DABIN IYO DAKANO Q-3aad W-Q: Abdulle Abdi Karim

Q-3aad
Markii tacsidii ay dhammaatay saq dhexe ayey Axmed Dhoore iyo ciidan uu wato gurigii Jimcaale Wehliye yimaadeen, waxa ayna la baxeen curadda Xaadsan Muna iyo walaasheed oo iyana 21 jir aheyd Shukri asaga iyo ciidankii shuftada ee dharka dowladda dadka ku dulminaayay, waxa ay fara xumeeyaan labadii gabdhood, Muna naxdintii iyo jirdilkii bay u dhimatay oo waa dagaalantay ilaa buud lala dhaco.
Geeridii Muna iyo dhaawacii Shukri soo gaaray dadkii tuulada baa isku qeylinaya, si ay u soo badbaadiyaan waxa ayna u tagayaan muna oo dhimatay iyi shukri oo dhaawac la ildaran.
Dabadeedna madaxda sare gobolka bay u dacwooden halkaas waxa fadhiya waa Axmed Dhoore, oo looga dacwoonayo wax uu ogyahay qofna ma aqoonsan
baaritaan iyo dabagal waxa la ogaanayaa in Taliyaha cusub uu yahay Ina Dhoore oo aargudasho u socda
Reerkii Jimcaale Weheliye waxa loo sheegay in ay degdeg uga baxaan inta aan la is daad-raacin, waayo aad ayuu uga awood badnaa waqtigaa waa taliyihii gobolka
Axmed Dhoore ma ogaan in la ogaaday  kuwii falka la geystay iyo qaar warmoog buu yiri soo baara arrintaas .
Gawaaridooda bay meelaha ku soo marmareen ayagoo dadka u sheegaya in ay ku raad-joogaan mar dhowna soo qaban doonaan waa Col ku dhac tuugo kuu ciidamisay.
Dadkii Tuulada oo si qarsoodi ah u anbabixiyay agoonti reer aw  jimcaale.
Wax ay isku dhaarsadeen in ay caddaalad u helaan reerkaa Aabbahood la dilay gabdhihii u kacayna la daadraacshay, inkastoo waqtigaan sharciga uu gacanta ugu jiro Danbiilihii falka geystay.
Oday Xuubeey oo ka mid waxgaradka beelaha degaanka waa 79 jir caano geel iyo hilib iyo Masago ku koray 40 jir baa la moodaa wiilashiusa laba ka mid ayaa midna wasiirka arrimaha gudaha yahay midna waa Garyaqaan.
Uma cid dirsan ee cagahiisa ayuu ugu tagay masiibadii tuulada ka dhacday buu uga tibix siiyay.
Dhanka kale Cali iyo reerkiisa labadii ka yareyd iyo Hooyo Xaadsan guri iyo gole ma heystaan meeshu waa magaalo ma af yaqaanaan waxa ay heybsadeen islaan Eeddo koraad ah oo Xamar in degan tahay loogu sheegay nasiibdaro xamar baan is aqoon……
To be continue

SHEEKOOYIN