Lama Filaan Q/9aad
Muscab oo sheekadii halkii ka sii ambaqaaday baa Jamiilo ku yiri; Jamiilooy dadyowga ilbaxda ilmahooda waxa loola dhaqmaa sida qof weyn taasoo keenta cunuga asagoo yar in uu Garnaqsado oo cadkiisa afkiisa ku dhacsado halka umadadaha dib u dhacay aysanba xisaabsan ugu jirin carruurta ayagoo weliba qaarkood ay yihiin dad Alle iyo Rasuul csw ku xiran balse dhaqanka bey’ada u dhago nugul, oo hamigooda raaca naf iyo sheyddaanna hoggaamiyaan.
Si kastaba arrinku ha ahaadee waxaa iyana meesha ka maqneyn halbowlihii bulshada waa dumarka ee oo iyana mararka qaar la quusiyo oo la gaarsiiyo in aysan carruurta waxba dhaamin taasoo dib u dhac nololeed ah waayo dumar la’aantood waxa ay ka dhigan tahay nolol ma jirto marka laga soo tago taranka aadanaha Dumarka waa xubno firfircoon oo aasaas iyo iyo gundhig ba u ah nolosha.
Jamiilo si quman bay u dhegaysanaysay iyadoon wada helin dulucda hadalka dahsoon ee Muscab
Markaasay tidhi maxaa dunida iska galay aniga dhibkayga
Muscab oo gartay in aysan weli garan dulucda ayaa yiri” Waxa aan uga jeeda dhibka kugu dhacay maad mudnayn, dalalka qaar haddaad joogto waxa aad heli lahayd garab dowladeed iyo gerger dadweyne, arrinka maanta dadkii dad kuu xigay noloshan adag ku badeen.
Waxaa jira dad badan oo iyaga oo aan ogayn qofka duruufta iyo xaallada haysata iska xukmiya oo ku tilmaama waxyaabo uusan u qalmin.
Jamiilo neef weyn baa ka soo fuqday waayo waxgaradnimada Muscab iyo garowsha uu siiyey sheekadeedana ku kalsoonaaday bay aad uga heshay.
Bilan iyo Hooyadeed waxa ay ku heshiiyeen in ay helaan tab iyo xeel ay labada jawaab ku heli lahaayeen, ugu danbeyn Bilan ayaa talo keentay tolw taladaas ma waxa ay noqon doontaa mid la mahdiyo oo ka kaafisa labada jawaabood mise?
la soco qeybaha xiga adigoo mahadsan,,