IS-DIIDOOYINKA NOLOSHA Q. 3aad  W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

IS-DIIDOOYINKA NOLOSHA Q. 3aad

W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

moallem10@hotmail.com

 

Sheeka Gaaban: Dhagarqabihii lagu dheefsaday!

“Magan siintii Meyre, Manfac iyo Milgaa laga helay”

Waa dhacda ku aadan ammin haddeer laga joogo qarni iyo bar 150 sano ka hor, ka dhacdey deegaan ka mid ah Baadiyaha koofurta Soomaaliya, gaar ahaan agagaarka Shabeellaha dhexe. Waxaa jiray nin la dhihi jiray Meyre, wuxuu ahaa nin xoog weyn oo aad looga baqo, dagaalyahan ah, balsa intaas wuxuu ku darsaday dabeecad xun oo Burcadnima ah.

Wuxuu ahaa geelqaad, wuxuu u duuli jiray meela ka fog halka ay reerihiisa yaaleen, halkaas oo wuxuu arkoba ka soo dhici jirey, Geel, Lo’ iyo Gammaanba. Isagoo xoog ku soo qaadan jiray.

Meyre wuxuu noqday nin caan, waxaana warkiisu gaarey meel walba, taasna waxay sababtay in meel kasto la isaga sheego falkiisaas gurracan.

Waxaa kale oo bilawday, dhibabka uu geysto in looga dacwooda tolkiisa, kolki ay wax ka qaban waayaana ay xaaladdaha qaar keeni jirtay, in ay halkaas colaad iyo dirir ka dhex qaraxdo reerka uu ka dhashay iyo reeraha uu geela ka soo qaaday. Maxaa yeelay, waxaa mararka qaar dhici jirtay kolka uu Meyre geel dhacayo, inuu ragga geela la jiro qaar ka mid ah dili jirey, marka ay iska caabiyaan isaga iyo shuftadiisa qawlaysatada ah, ka dibna halkaa qaarkood ku naf waayi jireen difaaca geelooda.

Meyre Aabbihiis iyo Hooyadiis, kolki uu tuugnnimada iyo dhaca bilaabay wax yar ka hor ayey labadooduba dhinteen. Meyre waxaa la dhashay afar wiil oo saddex ka waaweynaayeen, mid qaan-gaar ahna uu ka yaraa.

Waxaa kale oo jiray wiil yar oo sideed jir ah oo ay dhashay hooya kale oo min yare u ahayd aabbihiis.

Meyre reerkiisa, waxaa aad ugu batay eeda laga tirsanayo iyo utunta uu geeysto ee kaga timaado dhankiisa, ama dhiiga iyo dhagarta uu gelayo Meyre, waxayna reerki Meyre oo ay xubna ka yihiin wiilasha la dhashay go’aan ku gaareen in layska qabto Meyre, kol haddii uu ku dhega adeegay inuu maqlo talooyinka loo soo jeediyay dhammaan oo ay ugu horreyso, in loo oodo xoolo uu leeyaha, gaarna u ah, sidaasna ku joojiyo tuugeysiga, dhaca iyo dhaqanka boobka ku saleysan ee dadka kale xoolahooda ah.

Reerki Meyre, waxay isla garteen in la dilo ama la daldalo Meyre, maxaa yeelay wuxuu noqday nin dhibkiisu galaaftey dad badan oo waxgal ahaa, waxgaradna ahaa, aanadiisa iyo nafci xumadiisa u dhintey.  Waxaa u cayroobey oo faramadoobaaday reero dhan oo isaga dartiis iyo ka aar-gudashadiisa xoolaha looga dhacay.

Go’aankii waa laysku raacay, waxaase dhib ka yimid in la waayay cid ku dhacdo oo fullin karto arrinkaas.  Waxaana marki dambe arrintaa dusha u ritay walaalahiis oo iyagana isku qabtay ninka fulinaya dilkiisa si toos ah, mudda gaaban keddib wiilashi la dhashay, la tashiya badan oo ay la sameeyeen reerka intiisa kale, waxaa laysku raacay in la oodo wareeg ood ah, wareegaasna dhaxda looga suro tiir xooggan oo dhulka lagu fogeeyay ama lagu adkeeyay si adag loo dhaabay, dhererka ooddana uu ahaado mid aad loo dheereeyo, deyrka iyo weegaarka oo laga dhigo dherer laba nin dhererkood ah, wareegana si fiican loo adkeeyo oo aaney jirin illin ama irid laga bixi karo.

Si Meyre loogu xiro tiirka dhexe, keddibna dab iyo dhamac weyn lagu shido agagaarkiisa gudaha wareega iyo meelaha u dhaw tiirka Meyre lagu xiray, si hanfiga iyo halaska kulul ee holaca iyo dhamacda ruuda xaabbada lagu shiday u dilaan ama nafta uga qaadaan Meyre.  Hawsha dilkiisana ay u ahaato mid si wadar ah oo si siman loo fuliyay oo aan cidna si gaar ah loogu raacan Karin, looguna far gudeyn berri ka maalin dhimashadiisa keddib.

Heshiiski waa la fuliyay, waxaana dhacday arrin aan lagu tashan, waayo habeen barki keddib, mar uu naf yahay Meyre, Kuleelka iyo hanfida dabka ka soo baxayayna ay kariyeen naftiisa, ayuu wuxuu cod dheer ka maqlay bannaanka wareegga ooda, codkaas wuxuu ahaa wiilki la dhashay oo sideed jirka ahaa, hooyo goonina ahaa, balsa aan talada qorshahaas aan ku jirin, lagana filaneyn inuu wax kala socdo, wuxuuna Meyre ku yiri ,”Walaal waxaan rabaa inaan kuu kaalmeeyo, oodana sooma dhaafi karo”. Meyre intaa keddib wiilki la dhashay, wuxuu u tilaamay tiirar ka mid ahaa aqal la dumiyay oo meesha aan ka dheerayn, wuxuuna ku yiri:”laba Tiir ka soo jiid halkaas”.

Wiilki yaraa waa baxay, wuxuuna keenay laba tiir markaasuu ku yiri: ” Walaal labadi tiir waa keenay ”

Meyre ,ayaa haddana wiilka wuxuu u diray Ableey ama Toorrey, isaga oo aan la arag inuu guriga ka keeno ,si uu xariga kaga jaro, wiilkii yaraa ee walaalkii waa ordey oo waa keenay Ableeydii, markuu wiilkii yimid ayaa Meyre wuxuu wiilki ku yiri: ” Walaal labada Tiir ku santeeci oodda, isuna dhaweey, keddib soo kor labada tiir, markaad Ooda kore soo dhaaftona iska jir oo gudaha ku soo bood,  iskana jir dabka iyo halaska oo gadaal ka soo wareeg, xarigana iga jar, wixi dhiman anigaa qabanayo intaa keddib”.

Wiilki yaraa waa fuliyay hawshi uu Meyre u diray, xarigana waa ka jaray, sidaas ayuu Meyre ku badbaaday. Walaalkii iyo isaguna uga soo dhex baxeen dabkii. kaddibna wuxuu wiilki ku yiri ” Walaal gacaliye geesiyoow, ku noqo baalka Hooyadaa, cidna ha u sheegin in aad adiga i badbaadisay, igana bixisay mixnadan aan ku jiray”, Wiilkiina wuxuu ugu jawaabey: “ Hawraarsan walaal”Waa dhaqaajiyay isaga oo ku faraxsan hawsha uu qabtay, wuxuuna ku noqday aqalkoodii iyadoon cidina dareemin.

Meyre oo aad uga careysan falka lagula kacay oo aan is weydiin, kana fekerin maxaa walaalihiis iyo reerka intiisa kale ku qaaday falkaas ama xukunkaas iyo fulinta qaraar culayskaas weyn leh ? Ayaa habeennimadiba ku dhaqaaqay Aargoosi aan loo meel dayin oo fool xumaa, wuxuna aqalka ugu dusay wiilashi la dhashay, nasiib wanaag labadi isaga ka weynaa iyo midki ka yaraa, kuna bahda ahaayeen, habeenkaa waxay aadeen Dhaan, ma aynan seexan aqalkooda, balsa wuxuu marki dambe aqalka ugu galay walaalahiis midki u weynaa oo isaga gaar u deganaa, xaas iyo caruurna lahaa, wuxuuna ku jiiday gawrac isaga oo hurdo, waxaa kale oo uu gawracay wiil ay ilma adeer ahaayeen oo ku soo baxay qeylada Meyre walaalkiis kolki lala helay mindida afkeeda.

Meyre waa baxsaday, reerkina waa isu qeyla dhaansadeen raggoodi ayaa isu soo baxay, waxay arkeen dhibka dhacay, waxay daba gal ku sameeyeen Meyre si ay u soo qabtaan una dilaan, laakin taa ma dhicin oo Meyre lama helin, waa fogaaday maadaama uu ahaa nin orad badan oo xoog badan.

Meyre, waxa uu ahaa nin dhul yaqaan ah oo dad yaqaan ah ee wuxuu ku irkaday dhul uu islahaa waad ku badbaadaysaa, wuxuu ordo ordo, jiidaal dheer iyo socod dheer ka dib, wuxuuna laba habeen keddib gaarey beel ka durugsan meeshuu ka soo orday, wuxuuna magan ahaan u galay guriga Madax dhaqameed caan ka ahaa dhulkaas.

Deegaanka uu yimid Meyre, waa dhul aad uga fog ugana durugsan deegaankii iyo dhulkii beeshiisa, balse waa dad dhalasho wadaag guud ah oo tol ah, reerka oday dhaqmeedka iyo reerka Meyre dhalasho ahaan. Reerki Meyre waa maqleen arrintaa, waxayna ka soo daba direen ergo soo celiso Meyre, balsa oday dhaqameedki iyo reerkiisa waxay ku adkeysteen, in aynan dhiibeyn nin magan u soo galay dhulkooda iyo guriga Duubkoodana galay, wixi diya uu galay Meyrana ay diyaar u yihiin bixinteeda, maadaama uu jiray xeerar ka dhaxeeyay labada reer oo sidaas dhigayay waagaa.

Reerki Meyre, waa isaga soo noqdeen kolki lagu dabray rabitaankooda xeerar horay uga dhaxeeyay reerkooda iyo reerka uu magansaday Meyre.

Reerki Magan geliyay Meyre, waxay Meyre siiyeen Gabadh, una dhiseen,waxaana loo gangaamey Aroos weyn iyo aqal laba daryaale ah.  Waxaa kale oo ay siiyeen dhul beereed uu tacbado. Odaygii, wuxuu ka codsaday inuu ka balanqaado inuusan burcadnimo iyo boob dambe samaynaynin, halkaasna falalkii tuuggada iyo dhaca ku joojiyo. Meyre waa yeelay waana qaadey balantii uu Oday dhaqameedka la galay, waana fuliyay.

Wuxuu dhalay ilma badan, keddib kolki uu guursaday laba xaas oo kale oo reerkii magangeliyey ka dhashay.

Meyre wuxuu noqday raas buuxa, Carruurtiisiina waa hanaqaadeen oo koreen, waxay noqdeen dad higsi leh oo waxqabad badan, hawlkar ah, xooggan sida aabbahood, dhammaantoodna waxay barteen Diinta iyo Quraanka, maadaama reerka magangeliyey ay ahaayeen dad culumo ah, waxay intooda badan dhulka ay ku dhasheen iyo dhulal kale oo ka fog dhulka aabbahood soo magansaday ka oodeen Dugsiya quraan oo kiciyay dad badan oo quraanka bartay.

Ninki Meyre, waxaa dhabarkiisa ka yimid oo dhashiisii noqotey dad ahlu diin ah, dad badana ay ka barteen Quraanka Kariimka ah.

Waa dhab inaanu qof xumi dhalin qof xun oo kaliya, Qof wanaagsanna dhalin qof wanaagsan oo keliya, taasi waa sunnada nolosha, waxaana marag inooga ah, Sooyaalka Islaamka in Nabi Maxamed(SCW) mar ay reer Daa’if xumeeyeen ee dhagaxa la dhaceen, foolkiisa dhiigu qariyey, In nebiga “SCW” la weydiiyey in labada Buuraha u dhaxeeya Makkah iyo Daa’if dhinacyada ka xiga laysugu dhirbaaxo, Nabigana(NNKH) waa dulqaad badnaa, naxariis badnaa, ma dhihin Haa ee wuxuu yiri: “ Iska daaya kuwa dhabarkooda laga helo ayaa eebbe ka dhigi doonaa dad wacan oo diinta u gargaara.

Qofkii shalay xumaan falay, ubadkiisa ayaa wanaag fali kara, haw colaadin qofna falkii aabbihiis ama awoowgiis geeystay ee waxaad fiirisaa kaalinta uu isagu bulshada kaga jiro.

W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud (Siyaasi)

moallem10@hotmail.com

SHEEKOOYIN