Dhaqan doorinta iyo gumaysiga qarsoon waa mid soo jireen ah, oo hadba heer soo marayay waagii Saancaddaaluhu yimid geyiga bulshooyinka reer Afrika waxa ujeedkoodu ahaa in ay dhalan dooriyaan oo baa‘biyaan dhaqamadooda, diimaha ay aaminsanaayeen iyo Afkooda.
Bulshada Soomaaliyeed si walba oo la yeelay waa loo caalwaayey awoowayasheena waa ka gobbonimo dirireen in la dhaqan dooriyo ama diintooda la beddelo, Afkoodana ay ka tagaan.
Arrinkaasi waxa ay ahayd aragti ay ka sinaayeen, geed walba iyo goob kasta oo ay joogaan.
Abtigey baa iiga sheekeeyey qaabkii ay bulshada Sigaarka ku bareen, waxa ay daadin jireen qasacado sigaar ka buuxo, markay waddooyinka ku socdaalayaan.
Dhallinyaro badan ayaa dabinkaas ku dhacay oo sigaarkii gurtay, sidii ay u raadinayeena markii dambe in ay iibsadaan la gaadhsiiyey.
Reer galbeedku waxa ka go‘an in aysan dunidan cid ka duwan ku noolaan, way ka dhintaan dad milge iyo muunad leh in ay arkaan oo ka santaagaya dhaqamadooda xunxun.
Burburkii hannaanka dowladnimo waxaa barbar socday burbur dhaqan iyo afeed oo sababay in uu saameyn ku yeesho bulshada.
Waxii ay telefishinada iyo Filimaanta noo soo marsiiyeen ma aysan yeelan raad weyn, balse 20kii sanno ee u dambaysay ee internetka jirey waxa ay si fudud u heleen in dadka maangaabka ah ay ka iibiyaan dhaqankooda una xumeeyaan dhaqanka wanaagsan ee soo jireenka ah, in dacaayad lagu furo diinta iyo awaamiirta Alle.
Waxaa jira in waayahan dambe uusan qofka Soomaaliga ah xumaanta la gaban, tan oo keentay markii la siiyey dhiirigelin dhaqaalena lagu bixiyey.
Waxaa jira kooxo ti toos ah loo soo direy iyo kooxo ay sii hawlgeliyeen, waxaa dalka iyo dadka ku socda dhalanrog baahsan kaasoo dadku sida ay u kala liitaan caqiido ahaan iyo garaad ahaan loo duufinayo.
Dabinkii awoowayaasheen diideen 150 ka hor ayaan maanta si dalag ah baan ugu dhacnay inaga oo aan is weydiinayn mira dhalka iyo dheefta laga helayo.
Waxaa lumay jiraalkii bulsheed waxa aan noqonay daad xoor, qofkii ka gilgishana waxa lagu suntaya qof dambeeya oo nool qarniyo la soo dhaafay adduun gadaal u xun, waxa aan joognaa dhaqan iyo dhur beel.
Inkastoo umadda Soomaaliyeed feejignaantooda iyo ALLE u xirnaanshahooda ay ku badbaadeen haddana waxaa cad in duullaankii saancaddaaluhu Dalka , Dadka, iyo Diinta ku soo qaaday inuu xowli ku socdo lana joogo waqtigii laga gaashaaman lahaa.
Dhul ninkiisii baa iska leh.