IS-DIIDOOYINKA NOLOSHA Q. 5aad
W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)
Bishu waa soddon balliguna waa buuxaa!
Ammin laga joogo haddeer hal Qarni, ayaa waxaa degma ka mid ah koofurta Soomaaliya ka dhacday sheeko xiiso, xikmad iyo caqli xambaarsan. Kolka si dhug leh loo dhuuxana laga helayo macaani salka ku hayo maldah iyo sarbeed quruxsan.
Oday Gaafow, ayaa wuxuu maqlay in oday kale oo ay baadiyaha ka wada yimaadeen uu u socdaalayo deegaanki ay ka wada yimaadeen, reerkiisana soo booqanayo. Oday Gaafow, wuxuu guriga ugu tegay wedaaygiis oo ahaa ninkay iskala yimaadeen halka degaan, isaga oo raba inuu alaab ammaano ah u sii dhiibo. Wedaygiis waxaa la yiraahdaa Garruun. Gaafoow, wuxuuna u dhiibay Weel (Ubbo) afka ka Aamburan (Xiran) oo uu ka buuxo Subag iyo Kiish yar oo afka si fiican uga nikaxan (Xiran), gudihiisana ay ku jirto 30 xabbo oo hilib shiilan ah, wuxuuna Oday Garruun ku yiri: “Garruunow deeqdan u geey walaalkay, kolki aad gaarto deegaanki reeraheenna yiileen iguna salaan, markaad deeqda u geysana iga gaarsii Farriintan “Bisha waa Soddon, Balligana waa Buuxaa”.
Garruun ,Odaygi Safarka ahaa waa guddoonyay ammaanadi loo dhiibay iyo farriinti la socotay, wuxuuna isla maalinti u safray baadiyaha, halkii socodkiisu ahaa, balsa inta uunan gaarin deegaanki uu ku jeeday, jidkana uu ku sii jiray ayuu Ammaanadi loo dhiibay furay, wuxuuna ka cunay qeyb ama Nus in ku dhaw ammaanadi uu Oday Gaafow u soo dhiibay, inta uunan gaarin deegaanki ay yiileen Reerihi uu ku socday, ayuu ammaanada wixi ka soo haray u nikaxay(xiray) sideedi. Kolki uu deegaanki gaarayna wuxuu ammaanadi iyo farriinti gaarsiiyay ama ku simay Oday Gaafow walaakiis oo isagana la yiraa Dhaayow, kolki uu Dhaayow gacanta ku dhigay deeqdi uu Gaafow oo walaalkiis ah u soo dhiibay, maqlayna Fariinti la socotay, wuxuu dhaqsi u Furay Ammaanadi, wuxuuna ogaaday in aynan ammaanadi ahayn sidi oday Garruun loogu soo dhiibay, wuxuuna Oday Garruun ku yiri: Walaal, Ammaanadi laguu soo dhiibay waa kala dhiman tahay oo Ubbadu waa buuxday, Kiishkana waxaa ku jiray Soddan xabbo oo Hilib shiilan ah(Jabdhan), Farriinta la socotayna waxay macnaheeda ahayd sidaas, ee sidee wax kaa noqdeen.
Oday Garruun waagaa ku baryay, waa qarracanyay, waa aragyay in la ceeboobay, waxaana ku dhacay weji gabax oo wejigiisa waa kaduutay, wuxuuna isku dayay in uu dhacdadan raali gelin ka bixiyo iyo dhibka uu geystay, laakin Oday Gaafow walaalkiis Dhaayow wuu diiday raali gelinti iyo cudur daarki Oday Garruun, wuxuuna isla galabnimadi isugu yeeray Guurtada degmadooda, wuxuuna hor dhigay dhacdadan iyo dacwo ku aaddan Oday Garruun, Oday Garruun waa qirtay qaladki ka dhacay iyo inuu ammaanadi cunay.
Guurtidi deegaanka oo arrimaha sidan oo kale ah, xeer uga yiil, waxay Oday garruun dul dhigeen Xukun, waxayna ku casaareen(ganaaxeen) inuu baxsho wixi gogashaan ku baxay iyo Rati ka tilmaaman awrtiisa inuu siiyo reerka Oday Gaafow iyo Dhaayow, isagana waa aqbalay .
Ammanada waa Culays ha layska ilaaliyo, qaadisteeda haddii aadan u gudan Karin ama u xejin karin sida ay tahay ha qaadin.
Dulucda sheekadan, saman walba waa wax loo baahan yahay ilaalinta Ammanada. Sidoo kale, Haddii dhib dhaco, dad aan lahayn xeer ay ku kala badbaadaan, iyagana waxba uma toosaan, dhib iyo is-qabqabsi iyo dhiig ku daato dhacdo walbo kama baxaan. weliba marka arrimaha laga fiiriyo xaaladda cakiran oo ummadda Soomaaliyeed ku dhax jirto muddo dheer, waxaa sal u ah dayaca amaanada gaarka iyo midda guudba. Amaanadoo la dayacana waxa ka dhalan kara ciqaab aan laga waaqsan karin. Qof walbow ku dedaal gudashada iyo ilaalinta amaanada.
Sidoo kale, waxaa kaaga dhex muuqanayaa sarbeebtii iyo hadalkii dednaa ee dadkeenna ku wada hadli jireen, haddana isku af garan jireen.
Afeef: Sheekadan, waxa aann u soo qaatay in wax laga barto ilaalinta amaanada, haddii la ilaalin waayana waxa ugu yar oo ka dhalan karo in laga barto.
Waxaa suurtagal ah, in meelo kala duwan oo dalkeenna ah siyaabo isu eg oo sheekadan ah laga yaqaan. Waxa ayna ka mid tahay dhaxalka hiddo ee ummadeed oo ay ummaddu leedahay kuna faani karto xikmaddaas.
La soco q. xigta
W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)


