Aamusnaanta Qalbiga
Aamusnanta qalbigu waa habdhaqan iyo dabeecad u gaar ah dadka qaarkiis, balse, Inta badan bulshada soomaaliyeed ma fahmaan qofka aamuska badan.
Waayo waxa ay u arkan qof liita oo aan xaqiisa dhacsan karin” Dadka qaarkiis waxay inta badan u haystaan in aamusnaantu tahay jawaab-la’aan ama dhiiranan darri qof aan waxba hayn oo aan lahayn ku dhac uu ku sheego dareenkiisa.
Balse waxa aysan ogayn in aamusku yahay awood aan dadku wada haysan oo Alla weynaaye siiyay in yar oo dadka ka mid ah. Soomaalida waxa ay ku maahmaahdaa” Af daboolan waa dahab, in aad wax walba ka falcelisaa oo aad ka jawaabtaa maaha munaasib mararka qaarkood aamuska iyo is moogeysiintu waa lagama maarmaan.
Aniga qof ahaan, aamusnaantu waxay ii tahay hub aan naftayda ku difaaco maqaam aan ku ilaashado dareenakayga” aamusku wuxuu iga dhigaa mid aad u degan oo aysan ka dhicin gef iyo erayo qalloocan aadna uga aragti duwan dadka kale, Aniga waxba igama gelin waxa ay i dhahayaan ama igu tilmaamayaan ee iga aaminayaan balse,waxaan u arkaa awoodeyda Shaqsiyaded inay dadku aad igu khaldamaan, iyagoo u arka aamusnaantayda in aan ahay qof damiir aan lahanayn oo wax walba lagu samayn karo.
Ma jiro qof si gaar ii fahma mana jiro qof shaqsiyadeyda nafeed Aqoon xeeldheer oo gaar ah u leh, balse waxaa jira dad ban oo aamuska dhaliil iiga dhiga iyagoo raba Inay ku go’amiyaan waxay iga aaminsan yihin.
Wakhtiga aan u baahdo qof si gaar ii fahma ama ii dareema waa walhtiga aan kala kulmo qof kasta dabeecad qalafsan amaba inuusan ahayn, mid si gaara aan ugu sheegan karo, waxa aab rabo iyo waxa anan rabin, Ma jiro qof si gaar ah aniga ii fahma balse anigu waxa aan ahay dadka aadka yar dunidan aynu saranahay ee fahmi kara xitaa dadka Iyaga oo aamusan ama iyagoo aan wax hadal ah dhihin.
Waa sababta aan u waayey qof aniga i fahme”dhibka iyo faham-darrada ay igu abuureen dadku aanusnaanteyda darteed ma aha mid aan shaqsiyadeyda u doorey,Balse,waa dabeecad Illaahey (SWC) ii doorey mana aha tabardarridayda, waxa weeye awooddayda ugu saamynta Badan.
“Inaad aamustid ma aha inaad tahay qof liita,balse,dadku waxa ay u haystaan maadaama aanan waxba sheegin,in aanan waxba arkayn ama aanan waxba aanan dareemaynin oo waba samayn karin.
Laakiin,xaqiiqdu waa middan: inta ay iyagu hadlayaan, anigu waxa aan eegaa xaqiiqooyinka ka dambeeya hadalkooda, Aamusnaantu waxa ay i siisaa awood aan ku akhriyo dareenka dadka, kuna garto marka uu qofku fikrad leeyahay iyo marka uu jilayo.
Fariintayda ugu horreysa ee ku socota dadka aan fahmin dadka aamusan waa “Haddii aad qof aamusan u aragto mid daciif ah oo liita, waxaad tahay mid aan lahayn xeeldheeri uu ku fahamo qoto-dheeraanta nolosha” Aamusnaantu ma aha go’aan lagu dhuumanayo, waa maqaam lagu dooranayo nabadda oo ka sarreeya buuqa iyo samaynta doodaha aan macnaha lahayn.
Aamusnaantaydu waxa ay iga badbaadisay inaan wakhtigayga ku lumiyo cudurdaarada iyo fahanka fasiraadaha khaldan ee dadka,Waxa aan bartay inaanan u baahnayn inaan qof kasta u sharraxo sida aan ahay iyo qofka aan ahay,sababtoo ah qofka aan hoos u eegin gudahayga, kor uma akhrin karo shaqsiyadyda oo dhan.
”Markaan arkay inaanay dadku i fahmayn, waxaan galay safar ah inaan ogaado sida aan u dhowri lahaa nabadda qalbigayga.
Wakhtiyadii hore, waxa aan u halgami jiray inaan dadka u sharraxo sabbta aan u aamuso.
Waxaan u haystay in haddii aan u sharraxo waxa i aamusiyay ay i fahmi doonaan,Laakiin waxa aan ogaaday in dadka qaar aanay rabin inay kuu fahmaan, balse keliya ay rabaan inay Kugu xukman aragtidooda iyaga oo dhaliil kaaga dhigaya aamuskaaga.
Halkaas ayay ka bilaabatay aamusnaanta qalbigaygu. Aamusnaantaydu igama ahan oo kaliya afka oo aanan kala furin balse waa xuduud gaar ah oo aan ka dhex dhisay nolosha dhabta ah iyo buuqa dadka, Waxaan bartay inaanan qalbigayga ka dhigin meel ay soo galaan dhammaan ra’yiyada ama fasiraadaha khaldan ee dadku dusha ka eegayan, Waxaan doortay inaan dhowro Aamusnanta qalbigayga sababtoo ah ma jirto sabab aan u fasiri karo waxa qalbigayga ku dhex jira, aamusnaato waxa ay i baratay inaan naftayda ku qanco.
Markaad dooratid inaad deganaato, waxa aad u oggolaanaysaa dadka inay muujiyaan waxa ay dhab ahaanti yihiin, iyadoo adiguna aad dhowratid qiimahaaga.!
Aamusnanta qalbigu waa habdhaqan iyo dabeecad u gaar ah dadka qaarkiis, balse, Inta badan bulshada soomaaliyeed ma fahmaan qofka aamuska badan.
Waayo waxa ay u arkan qof liita oo aan xaqiisa dhacsan karin” Dadka qaarkiis waxay inta badan u haystaan in aamusnaantu tahay jawaab-la’aan ama dhiiranan darri qof aan waxba hayn oo aan lahayn ku dhac uu ku sheego dareenkiisa.
Balse waxa aysan ogayn in aamusku yahay awood aan dadku wada haysan oo Alla weynaaye siiyay in yar oo dadka ka mid ah. Soomaalida waxa ay ku maahmaahdaa” Af daboolan waa dahab, in aad wax walba ka falcelisaa oo aad ka jawaabtaa maaha munaasib mararka qaarkood aamuska iyo is moogeysiintu waa lagama maarmaan.
Aniga qof ahaan, aamusnaantu waxay ii tahay hub aan naftayda ku difaaco maqaam aan ku ilaashado dareenakayga” aamusku wuxuu iga dhigaa mid aad u degan oo aysan ka dhicin gef iyo erayo qalloocan aadna uga aragti duwan dadka kale, Aniga waxba igama gelin waxa ay i dhahayaan ama igu tilmaamayaan ee iga aaminayaan balse,waxaan u arkaa awoodeyda Shaqsiyaded inay dadku aad igu khaldamaan, iyagoo u arka aamusnaantayda in aan ahay qof damiir aan lahanayn oo wax walba lagu samayn karo.
Ma jiro qof si gaar ii fahma mana jiro qof shaqsiyadeyda nafeed Aqoon xeeldheer oo gaar ah u leh, balse waxaa jira dad ban oo aamuska dhaliil iiga dhiga iyagoo raba Inay ku go’amiyaan waxay iga aaminsan yihin.
Wakhtiga aan u baahdo qof si gaar ii fahma ama ii dareema waa walhtiga aan kala kulmo qof kasta dabeecad qalafsan amaba inuusan ahayn, mid si gaara aan ugu sheegan karo, waxa aab rabo iyo waxa anan rabin, Ma jiro qof si gaar ah aniga ii fahma balse anigu waxa aan ahay dadka aadka yar dunidan aynu saranahay ee fahmi kara xitaa dadka Iyaga oo aamusan ama iyagoo aan wax hadal ah dhihin.
Waa sababta aan u waayey qof aniga i fahme”dhibka iyo faham-darrada ay igu abuureen dadku aanusnaanteyda darteed ma aha mid aan shaqsiyadeyda u doorey,Balse,waa dabeecad Illaahey (SWC) ii doorey mana aha tabardarridayda, waxa weeye awooddayda ugu saamynta Badan.
“Inaad aamustid ma aha inaad tahay qof liita,balse,dadku waxa ay u haystaan maadaama aanan waxba sheegin,in aanan waxba arkayn ama aanan waxba aanan dareemaynin oo waba samayn karin ,Laakiin,
xaqiiqdu waa middan: inta ay iyagu hadlayaan, anigu waxa aan eegaa xaqiiqooyinka ka dambeeya hadalkooda, Aamusnaantu waxa ay i siisaa awood aan ku akhriyo dareenka dadka, kuna garto marka uu qofku fikrad leeyahay iyo marka uu jilayo.
Fariintayda ugu horreysa ee ku socota dadka aan fahmin dadka aamusan waa “Haddii aad qof aamusan u aragto mid daciif ah oo liita, waxaad tahay mid aan lahayn xeeldheeri uu ku fahamo qoto-dheeraanta nolosha” Aamusnaantu ma aha go’aan lagu dhuumanayo, waa maqaam lagu dooranayo nabadda oo ka sarreeya buuqa iyo samaynta doodaha aan macnaha lahayn.
Aamusnaantaydu waxa ay iga badbaadisay inaan wakhtigayga ku lumiyo cudurdaarada iyo fahanka fasiraadaha khaldan ee dadka,Waxa aan bartay inaanan u baahnayn inaan qof kasta u sharraxo sida aan ahay iyo qofka aan ahay,sababtoo ah qofka aan hoos u eegin gudahayga, kor uma akhrin karo shaqsiyadyda oo dhan.
”Markaan arkay inaanay dadku i fahmayn, waxaan galay safar ah inaan ogaado sida aan u dhowri lahaa nabadda qalbigayga.
Wakhtiyadii hore, waxa aan u halgami jiray inaan dadka u sharraxo sabbta aan u aamuso.
Waxaan u haystay in haddii aan u sharraxo waxa i aamusiyay ay i fahmi doonaan,Laakiin waxa aan ogaaday in dadka qaar aanay rabin inay kuu fahmaan, balse keliya ay rabaan inay Kugu xukman aragtidooda iyaga oo dhaliil kaaga dhigaya aamuskaaga.
Halkaas ayay ka bilaabatay aamusnaanta qalbigaygu. Aamusnaantaydu igama ahan oo kaliya afka oo aanan kala furin balse waa xuduud gaar ah oo aan ka dhex dhisay nolosha dhabta ah iyo buuqa dadka, Waxaan bartay inaanan qalbigayga ka dhigin meel ay soo galaan dhammaan ra’yiyada ama fasiraadaha khaldan ee dadku dusha ka eegayan, Waxaan doortay inaan dhowro Aamusnanta qalbigayga sababtoo ah ma jirto sabab aan u fasiri karo waxa qalbigayga ku dhex jira, aamusnaato waxa ay i baratay inaan naftayda ku qanco.
Markaad dooratid inaad deganaato, waxa aad u oggolaanaysaa dadka inay muujiyaan waxa ay dhab ahaanti yihiin, iyadoo adiguna aad dhowratid qiimahaaga.!
W/Q Kaltuun Jaamac Axmed ( Negaad)