La jaanqaadka waayaha.W/Q: Cabdikariin Cabdulle Abkoow

La jaanqaadka waayaha

Screenshot

Waxaa dabiici ah in wax kasta oo cusub, marka ugu horreysa, laga cabsado ama laga shakiyo

Dadku waxay inta badan ka baqaan wax aysan weli fahmin adeegsigooda, halka kuwa kale ay isku dayaan inay fahmaan oo ay ka faa’iidaystaan

Bal aan taariikhda dib ugu noqonno.

Markii telefoonka (TAAR/HELOW HELOW) la bilaabay, wuxuu ahaa hal-abuur aan caadi ahayn, dadku waxay markii hore la yaabeen sida cod qof meel fog jooga looga maqli karo, waqti ka dib telefoonku wuxuu noqday qayb aan laga maarmin nolosha oo si fudud farriimaha u gaarsiiya meeshii la doono

Telefoonku isaguna hal meel kuma ekaan, haddii uu ku bilowday goobo kooban oo loo tago oo ay joogaan shaqaale qofka loo baahdo u yeera, waxaa ka dambeeyay Landline, telefoonno waaweyn, Mobile phones, Smartphones, ilaa maanta oo telefoonku noqday kombiyuutar yar oo jeebka lagu qaato

Shirkado waaweyn oo mar hoggaaminayay suuqa telefoonada ayaa markii dambe lumiyay fursado, sababtoo ah si ku filan ulama jaanqaadin isbaddalka, shirkado awood badan lahaa ayaa ka haray la qabsashada waayaha cusub, kuwo kale ayaa fursadda ka faa’iidaystay oo suuqa hoggaankiisa la wareegay.

Tusaale ahaan Nokia waxay muddo dheer ahayd shirkadda ugu caansan telefoonada gacanta, dad badan waxay aaminsanaayeen in Nokia aysan jirin cid si fudud ula tartami karta, laakiin markii suuqu u wareegay Smartphones iyo nidaamyo cusub, Nokia si fiican ulama jaanqaadin isbaddalkaas, ugu dambayntiina waxay lumisay booskii weynaa ee ay suuqa ku lahayd

Taasi waxay ina tusaysaa in mararka qaar aysan muhiim ahayn inta aad maanta awood badan tahay, balse ay muhiim tahay sida aad ula jaanqaadi karto isbaddalka berri

Markii Internet-ka loo furay dadweynaha, cabsi iyo shaki badan ayaa jiray.

Dad badan kuma dhiiran jirin inay xitaa sameystaan Email

Baraha bulshada ee xilligaas caan ahaa, sida PalTalk, waxaa iyagana loo arkayay wax cusub oo aan dadku weli fahmin

Laakiin waqti ka dib waa lala qabsaday

Waxii shalay laga baqayay ayaa maanta noqday wax caadi ah

Sidoo kale, marka aan taariikhda caafimaadka eegno, fikradda qalliinku waxay soo martay marxalado badan, Sushruta oo ku noolaa Kashi, Hindiya, qiyaastii 600 sano ka hor dhalashadii Ciise, ayaa ka mid ahaa hormuudkii ugu horreeyay ee qalliinka si nidaamsan uga hadlay

Fikrado caafimaad oo maanta caadi ah ayaa waqtiyadoodii hore dad badan ula muuqday wax aan la rumaysan karin

Maanta waxaan joognaa xilli kale oo weyn AI Artificial Intelligence

Inkasta oo fikradda sirdoonka macmalka ahi ay leedahay taariikh dheer oo cilmi-baaris ah, oo ay soo martay heerar kala duwan, haddana sanadihii u dambeeyay ayay AI si weyn ugu soo dhowaatay shacabka, gaar ahaan markii ay soo baxeen adeegyo qof walba si fudud ugu isticmaali karo qoraal, cilmi-baaris, turjumaad, waxbarasho, sawirro, barnaamijyo iyo shaqooyin kale oo badan

Sida Internet-ka iyo telefoonka oo kale, dad badan ayaa maanta AI ka qaba cabsi

Qaar waxay leeyihiin

“AI waxay naga qaadi doontaa shaqadeenna”

Qaar kalena waxay leeyihiin

“AI waa khatar”

Laakiin su’aasha muhiimka ahi waxay noqon kartaa, maxaad adigu ku samaynaysaa AI?

Shirkaduhu maanta uma tartamayaan oo keliya cidda samayn karta AI, waxay sidoo kale ku tartamayaan cidda samayn karta AI assistant ka caqli badan, ka faa’iido badan, oo qofka ka caawin kara inuu si dhakhso badan u shaqeeyo, wax u barto, u qorsheeyo, u baaro xogta, una xalliyo dhibaatooyinka

Tartanka maanta wuxuu noqon karaa kii berri go’aamin lahaa cidda hoggaaminaysa suuqa

Taariikhdu waxay ina baraysaa hal cashar

Taarkii ayaa maanta noqday Smartphone

Internet-kii laga baqi jiray wuxuu noqday aalad nolosha qayb ka ah

Email-kii dadku ka cabsan jireen wuxuu noqday hab shaqo iyo xiriir oo caadi ah

AI-ga maanta laga baqayana wuxuu noqon karaa aaladda ugu muhiimsan ee berri

Sidaa darteed, aalad kasta oo cusub waxay leedahay faa’iido iyo qasaaro

Waxa muhiimka ahi ma aha oo keliya waxa aaladdu tahay, balse waa sida qofku u fahmo, u isticmaalo, iyo dhinaca uu uga istaago

Qofka isbaddalka ka carara wuxuu daawan karaa isbaddalka taariikhda oo dhacaya, qofka isbaddalka fahmana wuxuu qayb ka noqon karaa taariikhda la qorayo

Doorashadu waa nin iyo dooqiisa

Taladaydu waa ha ka harin jihada loo socdo, baro habka loo isticmaalo si aad uga faa’iideysato

Abka Xaaji Qalin-Weyne

SHEEKOOYIN