GORFAYN KOOBAN BUUGGA QORI-ISMARIS
Magaca buugga, waa mid soo jiidasho leh, micno iyo mug waynna gudbinayo.
Waa saddex eray oo isku wada xirmaya una baahan uun in xarriiq lagu xijiyo qori-, mar kalena sida uu qoraagu dooray u qormi kara.
Cinwaanka guud, waxa hoos yaal cinwaan yare ka ballaaran fasir ahaan, balse u noqonayo cinwaanka laftiisa, waana (Mar bay sheeka baralaydu run noqotaa!).
Marka aad aragto labadaa cinwaan, waxa ay kaa rabaan in aad isku aqriso, islana doonto qaabka ay isu qaadanayaan. Waa mugga hore oo aad aragto sawirka buugga iyo labada cinwaan ayay maskaxdaadu faalal tagaysaa kuuna diraysaa fasiraad iyo faaqiqaad intaa ku saabsan ama ka sii durugsan.
Maanku, intaa kuma harin ee waxa uu kuu sii dirayaa waa kuma qoraha isu keenay saddexdaan isbarkan ee wejiga hore laga arki karo, middaasuna waqti kaa qaadan mayso oo ishaada ayaa kolkiiba qac ku dhahayso magaca Muxuddiin Xuseen Ciid, kolkaas ayaad ilbiriqsi kooban ku soo heli kartaa qoraalladiisa ama suugaantiisa kaleba. Intaa kaddib waaye kolka aad bilaabayso baalal rogrogga buugga, kolkaana kaa rabyo in aad cinwaanka iyo buugga aad isku xirto. Waa hubanti kuu sahlanaan ma doonto haddaadan degenaan iyo diiradsaar ku aqrin.
Ma rabo in aan buugga ka dhabjiyo aqristaha oo weliba doc uu la aadi lahaa maahee aan doc kale uga jiido. Waxa aan rabaa uun in aan wax ka iraa nuuca buugga iyo qaab qoraalkiisa iyo qoraaga.
Buugga, waa Qori is maris e, waa buug lagu fasiri karo dhowr nuuc qoraaleed oo caalamiya. Mugga hore ”Qori is maris”, waa sheeko/qiso ama Novel.
Waxa ay leedahay calaamadaha iyo shuruudaha ay ku qaadan karto sheekofaneed. Waxaa ku jiro shakhsiyaad jilayaal ah oo qaadanayo dowrar muhiim ah oo ku jiro bilowga, caloosha iyo hareeraha sheekada. Waa middaas midda siinayso magaca sheekofaneed, intaa ku dar oo dhererka qormada sheekada oo aan ahayn mid gaaban ayaa sii adkaynaysa ahaanshaha sheekofaneed ama qiso.
Doc kale, aan ka eegno haddana, waxa ay ila tahay in buuggu noqonayo waxa la yiraa ”Halxiraale dembi-faleed” oo afafka kale lagu yiraa: whodunit ama لغز الجريمة. Ama sheeko booliseed Myth (Dembi-baaris).
Waxa ay ila tahay in qaybta dambe su’aalo la iyaga waydiin karo oo la i waydiin karo buugga Qori is maris, sidee ku wada noqon karaa labadaa qayb ama saddexdaa qayb aad siisay?
U malayn maayo in dooddu tahay midda hore ee Sheekofaneedda, laakiin kuwa dambe ayaa noqon karo, kuwo la i waydiin karo, lana iswaydiin karo, maankuna i waydiin karo, waa horta beerta ”Tsavo” dhexdeeda iyo qasriga Albert iyo Susan dembi ma ka dhacay? Hadduu dhacay yaa maleegay? Lily iyo Martin, xaggee mareen oo yaa qaatay? Arrinkaasu, ma yahay dembi dhacay, mise? Ma u baahan yahay dabagal iyo baaris adag mise? Natiijadu, ha noqoto sida ay doonto gunaanadka, ku darso e ma qofbaa, ma dugaag baa waxa gaarigu ku jiiray isla goobtaas? laakiin waa halkaa iyo halka buuggu ka qaadanayo magaca Halxiraale faldembiyeed. Sida wax u dheceen qushigeed, waxa dhacayse maahayn wax yar.
Buugga si guud, waxa aan siiyay magaca sheekofaneed. Haddaba sidee loo qoraa sheeko faneed? Nuucee ayayse noqonaysaa middan QORI IS MARIS?
Qori is maris, waa sheekofaneed run ah, si qurxoon oo soo jiidasho leh loo falkiyay madax, ubuc iyo majaba loo yeelay, hadaf/ujeeddo cad oo fogna gudbinayso, wax badanna laga baran karo.
Sheekadu, waxa aan u qaybiyaa afar nuuc, dadka qaar waxa ay u qaybiyaan ka badan iyo ka yarba.
- Bilow, ubuc iyo dhamaad isugu xiran oo toosan.
- Ubuc, dhamaad iyo bilow.
- dhammaad, ubuc iyo bilow.
- Warwareeg isku qasan. Waa nuuca ugu adag.
Daanta kale, minaan ka daynana, buuggu isku days ama isku dhex furan maahan oo qoraagu, si qurxoon ayuu u soo kala guntumeeyay, si uu ugu sahlo aqristaha.
Haddaba, maxaan ka baran karnaa sheekada QORI IS MARIS?
Waa mare in maanka la carbiyo, lana baro furfurka halxiraallada, waa buug waxbarsho oo dembibaarisyada wax lagu bari karo. Waa mala awaal sida cinwaanka ku xusan noqon karo run, dhugo Mar bay sheeka baralaydu run noqotaa!
Haddaan mala awaalku jirin horumar ma yimaado, middaasu aad ayuu u xoojinayaa buugga, kolka laga yimaad barashada dembibaarista. Daan kale haddaan ka eegno, buuggu waxa uu nooga digayaa aayatiin xumada na hayso oo weliba aan innaga aayaheenna gubayno, waxa uu tusaale naga siinayaa xadgudubka duurjoogta iyo nabaadguurka aan ku hayno, taas oo cimilo bedel adag ku socdo dunida guud ahaan iyo innaga isciribtirka aan isku hayno aad ayuu uga digayaa.
Markii ugu horreysay oo aan aqriyo buugga isaga oo draftigi ugu horreeyay ah ayaan qoraha kula tliyay in sheekada loo tarjumo English iyo afaf kale, maadaama sheekadu ay xiisaha maahee ay xuduudda ka gudubtay, madaxana la gashay saddex geesood, weliba waxa aan ku daray, welina leeyahay ha laga dhigo filim, waayo waa u qoran tahay habka qoraallada filimada Cinematic.
Qori is marisna, waxa uu ku dhamaaday ”Dhegdheer dhimatoo dhulkii nabad” iyo heshiis dhex maray duunyo/dugaag iyo dad.
Hambalyo Qoraa/Abwaan Ciid.
Xuseen M. Cabdulle (WADAAD)



