Hoos-Jooge ma Hambeeyo, W-Q Abdulle Abdi Karim

Beri baa waxaa jiray Boqor lagu tilmaami jiray inuu u yahay Boqor caaddil ah, oo deeqsi naxariistana ay biyo dhigtay.
Dhulka uu ka taliyo oo aad u balaarnaa wakiiladiisu waxa ay si toos ah warbixinada ugu soo gudbin jireen hadba meeshii daaris u baahan waa uu gufeyn jiray.
Qasriga uu ku noolyahay waxa uu ahaa mid ka sameysan dahab. Weelasha wax lagu cuno waxa ay ahaayeen Qalin,  barwaaqo adduun ayuu dhexjibaaxayay.
Maalmihiisa shaqada waxa ahaayeen todobaadkiiba hal maalin, Boqorka waxa uu ahaa boqlsoon halkaa maalin maahee inta kale masjidka ayuu dhex joogi jiray.
Maalin maalmaha ka mid ah oo boqorka dhallashadiisa loo dabaaldagayo oo meel walbo la iskaga yimaado, maalinkaa dadka oo dhan ayaa tuulooyinka ka yimaado saddex habeen iyo saddex maalin ayey ku qaataan boqorkana waxa loo keenaa haddiyado wiil yar oo socotadii ka mid ah baa u keenay Santuuq yar oo maar ka sameysan waxa uuna ku yiri: Kani santuuq ma aha, su’aal walba oo aad weyddiiso waa uu kaaga jawaabayaa  si sax ah.
Boqorkii aad buu ula amakaagay Suuye ma hadlayaa waa ba cajaa’ib e wiilkii baa ku yiri: Maya ee qoraal buu kugu sheegayaa jawaab walba.
Saa Boqorkii oo jecleystay inuu suaal ku saabsan asaga weyddiiyo baa ku yiri: Bal iiga warran xukunkeyga sow caddaalad ma aha ?
Waxa uu u soo qoray maya¡ mana u dhowid haddii aad sababta rabto waan kuu sheegi karaa.
Boqorkii oo naxdin qac la yiri baa ku dhahay ogow haddaad been ii sheegto wiilka qoorta ayaan ka jarayaa.
Waxa loogu jawaabay caddaaladdaadu ma sidaa baa oo runta ayaa ku dhibeysa.
Boqorkii oo weligii arkin , maqlin wax ku soo waeceliyo baa aad uga xanaaqay.
Waxa loo raaciyay ha xanaaqin  sir baan kuu sheegayaa dadlaan ka eri halkaan.
Boqorkii sidii buu yeelay deedna waxa lagu dhahay waxa jirta Islaan waayeel ah oo habeen walbo buurta halkaa ku taal ku ooyda ku Alle barido in  aad xukunka ka dhacdo oo meel daran ay kuu danbeyso .
Boqorkii oo naxdin awgeed wadnuhu istaagi gaaray baa go’aansaday inuu islaantaa waayeelka uu cawada soo helo kaddibna Saq dhex ayuu faraskiisa kooreystay kolkii uu tagay goobtii loo tilmaamay ayuu jabaqna ka waayay waxa uu dheg raariciyo12am ayuu maqlin ooyin iyo hinraag deedna waxa uu dul tagay  Islaantii waxa uu ku yiri:  Hooyo maxaa la ooyeysaa? Maxaase cidladaan ku dhigay.
Waxa ay farta ugu fiiqday inuu raadkeeda dib u raco asagaa ogaan doono jawaabtee.
Boqorkii muddo lu dhowaad 2 saacadood markii uu socday ayuu Tuulo ku soo baxay aad u burbursan dadku derbayada jiifaan, ilmuhu gaajo ay la ooynayaan Qabtiyadu ay camiran yihiin masaajidyadu ay mugdi yihii waa uu yaabay.
Boqorkii waxa uu yiri aaween odayadii  ha la soo wada xaadiriyo kolkaa ayuu warreystay.
Waxa ay dhaheen Boworoow 100 jeer baar ergo kuu soo durbay farriinteena waxa dhaxda u istaagay dadkii aad u wakiilatay xoolaheennii ayagaa canshuur u qaatay waxa aan awoodi weynay inaan beeraha falano waayo abuurkii xataa waa naga qaateen taas waxa nooga daran waxa ay dhaheen haddaad isku daydaan in aad boqorka u sheegtaan dadkiina waa leyneynaa tuulada waa gubeynaa.
Boqorkii waagaa ku baryay waxa uu ogaaday in xulunkiisa dad lagu dulmiyay deedna waxa uu qoorta ja wasa jiray kuwii falkaa geystay habtidii ay lunsadeenna dadkii baa loo celiyay deeggaankiinna waa loo dayactiray waxa uuna u saneeyay maamul deegaanku leeyahay oo maareeya.
Boqorkii markii uu arrimihii kaka xaliyay
Ayuu damcay inuu wiilka sanduuqa keenay la hadlo abaalmarin siiyo wiilkii iyo santuuqii wa la waayay meel ay cirib iyo jaan dhigeen.
Boqorkii maalinkaa wixii ka danbeeyay wakiil walba waxa uu daba dhigi jiray xisaabiye hantidiisa  ninkii lagu arko wax tankiisa ka badan maxkamad baa la soo taagi jiray halka uu xoolaha ka keenay haddii uu caddeyn waayo dadka hortooda ayaa lagu daldali jiray markaa wixii ka danbeeyay shacabja iyo madaxdu waxa ay noqdeen dad isku mid ah waxana meesha ka baxay boobkii hantida dadweynaha.
Dulucda sheekada waxa aan ka baran karnaa qof walba oo madax ah dadka ku xeeran in uu il gear ah ku haayo Saba too ah, ayagaa gummeeya ama guulleeya, si kasta uu u yahay qof Alle ku xiran . Sudan darteed waa in aan ka feejignaano talo xumo tayo xun waayo hoos-Jooge ma Hambeeyo waxa kale of la yiri ilu il ma dhowrto bal qiyaas qof ammaanadii shacabka Kiu dhiibtay and ku aamintay of jalaafo iyo sabaaxad iskugu Kaa Darcy.
Abka Xaaji Qalin-Weyne

SHEEKOOYIN