Basra oo yaabban baa si hoose u tiri, “Naa bal ninka iiga warran, Allaa iga badbaadiyay oo waa aan ku sirmi gaaraye, maxaad ku aragtay? ma wax xumaan ah oo aad ku ogtahay baa jira?”.
“Naa hooy aan kaaga digee ninkani waa shabeel naagood aan waxba hambeynin, naaneystiisuna waa shabiye shan soo geli shan sii bixi ah ee agtiisa ka fogow baan ku dhihi lahaa, xataa araggiiisa yaan laguugu sawirin, maxaadse ku fali adiga oo Aw-Cumar heli karo, saqajaankan xarkaha goostay ee bilaa anshaxa ah” ayey Nuura Cali iskaabulo ku aflagaaddeysay si ay Basra uga fogeysato.
Basra Xaaji oo ah gabar iska daacad ah, welina aan fahmin cayaarta ay Nuura meesha ka dhex waddo, ayaa si dhab ah u tiri, “Aniga wiilkaasi aqoon gaar ah u ma lihi oo aan ka ahayn, inuu dhowr jeer haasaawe iigu yimid, balse haddii uu sida aad adiga ii sheegeyso uu yahay, dammaceyga ma aha, nuucaas, tan kale aniga nin iga weyn oo naago shabiya ah maba maqli karo oo jinnigeyga ayaaba neceb markeygii horana, waxaan aad uga didsanaa magaca lagu sheego oo ah “Hebel iskaabulo”.
Nuura oo ku guuleysatay, in ay Basra ka cayrsato ninka ay caleema saaratay dooqeeduna uu ku sii jeedo, ayaa tiri “Ku mahadsanid walaal in aad iga talo qaadatay, aniga oo huba, inaad haasaawaha Aw-Cumar libin weyn ka gaari doonto”.
Wax yar ka dib, halkii ay gabdhuhu taagnaayeen waxaa soo dhinac maray Aw-Cumar oo keligii iska laafyoonaya, waxa uuna isaga oo faraxsan, si gacan haatin iyo dhoolla caddeyn ahaydba ugu salaamay hablihii meesha taagnaa, hortiisa ayuuna u sii dhaafay.
Basra ayaa markiiba la soo boodday “Nuuraay waa kaas wadaadka aan kuu sheegayay ee bal qiimee oo war iga sii, sidee buu kuugu muuqdaa?”
“Saaxib wiilku waan aqaannaa oo waa doob keli noole ah ee maad dhankiisa toos ugu bareertid? illeyn gogol cidla ah baad habeenkii keligaa dhex rafataaye” ayey Nuura si kaftan ahayd saaxiibteed Basra ugu tuurtay.
Qosol yar ka dib, Basra Xaaji inta ay yara qajishay bay iyaduna markeeda tiri “Naa adba sow ila ma wadaagtid gogosha cidlada ah iyo barkinta wehel la’aaneed ee aad ka hadleyso, mise wax aanan la sheegeynin baa kuu qarsan?”.
Nuura intey qumaati u soo jeesatay bay si dhab ah u tiri “Naa hooy gabar yahay kaftanka intaad meel iska dhigto dabacsanaan la imow, ogowna, in ay dumar fara badani olole baadi goobis ah ugu soo jiraan raadinta wiilkan Aw-Cumar ah!”.
Basra inta ay naxday bay la soo boodday “Alla naa warkaasi ma kaa dhab baa, mise aniga ayaad i sii waaleysaa ?”
“Naa kuma waalayee, waa iga dhab ee yaanan faraskaaga laga badin” bay Nuura saaxiibteed Basra ku sii guubaabisay, iyada oo ujeedkeeda uu ahaa, in ay ka ceshato midka ay iyadu daneyneyso ee ay baadi goobka ugu jirto.
Basra, si kal iyo laab wanaag ah bay u guddoontay soo jeedintii maan qaboojinta ahayd ee Nuura, waxaa ayna gabdhuhu si farxad leh iskugu sii sagootiyeen is gacan qaadid dhunkasho leh, iyada oo ay Basra arrinka daacad ka tahay Nuurana ay lug u laaban tahay, waxaa ayna ku kala hoydeen “Mahadsanid iyo adaa mudan”.
La soco q. xigta
Barbaariye/Bashiir Cali Xuseen




