SAFARKII GUULAYSTAY EE GAALKACYO ILAA OXFORD 

SAFARKII GUULAYSTAY EE GAALKACYO ILAA OXFORD 

Anigu waxaan ku dhashay magaalada Xamar, Cisbitaalka Banaadir, anigoo carruur ah ayaan ka qaxnay Xamar 1991 kii. Waxyar kadiba qax kale ayaa ka dhacay Gaalkacyadii loo qaxay, markaas ayaan u wareegnay tuulooyinka magaalada Gaalkacyo bannaankeeeda ah. Waxaan muddo ku soo noolaaday miyiga magaalada Gobolka Muudg, waxaana aaminsanahay duruustaan ka soo bartay baaddiyaha (dhaanka, xoolaraacidda iyo u adkaysiga dhibta) inay noloshayda wax badan tadhay. Aabbe Alle how naxariistee wuxuu ahaa nin mutacallin ah, wuxuu noogu dadaalay intaan miyiga joognay inaan baranno quraanka kariimka ah iyo waxbarashada aasaasiga ah. Abbe wuxuu ka mid dadka u horreeyey ee Jamacadda Ummadda Soomaloyeed wax ku bartay – Kulliyadda waxbarashada.

Bilowgii 1995 ayaa la ii keenay inaan la noolaado habaryartay Ilaahay how naxariistee oo joogtey Gaalkacyo. 5aad ayaan anigu ka bilaabay Dugisga Hoose, maadaama Aabbe guriga nagusoo dhisay, quraankana aan barashadiisa ku hormarnay. Waxbarashadaydii hoose, dhexe iyo sareba waxaan ku qaatay Puntland, fasalkii koowaad ee dugsiga sare waxaan ku qaatay dugsiga Alwaaxa Garowe, fasalkii labaadna Bosaso Public, kii saddexaad iyo afraadna dugsiga sare ee Cumar Samatar Gaalkacyo. Waxaan aad u jeclaa inaan kaalinta koowaad ku dagaallamo, waxaanna ahaa laba xininyood gala kaalimaha 1, 2 am 3aad. Waxaa ii suurta geliyey dadaalkii Waalidku na geliyey. Waxaan sidoo kale aad u jeclaa oo dheeli jiray kubbadda cagta oo aan aminsanahay iney sido kale wax weyn i tartay.

Xilligii aan dugsiga sare dhiganayey ayaan shaqo bilaabay, oo aan bare u ahaan jirey carruurta waalidiintu dibadaha ka keenaan. Sidoo kalena waxaan lahaan jirey Private aan ku dhigi jirey Math’s-ka, Science ka iyo English-ka, Waxaan maarayn jirey asaasiyaaadka noloshayda. Abbe oo qol private ah habeenkii dadka wax ku bari jiray ayaa igu ababiyay inaan isaga caawiyo deedna aniga ayaa sidaa kula wareegay. Anoo dugsi sare ku jira ayaan reer yeeshay oo aan Aabbe noqday. Qaadista masuuliyadaasna wax weyn ayay i tartay.

Imtixaannada dugsiyada sare ee Puntland waxaa la mideeyey 2003, loodkii labaad ee imtixaanka midaysan ee Puntland ka baxday ayaan kaalinta 1aad u galay.

Waxaan helay scholarship waxbarasho oo EU-du bixinaysay. 2005 ayaan tegey Kenya, Egerton University oo ku taal Njoro, Nakuru, gobolka Rift Valley  ee Kenya ayaan ku dhigtay Clinical Medicine and Surgey. Aniga iyo arday kale oo reer Hargaysa ka yimid ayaa labada kaalimood ee hore ku tartami jirney waannu kaga adkaannay ardaydii Kenyaanka ahaa ee nala fasalka ahayd.

Bilowgii 2009 ka ayaan dalka ku soo laabtay, anigoo Kenya jooga ayaan haayadda Islaamic Relief shaqo ka helay, wuxuuna ahaa qorshuhu inaan ka shaqo bilaabo magaalada Muqdisho gaar ahaan Ceelasha Biyaha oo goortaas loo qaxay, laakiin dagaalkii oo istaagi waayey awgeed waxaa lay wareejiyey magaalada Gaalkacyo, waxaan sidoo kale magaalada Gaalkacyo ka hirgelinney hospital-ka Xayaat.

2009-2012 waxaan ku noolaa Gaalkacyo, waqtigaas aan Gaalkacyo ku noolaa waxaan isku qaban jirey 3 shaqo; kow, xafiiska Islaamic Relief ayaan ka tirsanaa, labo, Xayaat hospital ayaan ka shaqayn jirey, saddex, Jaamacadda East Africa Gaalkacyona macallin baaan ka ahaa. Aroortii Salaadda subax sidaan guriga uga baxo waxaan u soo laaban jirey bacdal cishe. Caqabado xagga aminga ah ayaa ka bolowday Gaalkacyo. Dagaallo aad loogu dhammaaday ayaa ka dhacay Gaalkacyo dhamaadkii 2011 ka. Way adkaaday inaan shaqadii ka sii wado Gaalkacyo. Degmada Galdogob ayaan u wareegay halkaas oo aan 6 bilood gacanta ku hayay Cusbitaalka Degmada. Muddadaas kaddib, waan fakaray inan wax barashadii sii wato, shaqana ka raadsado Xamar ayaan go’aansaday. Shaqo ay Intersos soo dhajisay oo Hospital-ka Jowhar laga shaqeynayo ayaan dalbaday. Nasiib wanaag, dhowr asbuuc gudahood ayaan imtaxaan iyo interview kaddib ku helay shaqadii.

Geeddigii Xamar iyo kala wareeggii noloshayda:-

Markii 1aad ayaan Xamar imid tan iyo markaan ka qaxnay. Garoonka Aadan Cadde oo xilligaas aad u yaraa ayaa waxaa iga soo qaadday bas muraayado jajaban. Qorshahaygu wuxuu ahaa inaan ka shaqo bilaabo hospital-ka magaalada Jowhar. Hotel Xaaji Raage oo dabka ku yaalley ayaa lay dejiyey, waxaan xasuustaa 2012 January duhurkii ayaan hotel-ka imid, casarkii baana soo degey oo damcay inaan cunto doonto qisaastii 3-4 PM, laakiin gabadhii reception-ka ayaa ii diiddey maadaama xaaladda nabad geliyo ay aad u xumayd. Xaaladda ammaan aad ayey u xumayd maqaaxiyaha cunto laga heli karana waxaa ugu sokeysay Trepiano.

Salaaddii subax ayaa baskii muraayadaha aan layn layga qaaday hotel-kii si lay geeyo magaalada Jowhar oo aan Cisbitaalka shaqo ka bilaabayo. Magaalada Jowhar xilligaas waxaa haystay Alshabaab. Muddo badan 5-6 saac ayaan waddo raf ah sii haynay. Waxaa i soo baxday in Jowhar ay aad uga figtahay Xamar oo waxbarashadii aanan sii wadan karin, cabsina waa i gashay.

Isla habeenkii aan tegey ayaan bilaabay inaan shaqo kale raadsado. Relief Web ayaan shaqo ka raadshey, bil kadib ayaan shaqo ka helay oo Islaamic Relief Muqdisho. Bas caasi ah ayaana soo raacay subax aroortii anigoon cidna u sheegin. Maraan soo dhawayn ayaa dagaal ku dhexmaray duleedka magaalada dowladda iyo Alshabaab, Afgooye ayaan ka soo wareeganay. Afar bilood kadib waxaan is barannay niman Wasaaradda Caafimaadka ka shaqayn jirey kuwaas oo igu dhiirrigeliyey inaan ku soo biiro Wasaaradda. Laakiin waan ka diiday waxaan u sheegay inaan $1,200 oo mushahar ah qaato, dowladda oo aan lacagi oollin, nabadna aan lagu helayn oo berigaa Calool Uus ayaa lagu naynaasi jiray, shaqalaha dowladdana aad ayaa loo dili jiray.

Nin berigaas wasaaradda caafimaadka agaasime ka ahaa oo aannu saaxiibo ahayn oo la oran jirey Ducaale Aadan ayaa igu dhiirrigeliyey inaan NGO-yada ka tago oo dowladda u soo wareego. Waxaan iri waan soo tashanayaa. Laba bilood oo kale ayey qaadatay inaan dadka la tashto, waxaa ii muuqatay inay khatar tahay, laakiin fursadi ka dammayso. Markii damme team-kii Wasaaradda caafimaadku waxay igu dhiirigeliyeen shir bannaanka ah oo Kenya ka dhacayey inan u raaco, si aan ugu qanco inaan ku biiro Wasaaradda. Shirkaas ayayna ahayd meeshi aan go’aanka ku qaatay inaan wasaaradda ku biro.

 

Kala wareeggii noloshayda:-

Waxaan ku biiray wasaaradda caafimaadka waxaana noqday agaasimaha waaxda qorshaynta iyo siyaasadda. 2012-2016 ayaan wasaaradda joogey, koox akhyaar ah oo capacity leh ayaan ku noqonay wasaaradda, waxaan buddhig u ahayn dhammaan siyaasadaha ay hadda ku shaqayso Wasaaradda caafimaadku, shantii sano ee aan Wasaaradda joogney waxaa soo maray 6 Wasiir iyo 5 agaasime guud.

Waxay ahayd xilligii iigu fiicnayd nolosheyda oo aan si fiican wax u bartay intii aan joogey wasaaradda waxaan fursad u helay inaan la kulmo oo la shaqeeyo dhammaan dadka wasaaradda la shaqeeya ajnebi iyo Soomaaliba. Wasaaradda markaan ka tegey waan dhibsanayey, laakiin duruufo yimid owgood ayaan uga tegey oo ahaa hoggaan xumo xagga wasaaradda ah.

Markaas ayaan dalbaday shaqooyin, labo shaqo ayaa iisoo baxday mid Nigeria ahayd oo deegaan Bookoo-Xaraam aaggey u maamusho u dhow iyo mid Nairobi ah. Nin aan saaxiib ahayn oo aan wada shaqayn jirney intuu joogaya Somalia oo xilligaas madax ka ahaa qaybta caafimaadka UNICEF Somalia, oo mar dhexe loo wareejiyay Nigeria ayaa arkay application-kaygii Najeria, wuu i soo raadshay, sidaas baan interview-ga ku galay oo offer-kii ku helay inaan Nijeria aado. Latashiyo kaddib, waxaan doortay tii Save The Children ee Nairobi oo WHO lala shaqeynayay oo ayana Somalia caafimaadkeeda laga shaqeynayay bal aan noqonayay shaqaale caalami ah. Waxaan iri intaan Booko Xaraam u dhawaan lahayd iyo khatartaas, dalkaaga ka sii shaqee.

2016-2019 WHO Somalia ayaan joogey oo ka shaqaynayey. Muddadaas waxa ku jirtay xilli aan ka soo shaqeeyay Geneva oo aan dhowr bilood shaqo gaaban o developmental assigament la yiraahdo ku soo qaatay. Intaas kadib waxaan u wareegey Kongo oo uu ka socdey Ebola Response Operations. Kadibna waxaan u wareegey WHO Zimbabwe oo aan nidaamka caafimaadka ee waddankaas madax ka ahaa. Kadib waxaan u wareegey Syria oo xarun markaas laga shaqaynayey ay u ahayd Jordan. 2016-2024 waxaan ku dhex jirey WHO. Sannadakii hore 2024 bartamihiisii ayaan ka soo wareegey WHO oo aan u wareegey xafiiska UNICEF ee bariga iyo galbeedka Africa ee Nairobi ku yaalla oo illaa maantay aan ka tirsanahay.

Riyadaydii Rumowday ee Oxford University:

Intii aan ka shaqaynayey Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxaan heli jirey tababbarro dibadda ah oo badan, 2014 waxaan ka mid ahaa wafdi ballaaran oo  tegey UK. Waqtigaas koox badan way goosteen ma soo laaban, intuu shirku socday waxaan tegey Schoolka Public Healthy-ga caanka ku ah ee London School Of Hygiene & Tropical Medicine ee London ku yaalla. Waxaan la kulmay maamulka, waxaan raadinayey inaan helo takhasus, intaan joogey ayaan waxaan arkay liiska Rank-ga Institutions-ka caafimaadka ka shaqeeya ee adduunka. Meeshaas ayaan ku ogaaday inuusan schoolakan uusan ahayn number one ee Oxford University ay ka horreyso. Halkaas ayey ka bilaabatay dream-ka Oxford University.

Riyadii bilaabatay 2014 waxay rumowday 2022. Takhasus aan aad u xiisaynayey ayey soo xayaysiiyeen waan dalbaday, nasiib waxaa ii soo dhacay Email 3 toddobaad kadib ka soo ku saabsanaa waraysiga admission ka, waraysi dheer kadib, waydiinta ugu dambaysa waxay ahayd, haddii aan ku siinno warqadda oggolaanshaha yaa kaa bixinaya Lacagta? Sideese iskaga bixinaysaa? Maadaama lacagtu badnayd oo gaaraysay $70,000.

Marka waxaan iri arrinku maahan lacagta, ee arrinku waa helitaanka oggolaanshaha (admission), haddii aan helo oggolaanshaha waan helayaa lacagta insha Allah.

Maadaama aan lahaa strong profile waan helay warqaddii, labo toddobaad kadib waan helay oggolaanshihii oo ay la socoto condition.

Waxaan la hadlay gabadhii joogtay qaybta admission inrolment-ga waxaana waydiisay in ay i siiso links aan scholarship ka helayo. Waxay ii soo didhay labo links. Mid waxay tiri waa directors award waana extremely competitive labo qof baana la siiyaa. Labo links bay ii soo didhay: Mid foundations dad lacag leh oo ka baxay baa fan gareeya, midka kalena madaxda jaaamacadda baa baxsha oo waa labo qof kaliya, rag iyo dumar. Waan xareeyey, kadibna warqad kale ayaan helay oo lay leeyahay waxaan kugu casuumaynaa inaan waraysi kula yeelanno. Waraysi kadib ayaan ku guulaystay mid ka ah labadii qof ay sheegaysay, sidaas ayeyna ku rumowday riyadaydii, oo soo dhammaatay May 2025.

Cashirradii ugu waawaynaa ee waddadaas dheer igu guuleeyey/ ka bartay:-

 

  1. Towfiiqda Alle,  Alle haddii uusan ku waafajin waxba ma suuroobaan. Marka asaga in lagu xirnaado taasna la aamino ayaa ah tan ugu weyn
  2. Ducada waalidka. Alle kadib, ducada waalidka la’aantiis waxba iima suuroobeen ayaan filayaa. Waxaan filayaa ducada labadeyda waalid iney tahay asaaska shaqadaan qabtay.
  3. Riyo+hadaf+shaqo+daacadnimo. Inaad leedahay riyo cad, leedahay ahdaaf, qabatid shaqo dhab isla markaana aad si daacadnimo ah u qabatid ayaan ayaan filayaa iney tahay waxa i soo caawiyay aadna ku caawin kara.
  4. Wadidda waxbarashada+xirfadaha fudud (soft skills). Anigu ma joojin wadista wax barashada. Dhakhtarnimada 3 master oo tan oxford ku jirto ayaa ii dheer. Waligey waan waday waxbarasahda oo waan jogteeyey. Intaa waxaan ku daray oo aad ii caawiyay waxaan dhisay xirfaddeyda wax qabasho, xiriirka, hadalka, hoggaaminta, maareynta nafta iyo dadka kale, la dhaqanka iyo tacaamulka dadka iyo in kaloo aad u fara badan. Waxaan filayaa arrinkaas aad ayuu ii caawiayay.
  5. Networking (isku xirka). Aad ayaan xirfaddaan u aaminsanaa waligey. Intaan shaqo helay kaliya aqoon kaliya ma ahayn ee qaar kale oo badan dad i yaqaanna oo yaqaannay kartideyda ayaan ka helay cawimaad badan. Haddii qofku ku yaqaanno, xirfad, karti iyo la shaqeyn wanaagsan e dadka ah kugu yaqaanno, asaga ayaa ku soo raadinaya.
  6. Dadka kale caawintooda,
  7. Luck of Short Cuts (soo gaabin la’aan)+ naftaada oo fursadda loo diyaarsho. Noloshu short cut ma leh. Waligey ma aaminin short cut. Inan nafsaddeysa diyaarsho ayaan waah hore go’aan ku qaatay. Of course wax waa ii hirgaleen laakin wali waan wadaa. Marka waa inaad u diyaar garowdaan fursadda oo qaadataan marka ay timaaddo.

 

Qisadii: Dr. Abdihamid Sh. Ibraahim 

 

WQ: Sulayman B.

SHEEKOOYIN