MAR-MAR-SIINYO Q.9aad
Xuseen M. Cabdulle (WADAAD)
Dhankaas dhan dheh, dhankaa kalena dhan dheh!
Koofur, waa koofurtii la yaqiinnay, oo waa middii kol hore laga hayaamay… Hayaankaasu kolkiisi hore gar maahayn…In uu dhan dayacmo, dhanna loo kala kudo, isaga oo aan wax dhaamin midkaa laga dudaayo. Waxaase lagu tilmaami karaa uun, maan gurracan iyo garasha jaantii la sheegi jiray.
Buurta dheer xaggeeda, wixii ay camirnaataba, is beddel baa ku dhacayoo camirnaanta lafteeda ayaaba kolkii hore ahayd indha sarcaad, haddana waxa ay gaartay, in wixii dahab la mooday ay bulukaati ka sii liiteen.
Dulmi, gabboodfal iyo itaal sheegad wixii la samayn karay oo dhanba, waxba kama ay harin, wixii la dhici karay mood iyo noolba wax laga ma reebin. Runtii hor, gadaal iyo hareeraba citin iyo wax la hambeeyayba ma jiraan.
Minin walbaa, wixii laga jiidan karay baa laga jiitay. Bililiqo oo la macna ah booli liq baa halkaa ka dhacday. Waxaa daarta dheer iyo buurta dheerba isugu soo haray Oday Kaxandho, Soofeeye iyo tira yaroo kooban, intii kale ee raaciyadda u ahaydna firdhadkii hore iyo kuwii xigay bay galeen., halka ay wajiga saareenna waa rabta ay inta badani u jihaysateen.
Haddaba jihaysashadu ma ahan waqooyi, galbeed iyo bari. Hasa yeeshee, muggan mid aad doorashadeeda adigu leedahay ma ahan ee waa rab ama ha rabin, wallee waa lagu fadsiin, oo waa ma huraan iyo lamahuraan. Halka uu hillaacu ka muuqdo kolkaan waa jihadaas la wada aaday. Afartii irdood, saddexi waa oodantay: “Inta maan ka baxaa, maya inta maan ka baxaa meel alla” wixii la yiraahdaba, durguf hal dhinac ah bay noqotay.
Maandeeqdii la koolkoolin jiray waa taa ciinka daaqday…Dawada ciinkaa ( Antidot ) rabta ay taallana waa mahaas loo hayaamay, maxaa yeelay halkaas, rajaa ka ifaysa, minii halkaas kale ay kala haad iyo ilxumo ka muuqato. Rajada Rabbi, quus ma leh, balse Oday Kaxandho iyo xayntiisa, waxay faleenba faleene, xaggee raad iyo cirib dhigi doonaan?.
Oday Kaxandho, isaga oo ku jira qolkiisa daarta dheer buu qaylo afka furtay, waxa uu leeyahay: ‟Soofeeye iyo Magaad baa i luga jaray, aaway iftiinkii? Waa maxay mugdigaan aan joogo? Ma cawaa, ma maalin baa?”.
Weligiiba ha qayliyo… Yaaba u juuqayo, una jiirnaxayo ama u jixinjixayo. Cid walbaa oo xertiisa ah halkiisa ayuu nalka ugu damay, wax wal oo wax lagu iftiinshana ma herin kol ay ku tahay Kabriid ama shummuc la shito, ewelna wax waloo jadiinka la marshaa gabaabsi ku sii ahaa.
Qasrigii qasriga ahaa ee muuqiisa meela fog laga soo bidhaansan jiray, muggaan waa dam iyo dam gudcur madow ah.
Soofeeye iyo islaantiisa, iyagu ilmihoodu, waxa ay ku sii darsadeen raacii dhexe ee hayaanka safarka gashay. Kaxandho, isaga kama war qabo, in widaygiis, uu ilmaha sii hormarsaday. Isaga iyo islaantana ay sugayaan inta uu waagu ka dillaacayo, waayo waxa ay diyaar u yihiin u sii hilhilashada hiirasi arooryaad.
Oday Magaad, isaga waa dillaacaba ma sugine waa sii guureeyay, isagu guure hore uma aqoon muggaanse dantaa tiri oo tustay, in aan la sii joogi karin oday Kaxandho agtiisa iyo buurta dheerba.
Xuseen M. Cabdulle ( WADAAD )
La soco Q. xigta




