa ee aad iiga/nooga digaysay isdhiibidda. Intii nololi jirto rajaa jirto, waadigii aayad quraana noogu sii adkeeyay.
Waxaa tiri: Isdhiibiddu, waa midda lagaa rabo. Waa kolkaa kolka qoorta xarig laguu surayo, docdii la rabana laguu dhaansanayo. Waana milayga lagu wada milkihayo, haddii wax la lahaansho xaalku hore u ahaa.
Waana tii uu abwaan Hadraawi lahaa:
Dhidarkuba xabaalaha
Kuma dhaadhaceenoo
Kuma dhiirradeen ruux
Celin kara dhawaaqee
Kolkuu meydka dhiilliyo
Dhaqdhaqaaq ka waayuu
Hore ugu dhowaadaa
Dhinacyadiyo feedhaha
Muruqyada ka dheegtaa.
La soco q. xigta
Xuseen M. Cabdulle (WADAAD)


