Faallo (Buugga Waasuge iyo Warsame)
Buugga Waasuge iyo Warsame (Socdaalkii 30ka maalmood), waxa qoray aqoonyahan/suugaanyahan iyo dhaqanyaqaan Xuseen Sh. Axmed Kaddare.
Qofkii aan aqoon asii aqriyo buuggan waxa uu garan karaa waa kuma qoraaga buugga.
Buugga, waxa la daabacay 70aadki, waxaana soo saaray Akademiyada cilmiga iyo fanka, waxaana lagu daabacay Madbacadda qaranka.
Nuuca buugga waa sheeko, dhacdooyin ku saabsan muddo 30 maalmood ah, balse gudbinayso wax ka mug iyo miisaan wayn muddadaas iyada ah.
Yaanan ka sii gudbine buuggu waa sheeko faneed si qurxoon oo xirfadi ka buuxdo loo falkiyay. Waa Sheeko faneed ku iidaaman dhaqan, suugaan ayna ka muuqanayso hodontinimo afeed.
Buugga Waasuge iyo Warsame, Waxa uu u qoran yahay si toos ah oo aan leexleexad lahayn, sida sheekooyinka kale loo qoro oo kale.
Sheekadu, waxa ay leedahay madax, ubuc iyo majo. Waana tixan tahay. Ma ahan warwareeg, mana ahan mid dhamaadka ka bilaabatay ee waa mid bar bilowga ka bilaabata. Waa sida badan ay sheekooyinka guud u qoran yihiin. Waana nuuca ugu sahlan aqristaha oo kan aqrinta ku cusub iyo kan khabiirka ku ahba ay wada fahmi karaan.
Nuuc qoraaleedka naadirka ku ah bulshada waxaa ka mid ah buugga Gaso, Ganuun iyo Gasiin ee uu qoray AUN Prof. Cali Jimcaale Axmed, kaas oo ka bilaabanaya dhamaadka sheekada, waxa uuna noo ahaa barasho cusub oo hab qoraalka ah oo bulshadeenna ku cusub waa waddo u gaar ah qorahaas.
Buuggu, waxa uu iila muuqdaa in uu ahaa kubri ama buundo xiriirisay iskuna toshay dhaqan hiddeed sal ah iyo mid modern/casri ah oo farac ah ama gadaal ka gaar ah. Gadaal ka gaarkuna haddaanu helin sal uu ku milmo lana jaan qaado waxa uu noqonayaa wixii soomaalidu dhihi jirtay (Gadaal ka gaar goob dumis).
Sida badan sheekafaneedda casriga ah waa suugaan tiraabeed ku kooban mala awaal maanka laga falkiyay, sida sheekada MAANA-FAAY ee AUN M. D. Afrax, halka Waasuge iyo warsame isaga oo mala awaal maanfalkin ah, haddana ku iidaaman tix suugaaneed xigasho ah iyo mid uu qoraagu maan abuuray oo uu isagu leeyahay.
Sidaa daraadeed, buugga waxa uu kulansaday mala-awaal suugaan casri ah iyo tii dhahanaha ahayd (oral liteture) ee bulshadu lahayd. Isku falkinta wadarrahaas nuucna waa mid aan suurtagal u ahayn qoraa kasta ee waa mid u baahan hibo iyo aqoon dedaal lagu laray. Waana midda uu dadka kale kaga soocnaa qoraaga buuggan.
Aniga ogaantay buuggu, waa kii 1aad oo si xirfadi ay ku jirto u muujiyay in ay run tahay xikmadda soomaaliyeed ee tiraa (Budo qabe iyo biyo qabe waa isu baahan yihiin), waana run oo adiguba kala maaransii baad/gasiin/badar iyo sanuun/goosaar.
Doc kale haddaan u dhigo lafteeda, waxa aan arkaynaa in magaaladu iyo reer magaalkuba ay sal ku leeyihiin reer miyiga. Buugga ayaa tilmaamayo xiriirka tolan ee u dhexeeyo midka reer magaalka noqday iyo midka weli jira baadiyaha dhaw iyo kan fogba.
Qoraagu, waxa uu gutay xil wayn ee saarnaa madaxda, kaas oo ahaa isku xirka iyo isku dhawaynta dhaqannada kala duwan ee bulshada, middaas ayuu door muuqda ka qaatay buugga. Waxa uu aad isugu soo dhaweeyay goofley iyo Geelay loo kala warramay oo dacaayad iyo xifaaltan xooggan ka dhexeeyay ayuu gaari dushiis ku kulmiyay, kana dhex abuuray isu soo dhawaan mug leh oo abuurtay in xiriirkoodu aad uga fiicnaado waxa ay muggii hore kala haysteen.
Ujeedka ugu wayn ee buugga laga lahaa waxa ay u muuqataa in ay ahayd nabadayn, isu soo dhawayn iyo midayn bulsho. Farriintaas iyo kuwa kaleba si cad ayaa looga aqrisan karaa buugga Waasuge iyo warsame.
Waxa aan u arkaa in buuggu yahay, mid mug walba iyo meel walba looga baahan yahay. Maanta ayaan uga baahi badannahay shalay in aan aqrinno, dhug u yeelanno kuna camal falno talooyinka uu sida tooska ama dadban looga dhex heli karo buugga.
Waxa kale oo buugga laga dhex arki karaa qaab qoraalka saxda ah ee Farsoomaaliga, waa madraso laga baran karo habdhigaalka. Middaasna huu haa iga ma ahan ee waxa aad ogtihiin in qoruhu ka mid ahaa guddigii ama guddiyadii iyo khubaradii Farsoomaaliga.
Buugga, waxa si faahfaahin u lafaguray AUN Prof. Cali Jimcaale Axmed, buugiisa Daybreak is near (Cutubkiisa 3aad) Waasuge and Warsame (Metamorphosis of premonitions)Isbedelka saadaasha, waxa uu ku muujinayaa isbedel qurxoon iyo waaberi ifaayo. Waxa kale oo isna qoraal ka qoray qoraa dhallinyar oo la yiraa Maxamed D. Ciise, waxa uu faalladiisa ku qoray mareegta Geeska, waxa uu daabacay 25.02.2025, waxa uuna cinwaan uga dhigay (Qiso cajab leh).
Xuseen M. Cabdulle (WADAAD)


