Abaabinta Suuban: W-Q Abdulle Abdi Karim

Abaabinta Ubadka

Waxaa jira waalid carruurtiisa aad u jecel mar kasta oo uu arko qalad ay sameeynayaan carruurtiisa wuxuu jeclaadaa inuu isla markiiba waaniyo oo saxo, canaan dusha ka huwiyo.
Waalidkaa waxa uu aaminsan yahay inuu yahay waalid wanaagsan kan ilmihiisa mar kasta khaladka ka qabta , waalidkaa asagu/du mar walba waa isla saxan yahay.
Balse sidaa ma aha talo wanaagsan oo waqtigeeda la joogin waxa ay mararka qaar keentaa dhaawac ka badan inta ay haggaajiso.
Waalidoow waa muhiim in aad barato ugu yaraan Shan waqti oo tarbiyadda ubadkaaga ku hanan karto maan kobcinna aad ugu sameyn karto.
Shantaas arrimood waxaa ka mid ah:
1)- Marka ilmuhu hurdada ka soo kaco maskaxdu weli waxay ku jirtaa bilowga maalinta, haddii codka ugu horreeya ee uu maqlo ilmuhu uu noqdo canaan iyo dhaleeceyn, maalintiisa wuxuu ku bilaabi karaa culays iyo iska caabin caajis IWM.
Subaxdu ha noqoto waqti lagu beero ubadka maankiisa kalsooni, ee yaanay noqon meel lagu cabsi geliyo dadaalkaaga yuu noqon Hal bacaad lagu lisay.
Laba: Wax yar ka hor marka uu  dugsiga/iskoolka ka yimaado
Ilmuhu wuxuu durba xambaarsan yahay culays in shiddo ugu filan casharradii maanta, shaqo guri iyo wixii maalinkaa asaagii dhex maray, haddii waqtigaas loogu sii daro canaan, taladii waalidku waxay noqon kartaa culays ku sii saa’iday halkii ay ka noqon lahayd toosin, in aad dhegeysato una dhug yeelato ayaa habboon.
Saddex: Isla marka uu guriga yimaado.
Ilmuhu wuxuu ka soo laabtay adduun kale oo uu saacado ku jiray, waxaa laga yaabaa inuu daalan yahay, murugaysan yahay ama wax badan uu maskaxda ku hayo, mararka qaar waxa ugu horreeya ee uu u baahan yahay ma aha su’aalo badan ama sixid, ee waa inuu dareemo: in Gurigu yahay meesha ku furfuran lahaa in aad fiiro gaar u yeelato waa lama huraan si aad u akhrido.
Afar: Marka uu ooynaayo.
Ilmo ooyaya mar walba ma awoodi karo inuu si fiican u fahmo waxa aad ka hadleyso, marka hore qalbigiisa deji, u boogo dhay ha dareemo raxmad.
Shan: Wax yar ka hor inta uusan seexan.
Habeenkii, qalbiga ilmuhu wuxuu la seexan karaa dareenkii ugu dambeeyay ee uu waalidkii kala kulmay.
Ha u dirin sariirta isagoo qaba cabsi, ceeb iyo maxaa beri lagaa yeeli doonaa,.
U dir isagoo og in la jecel yahay, dareensan xaalad degganaansho nafsi ah.
Ilmuhu wuxuu markaas fahmayaa in uu yahay xubin weyn oo ka tirsan qoyska.
Ilmuhu ma xasuusto oo keliya erayadii aad ku tiri; wuxuu xasuustaa sida aad dareensiisay.
Abaabinta wanaagsan ma aha inaad ilmahaaga mar kasta wax u sheegto, sii xuriyad uu doorasho leeyahay waa inaad ogaataa goorta aad la hadleyso sida aad u hadleyso.
Qeylada, habaarka iyo caayda waxa ay qab jabiyaan hanka carruurta si ilmahaaga han u yeesho bogaadi , abaal Mari hadduu wax fiican sameeyo .
Ugu danbeyn ilmahaaga waxa ugu muhiimsan ee aad siin karto waa waqti.
Sii ubadkaaga waqti farxad leh dhegeyso in badan.
Faallo
Waalidow waqtiga aad ubadkaaga siiso waa mid ka mid ah hadiyadaha ugu qiimaha badan ee aad siin karto. Ilmuhu waqtiga waalidkii wuxuu ka helaa jacayl iyo kalsooni wuxuuna dareemaa inuu muhiim yahay oo la fahmayo.
Marka aad dhageysato oo aad la hadasho oo aad la ciyaarto waxaad dhisaysaa xiriir adag oo ubadkaagu noloshiisa oo dhan qiimo u yeeli doono.
Carruurta marka ay waalidkood waqti badan la qaataan waxay helaan fursad ay ku bartaan sida loo hadlo, sida loo dhageysto iyo sida dareenkooda loo cabbiro.
 Waxay sidoo kale si fudud ugu kalsoonaadaan waalidkood oo marka ay la kulmaan dhibaato ay u arkaan waalidkood meel ay ugu horreyn u soo cararaan.
Carruurtu way koraan waqtiguna dib uma soo noqdo maalinta aad maanta la qaadato ubadkaaga waxay berri noqon kartaa xusuusta ugu quruxda badan ee uu kaa haysto.
Waxaad siin kartaa wax kasta oo adduunka yaalla laakiin waxa ugu qaalisan ee aad siin karto waa waqtigaaga iyo joogitaankaaga.
Ubadkaaga waqti sii oo dhegeyso in badan, jacaylka aad maanta ku beerto qalbigiisa wuxuu berri noqon karaa kalsooni uu noloshiisa oo dhan ku qaato.
Abka Xaaji Qalin-Weyne

SHEEKOOYIN