DABIN IYO DAKANO W-Q:Abdulle Abdi Karim

Muqdisho iyo maalmihii Axmed. Q-2aad
Axmed waxa uu ku dagay adeerkii Mire iskuulka dadka waaweyn baa la geeyay, waxba wuu fahmi waayay waxa la geeyay garaash baabuurta lagu sameeyo reerka lahaayeen ha sheegin, qolyaha dhagaxa jabsho kaba sii daran ugu danbeyn Askarta ayaa lagu daray halkaas ayuu la qabsaday ilaa uu gaaray Saajin hadba Tuulo ayaa madax looga dhigi jiray.
Axmed Dhoore waxa uu guursaday ilaa iyo 7 da naagood oo mid walba da’da koowaad markey gabat  dhasho waa uu furi jiray.
Intaa maankisa kama bixin Xaadsan uu islahaa wiilal mataano bay kuu dhoobi laheyd.
Axmed Dhoore markaan waa sargaal sare oo gobolba mar loo baddalo tuuladii iyo gobolkii uu ka yimid waa u dibno qaniinayaa mar in dhankaa loo diro sharciga askarta waa laga ilaaliyaa masuul in uu gobolka uu ka soo jeedo uu ka shaqo galo arrimo badan awgood Axmed maaddaama uu saaxiibo waaweyn ku yeeshay maamulla ciidanka si dedban buu codsi ugu gudbiyay waana loo kala fuliyey codsigiisi
Axmed Dhoore markii uu gobolka maamulkiisa la wareegay habeen saddexaad saq dhexe asaga iyo 4 askari oo horay ula socday baa tuuladii aaday si uu u soo xuuraansado, durba waxa uu ogaaday in reeruhu intii dhimatay mooyee inta kale  ay wada degan yihiin.
Asagu oodinta ku taagan Waa Jimcaale Wehliye uu arko inuu sadkiisii la tegay
Wuxuu amray in Jimcaale Wehliye la soo xiro, isagoo ku tilmaamay jaajuus qaran dumis ah, askartiina waa ay la boodeen,  si degdeg ah ayey taliyahooda amarkiisa u fuliyeen.
Buuqii iyo sawaxankii waxa soo baxaya derisyadii waxa loo sheegayaa in askar wadatay Jimcaale Wehliye.
Waxa la isku qanciyay in wareer cawo loo waabariisto hase ahaatee Reerkii Jimcaale Wehliye waxa waaga u baryay ayagoo aan seexan.
Subaxdii markii saldhigga tuulada laga raadiyay waxa ay u sheegeen in xalayba jirin qof la soo xiray.
Wax la raadiyaba maalmo ka dibna maydkiisa geeljirayaal soo sheegeen markii goobta la tagayna booliska iyo reerkuba waa ay xaqiijiyeen.
Murugadii reerka iyo musiibadii ku dhacday waa mid deeggaanka wada harreysay, waxa la is weyddiiyay haddii Booliska aysan ogeyn qolyaha matalayay yey ahaayeen, mase jimcaale Wehliye bad buu galay oo ciidanka sirddoonka baa halakeeyay.
La Soco Qeybaha Xiga

SHEEKOOYIN