Dunidu waa sida hooskaaga
Nin ganacsade ah oo maalqabeen ah oo magaalada
Muqdisho ku noolaa. Wuxuu habeen iyo maalin u shaqayn jiray sidii uu maal iyo hanti badan u heli lahaa. Mar kasta oo uu heshiis cusub sameeyo, wuxuu is odhan jiray, “Markaan wax yar oo kale helo ayaan fursad heli doonaa was in an albaab kale garaaco.
Laakiin farxaddii uu raadinayay mar walba way ka sii fogaanaysay markii uu arko ganacsade kale oo ka faa’iido badan, qalbigiisa waxaa geli jiray masayr iyo murugo hantidii uu urursaday ma siin jirin deganaansho iyo qanaaco uu ku iimaansado kistiisa
Maalin kulul ayuu geed hoostiis fadhiistay isaga oo daallan nin oday ah oo caan ku ahaa xikmadda ayaa arkay, dabadeedna wuxuu ku yidhi:
“Wiilkaygiiyow, waa maxa culayskan ku saaran?
Ganacsadihii ayaa ku jawaabay:
“Maalin kasta ayaan ordayaa si aan hanging badan u helo, laakiin dunidu mar walba way iga dheereysaa. Waan daalay.”
Odaygii ayaa si deggan ugu yidhi:
“Haddii ay sidaas tahay, orod oo soo qabso hooskaaga.”
Ninkii ayaa istaagay oo bilaabay inuu ordo. Wuxuu orday ilaa uu daallay neeftuurna la dhacay, laakiin hooskiisii mar walba hortiisa ayuu sii ahaanayay oo ma Gareth
Markii uu daalay ayuu odaygii ku yidhi:
“Hadda qorraxda u jeeso oo hore u soco.”
Ninkii wuu sameeyay. Muddo yar kadib ayuu odaygii ku yidhi:
“Dib u eeg.”
Markuu dib u eegay, wuxuu arkay hooskiisii oo daba socda.
Odaygii ayaa markaas yidhi:
“Dunidu waa sida hooskaaga. Haddii aad noloshaada oo dhan daba oroddo, waligaa ma qabsan doontid. Laakiin haddii aad Alle u jeesato, dunidu way ku daba imanaysaa.”
Xilligaas ayuu ganacsadihii garwaaqsaday in dhibaatadiisu aysan ahayn lacag yari, balse ay ahayd inuu qalbigiisa dunida geliyay halkii uu Alle gelin lahaa.
Xikmadda sheekadu waa:
Qofka qalbigiisa Alle ku xidha wuxuu helaa xasillooni, halka qofka dunida daba ordaa uu mar walba dareemo baahi iyo daal.
Lacagta iyo hantidu waa nimco, laakiin ma aha ujeeddada nolosha.
Lacagta iyo hantidu waa nimco, laakiin ma aha ujeeddada nolosha.
“Dunida gacanta ku haay oo tacbo laakiin qalbiga ha gelin inaad eryato.


