MITIRKUBADII XAAJI MACOW
CABDULLE CABDIKARIIN (ABKA XAAJI)
Waxa ay aheyd aroor hore. Xaaji Macoow waxa uu u kalahay suuqa Xoolaha, isla markii uu tegayba waxaa ku soo kala orday dalaalliin faro badan, kuwaas oo midba faraqa dhinaca uga dhagay.
Xaajiga, asaga xataa ma ogo waxa uu rabo, mid xariif ahaa ayaa yiri: Xaajiga daaya deris baan nahaye anaa garanaya waxa uu rabo e, suuye: Xaaji Geel, Lo, Ari, Farddo, iyo Dameeraba waa diyaar ee dooqaaga ka ciyaar oo kaliya ii farmuuq.
Xaajiga baa yiri: Dameer… Dameer… Dameer… weligey ma yeelan mugga,waxa aan rabaa mid tababaran .
Dalaalkiina siduu u la cararayay ayuu xeyn dameero ah dhex geeyay, ka dibna Moon la yiri aad ayuu u tababaran yahay ayaa farta laga soo saaray, lacag badanna waa laga gedistay, dallaalkuna gooni ayuu u sii furtay.
Xaajiga, asagoo aad u faraxsan buu xaafaddiisa la yimid Dameerki.
Xaajiga waxa uu degan yahay guri Labo dabaq oo Mitirkuba ah, sidii uu u la sii ordaayay ayuu dusha sare saaray, asagoo ku leh: Halkaan waxaan ka daawadaa bilicda magaalada, waa magaalo aad u qurux badan. Hanfi iyo Kuleyliyo, Habaas ma laha dhulkeenna. Ka la baro xaafadaha oo isha ka buuxso, lacalla si aadan ugu dhumin.
Deedna xaajiga, markii uu soo dhaweynta Dameerka u dhammeeyay buu yiri: haddaba na keen aan hooygaaga ku geeyee.
Dameerkii waa uu diiday inuu u hoggaansamo amarka Xaajiga, si kasta oo uu yeelay sabaal iyo xoogba waa u suuroobi weyday inuu soo dejiyo.
Kaddibna Dameerkii waxa uu bilaabay inuu Firindigleeyo, dhisme Alwaax ka sameysan Dameer ku boodbooday inuu sii taagnaaneyn xaaji Macoow waa daremay, kolkaa buu orod jaranjarada uga degay xaaskii iyo laba carruur ah oo joogtay buu bannaanka u saaray .
Waxyar kaddib, dhismihii dhulka ayuu galay halkii ayuuna Dameerkii ku dhintay.
Dameer, gacan uguma jiro Xaajiga, lacagtiina waa la ga soo furtay, mininkiina waa dumay.
Xaajiga isaga ka murugaysan geerida degdegta aheyd ee ku timid Dameerka ayuu is dultaagay oo ku yiri: Dameeroow adigu wax khalad ah ma lihid, danbiilaha waa aniga. Waayo waxa aan ku geeyay meel aan mustawahaaga aheyn, haddii aan dabaqa sare ku saari laheyn waxaan oo dhib ah ma dhaceen aad baan uga xumahay.
Biyo dhaca xikmadda sheekada, qofna ha siin Darajo uusan mudneyn, asna wuu is haligayaa, adna waa kula galaafanayaa.
Waxaad maqashaa ama aragtaa qof ku caasiyay, waalidkii, macalinkiisa, walaalihiis,asxaabtiisa. Isku soo duub qof ay ehel iyo xigaal ay hiil iyo hooba garab qabteen oo naftooda halis galshay, qofkaas halkee buu ku danbeeynayaa? dabcan silic iyo saxariir adduunyo iyo ciqaab aaqiro.
Haddaba si aan uga fogaano, in aan sun walaaqanno waxaa xusid mudan in aan is xasuusino wanaaga iyoin aan xumahana iska reebno jeer ay hooyadaa ku tahay in aad gacanta qaban kartid
U hiili walaalkaa Dulmiyaha ah, una hiili walaalkaa Dulmanaha (Waa xadiiskii Rasuulkeenna Muxamed NNKH).



