MAAN LEYLIN Q-1aad W/Q C/Raxiin H Galleyr

Maan leylin Qaybtii 1AAD

Waxa aan habeen hore soo qoray in ay dhallinyarada iyo dhallinta culusba u baahan yihiin in Af Soomaaliga aan wax iska weydiino afka.
Haddaba noolaha aan dadka ahayn ayaan ka bilaabaynaa.
Waxaa loo kala saara, Dabjoog iyo Duurjoog
Dab joogi waa waxii dadka la nool ee dadku ay dheefsadaan ama dadka meel ay joogaanba la nool ee ay dhaqdaan.
Sida, Xoolaha Afartooda meesi
Geela, Adhiga, Lo‘da iyo Gammaanka.
Geela waxaa la yidhaahdaa waa haldoorka xoolaha nool ee dadku dhaqdo waanna mid ka gaar ah xoolaha kale.
Lo‘da iyo Adhiga waxaa la yidhaahdaa Xaas oo inta badan guriga lagama fogeeyo inkastoo gobollada Koonfureed Laga xer geeyo oo mararka qaarkood meel aan reero lahayn loo daaq geeyo.
Adhigu waa laba jaad ama cayn oo kala duwan, Ido iyo Riyo, gobollada qaarkoodna Aricad iyo Ido ayaa looga yaqaan
Adhiguse in la xawawariyo abaar awgeed maahine waa xaas oo meel aan haweenka iyo ubadka u dhaweyn lagums hayo.
Gammaanku waa xarago,
Gammaanku waa gaadiid oo keliya hilib iyo caano lagama helo?
Haddaba Gammaanka intee baa laysku yidhaahdaa, maxay ka siman yihiin maxayse ku kala duwan yihiin? Ma jiraa magac kale oo sida gammaanka ah oo Af gurigaaga loogu yaqaan, hadduu jirana nala wadaag?
La soco qaybaha dambe?

SHEEKOOYIN