LIIBAAN MA LE ADDUUN!
Ma fahantaa Suugaanta? Ma leedahay gowso aad ku ruugto iyo carrab aad ku dhadhansato tixda Soomaalida– sida gabayga, shiribka, heesta, suurowga, geeraarka IWM.?
Haddii aad ka mid tahay dadka aan fahmin ama yareysta ba, waxaan ku dhihi lahaa ‘baro sida loo dhuuxo’ waayo, wax badan ayay kaala maqantahay.
Bal wax yar dhugso tuducyada hoose, oo aan sharraxaad yar ka bixiyay. Waa cashar dhan, oo noloshaada wax ka beddeli kara.
“…Waa leyli waayuhu,
Wuu laballegdeeyaa,
Waligii ma loxos-boxo!
= Waayuhu asaga ayaa ba ah dugsi casharra bixiya. Wuuna is rog-gaa, oo maalin ba waa si – marna wuu ku xumeynayaa, marna wuu ku wanaajinayaa – mana loxos-boxo, oo waa geeddi aan negaasho laheyn iyo qabyo joogta ah.
—————————— ——————-
Waa leyr qaboow oo,
Kaa sii libdheysiyo,
Laac kuu hiraayoo,
Naftu ay u lahataa.
= Waa leyr qabow ama nimco kaa sii fogaaneysa iyo hawo meel fog kaaga sii muuqata oo ku leh ‘I soo gaar’ naftaaduna jecleysato.
—————————— ——————-
Kuu shalay lis iyo subag,
Leg baruur la siin jiray,
Marbuu dib uga laabaa. (Waayuhu)
= Mid shalay barwaaqo iyo adduun heystay ayaa laga ceshadaa, oo waqtiga iyo waayuhu dib ka xumeeyaan.
—————————— ——————-
F. G. Heestan waxaa curiyay Abw. Aadan Tarabi Jaamac
Adiga oo aan ka bad-badin qiyaase, boqolkiiba (%) meeqa ayaad fahantaa xitda?
Mahadsanid.
W/Q Cabdinuur Afeey




