Jaceylkii Aw Yaxaas W-Q: Abdulle Abdi Karim

Jaceylkii Yaxaaska

Beri waxaa jiri jiray Yaxaas naxariislaawe oo mararka qaar keynta wabiga jiinkiisa inta ku soo faalalo dad iyo duunyo iyo Duggaag duuduub u liqa.
Halista Yaxaaska uu ku hayo deeggaanka haddana wabiga waa loo aroori jiray ileen biyo lagama maarmee.
Maalin maalmaha ka mid ah, Bakeyle oo biyo doontay ayuu yaxaaska dusha ka daawanaayay aad ayuu uga helay oo la ashqaraaray noolahaan yar ee quruxda badan waana jeclaaday.
Bakeylihiina markii uu wabxay aayar buu iska dhaqaaqay.
Maalintaas ka dib yaxaaska waxa uu il gaar ah ku hayay Bakeylaha ilaa markii danbe uu u xoog warramay una sheegay inuu jecel yahay, jeclaan lahaana inuu agtiisa ka fogaan.
Bakeylihii baa ku yiri: Aw yaxaasoow haddaan kula saaxiibi lahaa aamin
Ma tihid hal mar oo aad i cantuugto ayaan ku if seegayaa
Yaxaaskii baa yiri: Ma adiga haba ka yaabin in aan ku dhibaateeyo.
Bakeylihii baa yiri haddaba si aan kuu Aamino ilkahaan miinshaarta waa in meesha laga saaro waa hadduu jaceyl kaa dhab yahay.
Yaxaaskii waxa uu yiri haddii aad la jirkeyga noqoneyso
Dhammaan ilkaga waa iska daadinayaa.
Bakeylihii waxa uu yiri Hagaag markii aan arko in ciridkaaga oo miinshaaraha laga guray wabigaan ku wada dabaaldagi doonaa.
Yaxaaskii dhagax wabiga jiinkiisa ku yaalay buu iskaga shafay ilaa cirad dhiigaya u soo haray.
Maalinkaa wixii ka danbeeyay Bakeylihii wax’s uu bilaabay in uu si xarago leh ugu dul cayaaro, Yaxaaska dushiisa, xayawaankii kale markii ay arkeen waxaba ay bilaabeen in ay ku maadeystaan.
Yaxaaskii maalin ba maalinka ka danbeeya waa uu sii tabar beelayay ilaa uu laf iyo maqaar noqdo waxaana jirkiisa saameeyay boogo tiro beel ah, ilaa Bakeylihi ka ash’asho deedna isaga fogaado, halkaasna waxaa ku dhammaaday xiriirkii u dhaxeeyay yaxaaska iyo Bakeylaha.
Yaxaaskii oo nafta ku sii dabo yartahay waxa uu aad uga qoomameeyay dhibta uu isku geystay wuxa uuna haaraamay naftiisa u qurxisay gabagebada noloshiisa halkii ayuu ku naf baxay, halka uu bakeylihii noloshiisa sii watay.
Halkaan waxaan ka baran karnaa matka koowaad in aad sharafka iyo qiimahaaga aadan u doorin qof kale madaxeeda waxa aad wax ku tahay inta aad adigu naftaada qiimeyso maalinka aad qiimahaaga hoos u dhigto waa maalinka halaaga kugu bilowdo.
Wax waa jeclaan kartaa balse jaceylku haddii uu xujo wato ka soco (Walk away) inta goori goor tahay haddii kale waxaad ku danbeyn doontaa shalaay iyo qoomamo.
Waxa aad arkeysaa gabar waalidkeed ay u deyriyeen wiil ay raali ka aheyn kaddibna uu jid cidlaa uga tagay asagoo ku marmarsimoonaya qof habaaran yaa heysan karo, bal eeg ayaamihii macmacaanka asagaa hor boodayay markii ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen waa kaa deyradii waalidka deyro ugu daray.
Waxaad arkeysaa wiil waalidkii ka doortay gabar aysan raali ka aheyn inta badan shilkaan waxa uu ka dhacaa qurbaha ayaamo ka dib bacdiisa bannaanka loo dhigaa naag ma haayo reerkiisa waa la kala dhintay.
Muhiimadda waa in aad naftaada u baabi’in qof kale doonistiisa maanka ku haay maalinkaad tabar beesho u diyaar garoow in jidka lagaaga tegi doono, Abaal ruux galaa badan ruux gudaase yar.
Abka Xaaji Qalin-Weyne

SHEEKOOYIN