IS-DIIDOOYINKA NOLOSHA Q. 4aad   W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

IS-DIIDOOYINKA NOLOSHA Q. 4aad

W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

moallem10@hotmail.com

 

 

Sheeko gaaban:

Tartan dhexmaray wiil iyo aabbihii

Waxaa immin hore ka dhacday meel ka mid ah deegaamada baadiyaha Soomaalida, gaar ahaan kuwooda reer guuraaga ah, sheeko caanbaxday oo noqotay mid looga sheekaysto deegaanno badan, lagana barto xikamado, lana adeegsado.

Soomaalidu waaxay sheekooyinka hore u soo xigtaan, in lagu tusaale iyo taamilo qaato, si looga tilaabsado dowyada gudban iyo turaanturooyinka lagala kulmo nolasha guud ahaan iyo waxa ku xeeranba.

Sida dhaqanka inoo ah, waalidku mar walba waa hoggaanka reerka, waana baraha iyo barbaariyaha ubadka.  Waxayna ubadka u jeexaan oo u falaan hilinkii uu nolosha u mari lahaa ama dhabihii uu nolosha ugu aroori lahaa.

Waxaa jiray wiil dadku waagaas ku majeeran jireen, inuu yahay nin ku fiican xoola dhaqashada, gar gelidda, doorashada ama xulashada haweenka kuwooda quraxsan.

Wiilkani isaguna uma heysan, in ay jirto cid arrimahaas kaga fiican oo deegaankaas  ku nooli, balse mudda keddib wuxuu kaligiis ogaaday, in saddexdaas waxyaabood uu kaga horeeyo Aabihiis.

Wuxuuna go’aansaday, in uu Aabbihiis la fadhiisto si gaar ah, kana wareysto sababta ay ku dhacday, in arrimahaas uu kaga horreeyo, wuxuuna aabbihiis ku yiri; fadhi gaar ah oo ay wada qaateen keddib:

Aabbe saddex arrimood waa kaaga fiicanahay, waadna iiga horreysaa, iigana horumarsan tahay, haddaba waxaan kaa rabaa in aad ii faahfaahiso, maxay ku dhacday taasi?

Odagyi ayaa wiilka ku yiri: “Waa maxay saddexdaas waxyaabood maandhow?

Wiilki ayaa yiri:

1-Waa kaa Xoola dhaqasha fiicanahay, waana iga xoola wacan tahay, waana iga xoola badan tahay.

2-Waa kaa Dumar qurxanahay, waana iga awlaad fiican tahay.

3-Waa kaa Gar galsanahay, gartaan galo laguma heshiiyo, gartaad gashana waa lagu heshiiyaa.

Odaygi ayaa wiilkiisa ku yiri “Aabe been kuma aadan sheegin in aad iiga wacan tahay saddexdaas waxyaabood, laakin aan kaaga horreeyo dheef ku qabkooda.

1- Waa tan koowaade, Maandhaw waa hubaal in aad igaga wacan tahay xaga Xoola dhaqashada, waanse kaa waayo aragsanahay.

sidoo kale, waan ka fiirsadaa geediga iyo hayaanka oo sahan baan dirsadaa, adiguse bartii roob lagu sheegaad degdeg ugu guurtaa, adigoon iska hubin.

Kolkii meel laga soo sheego Naq iyo Cosob, waxaa la ogaadaa goormaa oolin ugu dambaysay? ma diqbaa oo jiilaalkii baa la deganaa? Ma dullin bay leedahay? Ma dhul dugaag badanbaa? Ma tahay meel daaqeedu qaybsamo u xoolaha Ikshin iyo Ariba.

Markaa wiilkaygiiyow, geeddi aan sahan lahayna ma guuro, guri aan aan cosob negaadi lahaynna ma dego, goob dugaag iyo dulin lehna ma dego.

2-Waa tan labaade, aniga kolka aan guursanayo, guurkeyga dhanka xulashada dumarka aasaas ugama dhigo qurux, balsa waxaan haweenka ka eegaa dhanka edebta iyo kartida, kolki ay Biya aroorka u yimaadaan Ceelka, sida ay Hooyada dhashay u barbaariso  gabarteeda, abtiyaasheed dad la joogooda haddii ay naga ag-dhaw yihiin, haddii kalana waxaan xaalkooda ka wareystaa dadka yaqaan oo ay la yaalliin, dhaqanka guriga ay ku soo barbaartay guud ahaan iyo aabbaheed sida uu u maareeyo nolosha reerkiisa.

3- Igaarkeyka waxaad hibo u heshay aftahannimo iyo in aad ka hadasho hadalka xubintiisa, waxaa kale oo aan shaki la gelin Karin, in aad iiga wacan tahay gar gelidda iyo hadal deeqsiinta dadka aad gartooda bixineyso, sidaas ay tahayna lama qaato warkaaga, lagumana heshiiyo gar bixintaada. Waayo waad ku degdegtaa gelista gar bixinta, iyada oo aan la gaarin waqtiga ay ku habboon tahay u gar qaadidda qolada uu ka dhaxeeyo khilaafka, balsa aniga, waxaan garta galaa kolki laygugu yeero iyada oo la isku soo daalay, dadkana uu mid walba is-leeyahay yaa gartiina galo, xaqana siduu yahay wax idinkugu sheego.

Wiilki waa gar-qaatay, waana ku qancay aragtida uu ku soo kordhiyay Aabbihiis, wuxuuna markaa kaddib bilaabay, in uu ku dhaqmo taladi aabbihiis siiyay, isaga oo ay taa u dheer tahay waxyaabihii uu kaga fiicanaa aabbihiis.

Waxaana Wiilki halkaa uga bilawday in uu guulo ka soo hooyo arrimihi gaabiska ku keenay horumarkiisa dhinaca xoolaha dhaqashada, guurka iyo gar-gelida.

La soco q. xigta

W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

 

 

SHEEKOOYIN